TOOS, Israa'il oo sheegtay in ay heshay xog cad oo muujinaysa qorshe Turkigu damacsanyahay oo khatar ku ah

Israa'il oo sheegtay in ay heshay xog cad oo muujinaysa qorshe Turkigu damacsanyahay oo khatar ku ah

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Degdeg: Ra'iisul Wasaairihii hore ee Pakistan oo dib loogu celiyay xabsiga

    Wararka laga helayo Pakistan ayaa sheegaya in ra’iisul wasaarihii hore, Imran Khan, dib loogu celiyey xabsiga kadib markii uu isbitaal ka helay daryeel caafimaad, taas oo lagu sameeyey amar ka yimid Maxkamadda Sare.

    Qareennadiisu waxay sheegeen in xaaladdiisa caafimaad ay kasii dartay, halka dowladda ay sheegtay in Mr Khan uusan u baahnayn daaweyn caafimaad.

  2. Xogo laga helay dakhliga ay Al-Shabaab ka uruurin jireen Muqdisho iyo tababar ay ka heleen Xuutiyiinta Yemen.

    Warbixin cusub oo loo gudbiyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in al-Shabaab ay u muuqato inay wax ka beddeshay qaabka ay uga hawlgasho Soomaaliya, iyadoo yareysay tirada weerarrada balse xoogga saartay hawlgallo si gaar ah loo qorsheeyey loona bartilmaameedsaday.

    Warbixintu waxay sidoo kale soo bandhigtay sheegashooyin ku saabsan xiriirka Al-Shabaab ay la leedahay Xuutiyiinta Yemen iyo Al-Qaacida ee Jaziiradda Carabta, tababar la sheegay in boqolaal dagaalyahan loo fidiyey iyo isku dayga kooxda ee helitaanka qalab casri ah oo ay kaga hortagto diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

    Dukumentigan oo tirsigiisu yahay S/2026/651, lana daabacay 10-kii Agoosto 2026, waa warbixintii 38-aad ee Kooxda Dabagalka Cunaqabateynta ee Qaramada Midoobay, taas oo baarta dhaqdhaqaaqyada Daacish, Al-Qaacida iyo kooxaha xiriirka la leh.

    Mid ka mid ah qodobbada ugu muhiimsan warbixinta ayaa ah in Al-Shabaab ay u muuqato inay ka leexatay weerarradii tirada badnaa ee la arkay sannadkii 2025.

    Sida lagu sheegay warbixinta, kooxda waxay qaadday weerarro ka yar kuwii hore gudaha Muqdisho iyo deegaannada ku dhow, iyadoo hawlgalladeeda ay si weyn ugu urureen Hirshabeelle, Jubada Hoose, Jubada Dhexe, Shabeellaha Hoose iyo Galmudug.

    Qaramada Midoobay waxay arrintan ku tilmaantay u wareegid "hawlgallo bartilmaameed iyo istiraatiijiyad leh".

    Tani waxay muujin kartaa in kooxda ay isku dayeyso inay si taxaddar leh u doorato bartilmaameedyada iyo waqtiga weerarrada, xilli ciidamada dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadooda ay kordhiyeen duqeymaha iyo hawlgallada ka dhanka ah hoggaanka kooxda.

    Warbixintu ma faahfaahin noocyada bartilmaameedyada ay Al-Shabaab mudnaanta siinayso ama heerka uu isbeddelkan saameeyey awooddeeda guud.

  3. War deg deg ah, Trump oo sheegay in haddii loo baahdo Iran uu 100 jeer ka badan weerari lahaa

    Trump

    Xigashada Sawirka, EPA

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in haddii loo baahdo uu Iran 100 jeer ka badan weerari lahaa si looga hortago inay hesho hub nukliyeer ah.

    Trump wuxuu sheegay in tallaabooyinkiisa militari ay ka hortageen burbur ku yimaada Israel iyo Bariga Dhexe, isagoo ku andacooday in Iran ay xilligaas laba toddobaad u jirtay inay samaysato hub nukliyeer ah.

    Wuxuu sidoo kale sheegay in awoodda gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran si weyn loo wiiqay, halka dhaqaaluhuna uu qarka u saaran yahay burbur.

    Trump wuxuu heshiiskii nukliyeerka Iran ku tilmaamay “masiibo”, wuxuuna sheegay in ka bixitaankiisu muhiim u ahaa ka hortagga in Iran ay hesho hub nukliyeer ah.

    Sidoo kale, wuxuu Iran ku tilmaamay “dhibaatada Bariga Dhexe”, isagoo ku eedeeyay inay khatar ku tahay dalalka gobolka iyo xitaa dhulka Maraykanka.

  4. War deg deg ah, Warar dheeraad ah oo laga helayo Markab loo afduubtay dhanka Soomaaliya

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Warbixinno ka soo baxay hay’adaha ammaanka badda ayaa sheegaya in Markab shidaal lagu qabsaday xeebaha Yemen, kaddib markii lix nin oo hubaysan ay la wareegeen markabka, kuna khasbeen inuu jihada u beddelo dhanka Soomaaliya.

    Markabku wuxuu ka soo shiraacday Cumaan. Waxa uu diray baaq degdeg ah kaddib markii ay u soo dhawaatay doon kaga timid galbeedka Gacanka Cadmeed. Ilaa hadda lama hayo faahfaahin ku saabsan xaaladda badbaadada shaqaalaha markabka oo ka babanayay calan shisheeye.

    Dhacdadan waxay kusoo beegmaysaa xilli ay kordheen weerarrada la xiriira burcad-badeednimada ee ka dhaca xeebaha Soomaaliya. Tirada dhacdooyinka burcad-badeednimada ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay muddo toban sano ah, inkastoo ay weli aad uga yar tahay ku dhowaad 200 weerar sanad kasta oo la diiwaangelin jiray intii u dhexeysay 2009 iyo 201

  5. Degdeg: Israa'iil oo sheegtay in ay heshay xog khatar ku ah oo ka imaanaysa Turkiga

    .

    Xigashada Sawirka, AFP via Getty

    Safiirka Israel u fadhiya Maraykanka ayaa sheegay in Israel ay heshay xog cad oo muujinaysa in Turkigu qorsheynayo inuu si weyn u ballaariyo joogitaankiisa milatari ee Suuriya.

    Sida uu sheegay safiirku, Israel waxay tallaabada Turkiga u aragtaa “Khad cas oo la gudbay.”

    Wuxuu sheegay in Israel aysan doonayn inay sii kordhiso xiisadda ama dagaal la gasho Turkiga ama Suuriya, balse uu sheegay in khadka cas laga gudbay.

    Safiirku wuxuu intaas ku daray in tallaabada Israel ay ku salaysnayd xog ay heshay, isagoo ku tilmaamay joogitaanka Turkiga inuu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah isfahamkii hore.

    Dhanka kale, wasiirka gaashaandhigga Israel ayaa madaxweynaha Turkiga ku eedeeyay inuu dalkiisa ku jiidayo “tallaabooyin khatar ah” oo ka dhacaya Suuriya. Hadalka ayaa yimid kaddib markii Israel si dadban u qiratay inay weerartay saldhig diyaaradeed oo ku yaalla waqooyiga Suuriya horraantii toddobaadkan.

    Wasiirku wuxuu sheegay in halkii Turkigu uu tijaabin lahaa go’aanka Israel ee ku aaddan is-difaaceeda, ay habboonaan lahayd in uu ku ekaado cambaareynta ay ka horjeedinayaan baarlamaanka Turkiga.