Dakhliga Al-Shabaab ee Muqdisho oo hoos u dhacay iyo tababar ay ka heleen Xuutiyiinta - Warbixin QM

Al Shabaab

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Abdinasir Ali
    • Role, BBC Somali
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Warbixin cusub oo loo gudbiyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in al-Shabaab ay u muuqato inay wax ka beddeshay qaabka ay uga hawlgasho Soomaaliya, iyadoo yareysay tirada weerarrada balse xoogga saartay hawlgallo si gaar ah loo qorsheeyey loona bartilmaameedsaday.

Warbixintu waxay sidoo kale soo bandhigtay sheegashooyin ku saabsan xiriirka Al-Shabaab ay la leedahay Xuutiyiinta Yemen iyo Al-Qaacida ee Jaziiradda Carabta, tababar la sheegay in boqolaal dagaalyahan loo fidiyey iyo isku dayga kooxda ee helitaanka qalab casri ah oo ay kaga hortagto diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Dukumentigan oo tirsigiisu yahay S/2026/651, lana daabacay 10-kii Agoosto 2026, waa warbixintii 38-aad ee Kooxda Dabagalka Cunaqabateynta ee Qaramada Midoobay, taas oo baarta dhaqdhaqaaqyada Daacish, Al-Qaacida iyo kooxaha xiriirka la leh.

Mid ka mid ah qodobbada ugu muhiimsan warbixinta ayaa ah in Al-Shabaab ay u muuqato inay ka leexatay weerarradii tirada badnaa ee la arkay sannadkii 2025.

Sida lagu sheegay warbixinta, kooxda waxay qaadday weerarro ka yar kuwii hore gudaha Muqdisho iyo deegaannada ku dhow, iyadoo hawlgalladeeda ay si weyn ugu urureen Hirshabeelle, Jubada Hoose, Jubada Dhexe, Shabeellaha Hoose iyo Galmudug.

Qaramada Midoobay waxay arrintan ku tilmaantay u wareegid "hawlgallo bartilmaameed iyo istiraatiijiyad leh".

Tani waxay muujin kartaa in kooxda ay isku dayeyso inay si taxaddar leh u doorato bartilmaameedyada iyo waqtiga weerarrada, xilli ciidamada dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadooda ay kordhiyeen duqeymaha iyo hawlgallada ka dhanka ah hoggaanka kooxda.

Warbixintu ma faahfaahin noocyada bartilmaameedyada ay Al-Shabaab mudnaanta siinayso ama heerka uu isbeddelkan saameeyey awooddeeda guud.

Hoggaamiyeyaal la dilay iyo Axmed Diiriye oo weli firfircoon

Al Shabab

Xigashada Sawirka, AP

Warbixintu waxay sheegtay in ciidamada Soomaaliya iyo saaxiibadooda ay horumar ka sameeyeen wiiqidda hoggaanka Al-Shabaab.

Cabdullaahi Cismaan Maxamed Caddow, oo loo yaqaannay Injineer Ismaaciil, ayaa la sheegay in la dilay bishii Diseembar 2025. Warbixintu waxay sheegtay inuu mas'uul ka ahaa hawlgallada qaraxyada macmalka ah ee kooxda.

Cabdullaahi Xasan Cabdi Cosoble, oo lagu naaneysi jiray Cabdullaahi Wadaad, kana shaqeynayey arrimaha maaliyadda, ayaa la dilay bishii Janaayo. Maxamed Sahal Idl, oo loo yaqaannay Abuu Usaama, loona magacaabay inuu beddelo, ayaa isna la dilay bishii Febraayo.

Inkasta oo khasaarahaas la gaarsiiyey hoggaanka kooxda, warbixintu waxay sheegtay in hoggaamiyaha Al-Shabaab, Axmed Diiriye, uu weli firfircoon yahay, laguna tuhunsan yahay inuu ku sugan yahay koonfurta Soomaaliya.

Dakhliga Muqdisho oo hoos u dhacay

Muqdisho

Xigashada Sawirka, Getty Images

Warbixinta Qaramada Midoobay waxay sheegtay in dhaqaalaha Al-Shabaab uu weli adkeysi leeyahay inkasta oo dakhligii ururinta kooxda uu hoos u dhacay.

Lacagaha ay kooxda ka ururin jirtay Muqdisho ayaa lagu qiyaasay inay markii hore ahaayeen 12 milyan ilaa 15 milyan oo doollar bishii. Warbixintu waxay sheegtay in lacagahaas ay hadda noqdeen qiyaastii shan milyan ilaa sagaal milyan oo doollar bishii.

Hoos u dhaca waxaa loo sababeeyey tallaabooyinka amniga ee lagu adkeeyey Muqdisho. Abaaraha ka jira Jubbaland, Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe ayaa sidoo kale la sheegay inay saameeyeen ilaha dakhliga kooxda.

Warbixintu ma sharraxin habka loo xisaabiyey lacagahan ama ilaha gaarka ah ee laga helay qiyaasta, balse waxay xogta u tiirisay dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay.

Maxaa laga sheegay xiriirka Xuutiyiinta?

Xuutiyiinta

Xigashada Sawirka, EPA

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Qodobka ugu culus ee warbixinta ayaa la xiriira iskaashi la sheegay inuu ka dhexeeyo Al-Shabaab, Xuutiyiinta Yemen iyo Al-Qaacida ee Jaziiradda Carabta, oo loo soo gaabiyo AQAP.

Warbixintu waxay sheegtay in dhowr dagaalyahan oo Al-Shabaab ka tirsan ay xeebaha uga gudbeen Yemen, kadibna tageen gobollada Shabwah iyo Ma'rib. Halkaas ayay kula kulmeen xubno ka tirsan AQAP si ay isku dhaafsadaan khibrado una wada xiriiriyaan arrimaha saadka.

Qaar ka mid ah dagaalyahannadaas ayaa markii dambe la sheegay inay la kulmeen xubno ka tirsan Xuutiyiinta, iyagoo ka wada hadlay dhaqdhaqaaqa dagaalyahannada iyo taageero ay labada dhinac is dhaafsadaan.

Sida warbixintu sheegtay, inta u dhexeysa 150 iyo 400 oo dagaalyahan oo Al-Shabaab ah ayaa tababar ka helay Xuutiyiinta. Erayga "la sheegay" ayaa warbixinta lagu isticmaalay, mana jiraan faahfaahin dadweynaha loo soo bandhigay oo caddeyneysa halka tababarku ka dhacay, muddadiisa ama nooca tababarka la bixiyey.

Cabdulqaadir Yaxye Cali Axmed al-Zabidi, oo warbixintu ku tilmaantay fududeeyaha saadka ee Al-Shabaab, ayaa bartilmaameed lagu qaaday magaalada Ghaydah bartamihii Febraayo. Arrintaas ayaa si ku-meel-gaar ah u hakisay xiriirka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta, balse warbixintu waxay sheegtay in iskaashigu dib u bilowday.

Dalalka xogta siiyey Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujiyey in xiriirka Xuutiyiinta uu kordhin karo awoodda hawlgal ee Al-Shabaab.

Warbixintu waxay sheegtay in kooxda ay raadineyso sidii ay u horumarin lahayd masaafada iyo saxnaanta hoobiyeyaasha ay adeegsato. Waxay sidoo kale dooneysaa qalab lagu carqaladeeyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, si ay uga fogaato dabagalka cirka iyo duqeymaha.

Haddii kooxda ay hesho awoodahaas, warbixintu waxay sheegtay inay khatar dheeraad ah ku noqon karto ciidamada Soomaaliya iyo ciidamada Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, AUSSOM.

Maxay Soomaaliya uga dhigan yihiin xogahan cusub ee ay baahisay Qaramada Midoobay?

Lacag

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xogahan cusub waxa ay uga dhigan yihiin Soomaaliya ayaan ka wareysannay Xasan Xundubeey Jimcaale, oo ah wasiirkii horee amniga Soomaaliya. Waxaan marka hore weydiinnay sababta ugu wacay hoos u dhaca lacag-ururinta al-Shabaab, wuxuuna yiri: "Horta waxaa jira dadaal xooggan oo ay dowladda Soomaaliya ku qaadday dhaqaale-uruurinta raggaas iyo akoonnadooda iyo meelaha ay wax dhigtaan oo la daba galay iyo shirkado been abuur ah oo la daba galay, tiro badan oo akoonno ah oo la xiray," ayuu yiri.

Wuxuu xusay inay sidoo kale yaraatay awooddooa magaalada Muqdisho iyo cabsida laga qabay oo yaraatay.

Xundubeey ayaa sheegay in ammaanka maagalada Muqdisho aad loo adkeeyay, taasoo ka qeyb qaadatay inay adkaato in gawaarida wax qarxiya ay ka howlgalaan gudaha magaalada.

"Kaamirooyinka CCTV aad ayay uga qeyb qaateen ammaanka magaalada," ayuu intaa raaciyay.

Waxaa kale oo uu sheegay in duqeymaha cirka iyo amniga oo la xoojiyay ay ka qeyb qaateen inay hoos u dhacdo awoodda Al-Shabaab.

Maxaa la xaqiijiyay?

Inta badan macluumaadka warbixinta waxaa bixiyey dalal xubno ka ah Qaramada Midoobay oo aan magacyadooda la shaacin.

Warbixintu waxay adeegsataa erayo ay ka mid yihiin "waxay u muuqataa", "waxaa la rumeysan yahay", "la sheegay" iyo "waxay suurtagal ka dhigi kartaa". Taasi waxay muujineysaa in qodobbada qaarkood yihiin qiimeyn sirdoon ama xog ay dowlado gudbiyeen, halkii ay ka ahaan lahaayeen dhacdooyin ay Qaramada Midoobay si madax-bannaan u caddeysay.

Sawirka guud ee warbixintu bixineyso waa Al-Shabaab oo cadaadis kala kulmeysa dhinacyada hoggaanka iyo dakhliga, balse la qabsaneysa xaaladda. Kooxda ayaa la sheegay inay dooraneyso weerarro bartilmaameed leh, ilaalineyso shabakadaheeda dhaqaale, isla markaana xiriirro ka raadineyso Yemen iyo meelo kale oo ka baxsan Soomaaliya.