Koox hubeysan oo markab u leexsatay dhanka Soomaaliya
Hay'adda amniga badda ee UK ayaa sheegtay in markabkan ay saarnaayeen lix qof oo hubaysan wuxuuna marayay meel qiyaastii 136 mayl badeed bari ka xigta Yemen, kaasoo ku yaal dhinac ka mid ah Gacanka Cadan.
Dunidan aan ku nool nahay ee ay ku sii kordheyso kala qaybsanaanta, waxaa jirta hal su'aal oo laga yaabo in ay ina kala qaybiso si ka badan kuwa kale - ma waxaad qubeyska ka dhigtaa waxa ugu horreeya subaxdii, ama waxa ugu dambeeya habeenkii? Ama laga yaabee inaad tahay mid ka mid ah 34% dadweynaha Mareykanka ee aan qubaysan maalin kasta.
War deg deg ah, Trump oo jeediyay hanjabaado culus oo ka dhan ah Iran
Xigashada Sawirka, Anna Moneymaker/Getty Image
Madaxweynaha
Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay “hawlgal dhaqaale oo aan hore
loo arag” oo ka dhan ah Iran.
Trump wuxuu
sheegay in Iran ay diidday fursado badan oo heshiis lagu gaari lahaa, sidaas
darteedna Mareykanku bilaabayo dagaal dhaqaale iyo go’doomin ballaaran.
Wuxuu sidoo
kale ka digay in dalalka ama shirkadaha ka caawiya Iran dhinaca maaliyadda,
shidaalka, maraakiibta ama bangiyada ay wajihi doonaan cunaqabateyn
dhaqaale oo culus.
Trump wuxuu
hawlgalkan ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo lagu wiiqayo awoodda Iran,
wuxuuna xulafada Mareykanka ugu baaqay inay taageeraan.
War deg deg ah, Trump oo baahiyay xog cusub oo ku saabsan Marinka Hormuz
Xigashada Sawirka, EPA
Saacad ka hor, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa
mar kale sheegay in marinka Hormuz uu furan yahay.
Isagoo ka jawaabaya su’aal ku saabsan in cunaqabateyn
cusub lagu soo rogo Iran, Trump wuxuu sheegay in xannibaadda badeed ee marinka
Hormuz ay tahay mid “aad waxtar u leh”, isagoo intaas ku daray in muddo aysan
jirin maraakiib u kala gooshay marinka Hormuz iyo Iran.
“Wax bay noo sheegaan, wax kalena way sameeyaan,” ayuu
yiri isagoo ula jeeday mas’uuliyiinta Iran.
Trump wuxuu sheegay in mas’uuliyiinta Iran ay filayeen in
qiimaha saliiddu gaari doono $350 foostadii kasta haddii marinka
Hormuz la xiro, halka qiimuhu hadda yahay qiyaastii $84 ilaa $85 halkii foosto.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Mareykanku uu marinka Hormuz kala baxayo xaddi
badan oo saliid ah.
Trump, isagoo ka hadlayay dhismaha tiro aan hore loo arag
oo dhuumaha shidaalka ah ee laga dhisayo meelo kala duwan, wuxuu sheegay inuu
aaminsan yahay in marinka Hormuz mustaqbalka uu lumin doono muhiimaddiisa.
Xogtii ugu dambeysay ee maanta waxay muujinaysaa in
xaaladda weli muran ka taagan tahay. Trump wuxuu sheegay in marinku furan
yahay, halka Iran ay sheegtay inuu weli xiran yahay; Reuters-na waxay sheegtay
in isu-socodka maraakiibtu aad u yaraaday, iyadoo lix markab oo badeecooyin wada
oo keliya ay marinka ka gudbeen Talaadadii.
Sarkaal horey dalka Soomaaliya uga soo howl-galay oo Itoobiya xil u magacowday
Xigashada Sawirka, FDRE Defense Force
Taliyihii hore ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Nabadd Ilaalinta Soomaaliya (AMISOM), Sarreeye Guud Tgabu Yilma, ayaa loo magacaabay Taliyaha Booliska Gobolka Amxaarada.
Dr. Zelem Kingdome, oo shantii sano ee la soo dhaafay ahaa madaxa Agaasinka Guud ee Booliska Gobolka Amxaarada, ayaa dib ugu laabtay xilalkiisii hore.
War deg deg ah, Lubnaan oo Suuriya ku wareejisay sarkaal horey uga tirsanaa maamulkii Bishaar al-Assad
Xigashada Sawirka, AFP
Mas’uuliyiinta Lubnaan ayaa Arbacadii ku
wareejiyay Dimishiq sarkaal sare oo hore uga tirsanaa ciidanka Suuriya, si
maxkamad loo soo taago, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Suuriya.
Sida ay werisay wakaaladda wararka ee
Reuters, sarkaalkii hore ayaa wajahaya eedeymo ay ka mid yihiin dil iyo jirdil.
Tani waa markii ugu horreysay ee Lubnaan ay
Suuriya ku wareejiso sarkaal ciidan oo ka tirsanaa xukuumaddii Bishar al-Assad.
Major General Adel Issa, oo hore u ahaa
taliyihii Qaybta 17-aad ee ciidanka Suuriya, kadibna noqday taliyaha ciidamada
dhulka ee gobolka Deir Ezzor ee bariga Suuriya, ayaa horraantii bishan lagu
xiray Lubnaan.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha
ee Suuriya, Issa waxaa loo raadinayay eedeymo ay ka mid yihiin dilka ugu yaraan
laba qof, gacan kagaysashada dil, jirdil sababay dhimasho, iyo dambiyo loogu
talagalay hurinta dagaal sokeeye iyo colaad diimeed. Wasaaraddu waxay intaas ku
dartay in kiiskiisa hadda uu marayo habraacyada maamulka, ka hor inta aan loo
gudbin maxkamadda dambiyada.
Sida ay sheegtay Reuters, Issa wuxuu diiday
eedeymaha loo jeediyay intii uu ku xirnaa Lubnaan.
Adel Issa, oo 67 jir ah, ayaa la xiray
Talaadadii, 8-dii Agoosto, kaddib markii uu booqday safaaradda Suuriya ee Beyruut
si uu u dhammaystiro dukumentiyo.
Wareejintan ayaa noqon karta bilowga tallaabo
lagu soo celinayo tobannaan sarkaal oo hore uga tirsanaa hay’adaha amniga iyo
militariga Suuriya, kuwaas oo la rumeysan yahay inay u baxsadeen dhinaca
xuduudaha kaddib markii Bishar al-Assad xukunka laga tuuray Diseembar 2024.
Bishii Janaayo, waxaa la soo sheegay in
mas’uuliyiinta Suuriya ay hay’adaha amniga Lubnaan siiyeen liis ay ku jiraan in
ka badan 200 oo sarkaal sare oo hore, kuwaas oo ay Dimishiq doonayso.
War deg deg ah, Ciidamada Israa'iil oo qirtay in rasaas ay oodda uga qaadeen gaari ay saarneed gabadhan yar ee Falastiiniyad ah
Xigashada Sawirka, Family/Reuters
Milatariga Israa’iil ayaa markii ugu
horreysay xaqiijisay in ciidamadoodu rasaas ku fureen gaari ay saarnayd gabar
yar oo Falastiiniyad ah oo shan jir ahayd, Hind Rajab, taas oo lagu dilay lix
xubnood oo qoyskeeda ka tirsanaa Qasa sannadkii 2024-kii.
Ciidanka Difaaca Israa’iil ayaa bilaabaya
baaritaan dembiyeed oo ku saabsan dhimashadooda iyo dilka laba shaqaale
caafimaad oo gurmad ahaa oo loo diray inay badbaadiyaan Hind. Baaritaan kale oo
gaar ah ayaa lagu eegi doonaa dilka 15 shaqaale oo gurmad iyo gargaar ahaa oo
lagu dilay Rafah sannadkii hore.
Milatarigu wuxuu sheegay in uu dib u baaro
dhacdooyinka aan caadiga ahayn si waafaqsan sharciga. Hase yeeshee, kooxda
xuquuqda aadanaha ee Israa’iil ee Yesh Din ayaa sheegtay in baaritaannada
noocan ah ay dhif iyo naadir ku dhammaadaan dacwado rasmi ah oo loo gudbiyo
eedeysanayaasha.
War deg deg ah, Israa'iil oo sheegtay in aysan ka bixi doonin aagga ay kaga sugantahay dhulka Suuriya
Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee
Israel, Eyal Zamir, ayaa sheegay in Israel aysan oggolaan doonin khatar kasta oo ku soo dhowaato ama dhul ka
qabsato meelaha u dhow xuduudaheeda.
Wuxuu hadalkan sheegay Arbacadii maanta xilli
uu booqanayay aag amni oo Israel ay ka maamusho koonfurta Suuriya.
Wuxuu sheegay in Israel aysan ka laaban
doonin qorshaheeda, isla markaana aysan dooneynin inay ciidamadeeda kala baxdo
meelaha dagaalladu ka socdaan, oo ay Suuriya ku jirto.
Ciidamada Israel ayaa aaggaas joogay tan iyo
markii la afgambiyay dowladdii Bashar al-Assad bishii Diseembar 2024.
Booqashada Zamir ayaa timid maalin kadib
markii Israel ay duqeysay saldhigga cirka ee Abu Dhuhr, oo ku yaalla gobolka
Idlib ee waqooyi-galbeed Suuriya.
War deg deg ah, Isbahaysiga NATO oo ka cabsi qabo weerarro Iran gaysato iyo feejignaan la galay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Isbahaysiga milatari ee NATO ayaa
sheegay inuu diyaar u yahay inuu wajaho khatar kasta oo uga timaadda Iran, isla
markaana uu qaadi doono tallaabooyinka ku habboon si uu u ilaaliyo dalalka
xubnaha ka ah.
Hadalkan waxaa bixiyay sarkaal NATO ah,
isagoo ka jawaabay warbixin ay qortay Financial Times oo sheegtay in
Iran ay weerari karto saldhigyada milatari ee Maraykanka ee Yurub haddii
Madaxweyne Donald Trump uu kordhiyo weerarrada ka dhanka ah Iran.
Sarkaalka NATO ayaa sheegay in awoodaha NATO
ee ka-hortagga weerarrada iyo is-difaaca ay yihiin kuwo xooggan oo wax-ku-ool
ah. Wuxuu tusaale u soo qaatay dhacdo horraantii sanadkan, markaas oo
nidaamyada difaaca cirka ee NATO ay afar jeer qabteen gantaallo laga soo riday
Iran oo ku wajahnaa Turkiga.
Financial Times, oo soo xiganaysa ilo ku dhow
dowladda Iran, ayaa sheegtay in Tehran ay tixgelinayso suurtagalnimada inay
weerarto saldhigyada ciidamada Maraykanka ee Yurub haddii Trump uu sii kordhiyo
weerarrada. Iran ayaa sidoo kale raadineysa siyaabo ay ugu sii kordhin karto
colaadda.
Wargeysku wuxuu intaas ku daray in ciidamada
Iran ay qiimeyn ku sameynayeen hantida iyo saldhigyada Maraykanka ee ku yaalla
qaar ka mid ah dalalka koonfur-bari Yurub, oo ay ku jirto Bulgaria.
Bulgaria ayaa bishii hore oggolaatay in diyaaradaha Maraykanka ay isticmaalaan
saldhig militari oo ku yaalla dalkaas si ay shidaal uga qaataan.
War deg deg ah, Shil diyaaradeed oo ka dhacay Kenya oo Madaxii sirdoonka Ecuador uu ku dhintay
Xigashada Sawirka, Kenya Red Cross/Handout via REUTERS
Madaxii sirdoonka Ecuador iyo xaaskiisii ayaa
ku dhintay shil diyaarad helikobtar ah oo ka dhacay Kenya maanta.Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda
ee Mareykanka ayaa xaqiijiyay in shan muwaadiniin Mareykan ah ay
sidoo kale ku dhinteen shilka.
Michele Sensi-Contugi iyo xaaskiisa Stephany
Hollihan ayaa ka mid ahaa toddobadii qof ee ku dhintay shilka, kaas oo ka
dhacay ismaamulka Samburu qiyaastii 9:13 subaxnimo waqtiga Kenya ee saaka.
Hay’adda Duulista Rayidka Kenya, ayaa
sheegtay in helikobtarku ay ku jirtay duulimaad dalxiis ahaa oo ka soo bilowday
keydka duurjoogta ee Loisaba, kuna socday Ewaso Nyiro, oo ah webi mara dhowr
deegaan mara.
Xafiiska Madaxweynaha Ecuador ayaa war-saxaafadeed
uu soo dhigay X ku yiri:
“Dowladda Qaranka waxay tacsi tiiraanyo leh u
diraysaa geerida naxdinta leh ee Michele Sensi-Contugi iyo xaaskiisa Stephany
Hollihan.”
Madaxweynihii hore ee Ecuador, Guillermo
Lasso, ayaa sidoo kale baraha bulshada uga tacsiyeeyay labada marxuum.
Sensi-Contugi, oo ahaa 44 jir, waxaa
sannadkii 2024 loo magacaabay agaasimaha guud ee Xarunta Sirdoonka
Istiraatiijiga ah ee Ecuador.
War deg deg ah, Ciraaq iyo Iiraan oo ka wadahadlaya xaaladaha gobolka iyo iskaashi
Xigashada Sawirka, ISNA
Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Cali al-Zaidi ayaa
ammaanay “mowqifka taageerada ah” ee Iiraan ay ka qaadatay Ciraaq,
isagoo sheegay in taageerada Tehran ay ahayd mid muhiim ah, gaar ahaan xilligii
Ciraaq ay dagaalka kula jirtay kooxda Daacish qiyaastii toban sano ka hor.
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee
dowladda Iiraan, al-Zaidi ayaa hadalkan jeediyay intii uu kulan la lahaa
Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan, Maxamed Baqir Qalibaaf, kaas oo Baqdaad ku
tagay booqasho rasmi ah oo saddex maalmood ah.
Intii uu socday kulanka, labada hoggaamiye
waxay ka wada hadleen sidii loo horumarin lahaa iskaashiga dhinacyo kala duwan,
fursadaha lagu fulin karo hindisayaal wadajir ah iyo siyaabaha loo sii xoojin
karo xiriirka laba geesoodka ah.
Dhankiisa, Maxamed Baqir Qalibaaf ayaa
bogaadiyay dadaallada dowladda Ciraaq ay ugu jirto sii ballaarinta xiriirka u
dhexeeya Iiraan iyo Ciraaq. Wuxuu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in la sii
xoojiyo iskaashiga labada dal, iyadoo la tixgelinayo danaha wadajirka ah ee
shacabka labada waddan.
War deg deg ah, Laba Markab oo dalka Shiinaha laga leeyahay oo ku xaniban Marinka Hormuz
Xigashada Sawirka, Getty Images
Laba markab oo shidaal qaada oo laga leeyahay Shiinaha ayaa la sheegay inay ka gudbeen marin-biyoodka Hormuz, balse markii dambe waxay joojiyeen safarkoodii, waxaana ay ku xannibmeen aaggaas.
Mid ka mid ah maraakiibta, Sea V, ayaa Talaadadii saliid cayriin ka soo qaaday Ciraaq, ka hor inta uusan u dhaqaaqin dhanka marin-biyoodka Hormuz.
Balse markii dambe ayuu dib u soo laabtay, waxaana uu hadda ku xanniban yahay marin-biyoodka.
Markabku wuxuu sitaa calanka Hong Kong, xogta la socodka maraakiibtuna waxay muujinaysaa in shirkad laga leeyahay Shiinaha ay leedahay.
Markabka labaad, Hestia, oo isna sita calanka Hong Kong, ayaa horraantii toddobaadkan yimid Gacanka Faaris, isagoo galay marin-biyoodka Hormuz, balse markii dambe jihadiisa u beddelay dhanka Gacanka Cumaan.
Waxaa la rumeysan yahay in dhammaan shaqaalaha markabku ay ahaayeen muwaadiniin Shiinays ah.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli shirkadaha waaweyn ee maraakiibta ee Shiinaha ay joojiyeen in maraakiibta shidaalka ay maraan marin-biyoodka Hormuz iyo Bab al-Mandab, sababo la xiriira khatarta sii kordhaysa ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada.
War deg deg ah, Dad badan oo ku dhintay god Dahab laga qodyay kadib markii uu dumay
Xigashada Sawirka, Ministry of Solid Minerals
Qoraalka sawirka, Sawirkaan waa sawir hore
Ugu yaraan 30 qof oo dahab qodayay ayaa
dhintay kaddib markii uu dumay god dahab laga qodayay oo ku yaalla
galbeedka Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, meel u dhow xadka Cameroon. Dhacdadu
waxay Talaadadii ka dhacday deegaanka Abba ee gobolka Nana-Mambéré.
Godka ayaa dumay xilli ay socotay hawsha
dahab-qodista, waxaana qaar ka mid ah dadkii dahabka qodayay ay ku hoos
xannibmeen halka shilku ka dhacay. Hawlgallada samatabbixinta ayaa socda si loo
raadiyo dadka la rumeysan yahay inay goobta ku xanniban yihiin, halka qaar ka
mid ah dadka dhaawacmayna ay helayaan daryeel caafimaad.
Muuqaallo laga duubay goobta ayaa muujinayay
samatabbixiyeyaasha oo isku dayaya inay meydadka ka soo saaraan godka, iyadoo
laga cabsi qabo in tirada dadka dhintay ay korodho. Sababta keentay burburka
godka weli lama go’aamin.
War deg deg ah, Israa'iil oo weerar ay Qasa ku qaadday ku dishay ku dhawaad 10 qof
Dhakhaatiirta Qasa ayaa sheegay in ugu
yaraan sagaal qof lagu dilay, 15 kalena lagu dhaawacay duqeyn cirka
ah oo Israa’iil ay ku qaaday saldhig booliis.
Ilo-wareedyo ka tirsan booliiska ayaa sheegay
in qaar ka mid ah dadka dhintay ay ahaayeen saraakiil sare.
Gelinkii hore ee maanta, weerar kale oo
Israa’iil ay ku qaaday xerada qaxootiga Nuseirat ee bartamaha Qasa
ayaa lagu dilay hal qof.
Sida ay sheegeen ilo caafimaad, toddobo
qof, oo uu ku jiray ilmo, ayaa lagu dilay weerar ay Israa’iil Talaadadii
ku qaaday maqaaxi ku taalla xeebta.
Kororka weerarradan ayaa yimid kaddib
booqasho uu gobolka ku tagay ergayga Maraykanka Jared Kushner, kaas oo ku
guuldarreysatay inuu gacan ka geysato horumarinta qorshaha.
War deg deg ah, Maxaa ka cusub Trump iyo wadahadallada Iran
Xigashada Sawirka, AFP
Hadalladiisii ugu dambeeyay ee ku
saabsan wada-hadallada Iran, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump waxaa uu
sheegay in “mar uun ay dhici karaan wada-hadallo lala yeesho Iran,” balse
uu sheegay in xaaladdu “hadda aad u wanaagsan tahay.” Wuxuu carrabka
ku adkeeyay in wada-hadal lala yeesho Iran uu ku xiran yahay in dalkaasi “si
buuxda uga tanaasulo” helitaanka hub nukliyeer ah.
Wuxuu sheegay inuusan oggolaan
doonin in Iran ay hesho hub nukliyeer ah, wuxuuna yiri “sababtoo ah way
adeegsan doontaa.”
Madaxweynaha Maraykanka ayaa sidoo
kale ku celiyay in ciidamada Maraykanku ay “si buuxda gacanta ugu hayaan” marin-biyoodka
Hormuz, wuxuuna sheegay in maraakiib badan ay xalay ka gudbeen marinkaasi.
Inkastoo ay weli socdaan weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo goos-goos
ah, ayuu yiri, haddana wuxuu muujiyay in aysan sidaa u badneyn”, mana aysan
carqaladeyn maritaanka qaybo ka mid ah maraakiibta.
Isagoo ka hadlayay gacan ku haynta
Maraykanka ee marin-biyoodka Hormuz, wuxuu yiri: “Saliid badan ayaa jirta,
mid ka mid ah sababaha qiimuhu uusan waligiis u gaarin $300 ama $350 waa in
saliid badan ay soo socoto.”
Laga soo bilaabo afaafka Zanbaq ee magaalada Kabul, dhinaca dugsiga sare ee Amani, waxaa isku marta waddada Ariana oo ku geynaysa Afaafka Ariana ka dibna Qasriga Madaxtooyada ee Arg. Jidkan dhalinyaro badan maanta ayay u rkaan wax cusub, laakiin dadka waayeelka ah ee reer Afgaanistaan waxay u tahay xusuus hore.
Waxaan ahay saxafigii ugu horeeyay ee muddo shan sano ah tan iyo markii ay xukunka qabatay xukuumadda Taalibaan ee gudaha u galay Qasriga Arg oo ah xarunta ugu muhiimsan ee awoodda iyo talada Afgaanistaan, isagoo kamarad gacanta ku haya.
Waxaan Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda Taalibaan kula hadlay anigoo kamaradda horteeda fadhiya, waxaana sidoo kale halkaas kula kulannay dad aanan filayn inaan la kulanno.
Xilligii Jamhuuriyaddii hore ee Afghanistan, jidka taga Arg wuxuu ahaa mid qarsoodi ah oo dadka caadiga ah loo ogolaan jirin inay arkaan ama maraan.
Qalcadda dhagaxa ah ee Arg muddo hal qarni iyo bar ah waxay ahayd astaanta ilaalinta awoodda Afgaanistaan.
Trump oo sheegay in uu dhawaan la kulmayo Kim Jong Un
Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inuu filayo in uu dabayaaqada sannadkan la kulmo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, taas oo noqonaysa kulankoodii ugu horreeyay intii lagu jiray muddo xileedkiisan labaad.
Hadalkiisa ayaa yimid saacado kaddib markii Kim Yo Jong, oo ah walaasha Kim Jong Un, ay sheegtay inaysan waxba ka ogeyn sheegashada Trump ee ahayd in labada hoggaamiye ay xiriir yeesheen.
Waxay sheegtay in xiriirka shakhsiga ah ee labada hoggaamiye uu weli wanaagsan yahay, balse waxay Washington ku eedeysay inay sii waddo siyaasad cadowtinimo ah oo ka dhan ah Pyongyang.
Kim Yo Jong ayaa sidoo kale ka gaabsatay go’aanka Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ay toddobaadkan samaynayaan dhoolatusyadooda milatari.
Israel oo baadhitaan gelinaysa dilal kal hore Gaza ka dhacay
Milatariga Israa’iil ayaa markii ugu horreysay xaqiijiyay in ciidamadooda rasaas ku fureen gaari ay saarneyd Hind Rajab, oo ahayd gabar Falastiini ah oo shan jir ahayd, taasoo iyada iyo lix ka mid ah ehelkeeda lagu dilay Gaza sannadkii 2024.
Ciidamada Israa’iil ayaa furaya baaritaan dembiyeed oo ku saabsan dhimashadeeda iyo dilka laba ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee gurmadka ahaa, kuwaas oo loo diray inay badbaadiyaan Hind.
Baaritaan gaar ah ayaa sidoo kale lagu sameyn doonaa dilka 15 shaqaale gurmad iyo gargaar ah oo ka dhacay magaalada Rafah sannadkii hore.
Milatariga Israa’iil ayaa sheegay inuu baadho dhacdooyinka aan caadiga ahayn si waafaqsan sharciga. Hase yeeshee, hay’adda xuquuqda aadanaha ee Israa’iil, Yesh Din, ayaa sheegtay in baadhitaannada noocan ah ay dhif tahay in ay ku dhammaadaan in dad maxkamad la soo taago.
Nin kaadi-heystiisa ay dhaqaatiirtu ka saareen dhagax miisaankiisu yahay 3.1kg
Dhaqaatiirta dalka Sri Lanka ayaa ka saaray kaadi-haysta nin dhagax miisaankiisu yahay 3.1kg; waxayna aaminsan yihiin inuu noqon karo dhagaxii ugu weynaa ee noociisa ah ee abid la diiwaangeliyo.
Qalliinka ayaa lagu sameeyay toddobaadkii hore isbitaal ku yaalla magaalada Trincomalee ee bariga dalka Sri Lanka.
Bukaanka oo 55 jir ah ayaa la dhigay isbitaalka ka dib markii uu ku dhacay istiroog (stroke). Hase yeeshee, intii lagu guda jiray daaweynta, markii ay dhaqaatiirtu dareemeen inuu dhibaato kala kulmayo kaadida, waxay ogaadeen inuu kaadi-haystiisa ku jiro dhagax.
Intii lagu guda jiray qalliinka, dhaqaatiirtu waxay ka saareen dhagax kaadi-haysta ku jiray oo miisaankiisu la mid yahay kan ilmo cusub oo waqtigiisii dhammaystay, cabbirkiisuna uu la ekaa ukunta geela.
Dr. Prahalahan Balakrishnan, oo hoggaaminayay qalliinka, ayaa u sheegay BBC Sinhala: "Marka loo eego xogta jirta, kani waa dhagaxii ugu weynaa ee kaadi-haysta laga saaro qalliin ahaan ee abid la diiwaangeliyo."