Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka hadlay daadadka Nepal
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa sheegay inuu aad uga murugooday daadadka xooggan ee ka dhacay Nepal iyo Shiinaha, kuwaas oo sababay dhimasho badan, dad la la’yahay iyo burbur baahsan.
Guterres wuxuu tacsi u diray qoysaska dadka ku dhintay musiibada, wuxuuna caafimaad u rajeeyay dadka ku dhaawacmay.
Wuxuu sidoo kale sheegay inuu garab taagan yahay dhammaan dadka ay musiibadu saameysay.
Guterres ayaa intaas ku daray in kooxaha Qaramada Midoobay iyo hay’adaha ay wada shaqeeyaan ay Nepal u dirayaan sahay iyo shaqaale, si ay uga qayb qaataan gurmadka ay hoggaaminayso dowladda Nepal.
Gabar jirkeeda 98 boqolkiiba ay ku yaallaan 'bar' ay ku dhalatay
Haweeney
qabta xaalad maqaar oo naadir ah, oo barta lagu dhalasho ay dabooshay
98 boqolkiiba jirkeeda, ayaa ka hadashay sida ay u baratay inay aqbasho
muuqaalkeeda ka dib sannado badan oo ay isku dayeysay inay qariso
maqaarkeeda.
Laura
Kelly, oo 28 jir ah, waxay ku dhalatay xaalad maqaar oo naadir ah oo
loo yaqaan 'melanocytic nevus' waxayna martay 14 qalliin intii ay
yarayd, iyadoo ay jiraan cabsi ay dhakhaatiirtu ka qabaan inaysan
noolaan karin da'da siddeed jirka.
Laura
waxay sheegtay in calaamadda dhalashada melanin ee ay ku dhalatay ay ka
dhigeen inay si aad ah uga warqabto muuqaalkeeda iyo sida dadka aan
aqoon ay ula dhaqmi doonaan.
Waxay
intaas ku dartay in aqbalidda muuqaalkeeda iyo kor u qaadista wacyiga
ku saabsan melanocytic nevus-ka ay ku dhalatay ay siisay kalsooni
dheeraad ah.
Meta oo oo bilyamaad lagu ganaaxay waxyeellada caruurta dartood
Xigashada Sawirka, .
Shirkadda Meta, oo leh Facebook iyo Instagram, ayaa oggolaatay inay bixiso $18 bilyan si loo soo afjaro dacwadaha ay gobollada Maraykanku ku eedeeyeen in baraheeda bulshada ay waxyeello u geysteen carruurta.
Garsoore ka tirsan California ayaa ansixiyay heshiiska, kaas oo Meta ku bixin doonto lacagta loo xukumay 48 gobol,
Washington D.C. iyo saddex dhul oo Maraykan ah. Waa lacagtii ugu
weyneyd ee Meta bixiso oo la xidhiidha dacwadaha badbaadada carruurta.
Meta sidoo kale waxay qaadi doontaa tallaabooyin cusub oo lagu ilaalinayo carruurta, sida xaddidaad waqti oo maalinle ah iyo in habeenkii in la xannibo isticmaalka.
Meta waxay sheegtay in aysan qiran wax khalad ah, lacagta $18 bilyanna lagu bixin doono si sannadle ah muddo 10 sano ah.
Dacwadda waxaa markii hore 2023 bilaabay 29 gobol, kuwaas oo Meta ku
eedeeyay inay jebisay sharciyada federaalka iyo kuwa gobollada ee
ilaalinta xogta iyo asturnaanta carruurta.
New Mexico ayaa ka mid ahayd gobolladii aan qayb ka noqon heshiiskan.
Soo koobid: Waa sidee xaalka Nepal oo dad badan maanta ku dhinteen?
In ka badan 150 qof ayaa ku dhintay daadad degdeg ahaa oo Arbacadii ka dhacay xadka Nepal iyo Tibet. Aagga ay musiibadu ka dhacday waa meel caan ku ah goobo cibaado, dalxiiska iyo ku safarka buuraha.
In ka badan 500 dalxiise ayaa lagu la’yahay Nepal.
Waxaa ka mid ah in ka badan 100 qof oo Hindiya u dhashay, 54 Maraykan
ah, 33 British ah iyo in ka badan 100 qof oo Nepalese ah.
Tibet, warbaahinta dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in ugu yaraan 3 qof ay dhinteen, halka 265 qof la la’yahay.
Markii hore waxaa la rumaysnaa in daadadka uu sababay dhulgariir, balse hadda waxaa la sheegay in dhul-go’ uu sababay dhaqdhaqaaqa dhulka, kaas oo markaas keenay daadadka.
Muuqaallo laga duubay goobta ayaa muujinaya biyo badan oo dhoobo leh oo si xoog leh u socda, buundooyin kala goynaya iyo burbur baahsan.
Goobta xadka Gyirong, kamaradaha CCTV-ga ayaa muujiyay dad ordaya ka hor inta aysan mawjado biyo ah ku dumin dhisme u dhawaa.
Mas’uuliyiintu waxay ka digayaan in tirada dhimashada iyo dadka la la’yahay ay sii kordhi karto maalmaha soo socda, marka la ogaado baaxadda dhabta ah ee musiibada.
Dalal badan oo taageero u fidinaya Nepal kadib daadadkii haleelay
Nepal ayaa sheegtay in in ka badan 150 qof ay ku dhinteen daadadka, halka boqolaal dalxiisayaal ahna la la’yahay, oo ay ku jiraan 33 qof oo u dhashay UK.
Dalal iyo hay’ado caalami ah ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay Nepal ka caawiyaan xaaladdaas haleeshay:
Hindiya: Ra’iisul Wasaare Narendra Modi ayaa
sheegay in Hindiya diyaar u tahay inay Nepal siiso dhammaan noocyada
gargaarka bani’aadamnimo ee ay awooddo.
Maraykanka: Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay inay xidhiidh la leedahay dowladda Nepal, isla markaana ay diyaar u tahay inay caawiso.
Midowga Yurub: Madaxweynaha Guddiga Yurub, Ursula
von der Leyen, ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu diyaar u yahay inuu
kordhiyo gargaarka uu Nepal siinayo.
UK: Wasiirka Arrimaha Dibadda Ed Miliband ayaa
sheegay in kooxaha qunsuliyadda UK ay la shaqeynayaan maamulka deegaanka
si ay uga qayb qaataan gurmadka iyo caawinta dadka ay musiibadu
saameysay.
Canada: Ra’iisul Wasaare Mark Carney ayaa sheegay in Canada ay diyaar u tahay inay Nepal taageerto.
Pakistan: Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif ayaa
sheegay inuu aad uga murugooday musiibadaas, isagoo tacsi iyo naxariis u
diray qoysaska dadka dhintay iyo dhammaan dadka ay musiibadu saameysay.
New Zealand oo hubinaysa dadka u dhashay ee lagu la’yahay Nepal
Mas’uuliyiinta New Zealand ayaa sheegay inay weli baadhayaan in muwaadiniin New Zealand ah lagu la’yahay Nepal kadib daadadkii xoogga badnaa.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga New Zealand ayaa muwaadiniinta dalkaas ee ku sugan Nepal kula talisay inay mar walba raacaan tilmaamaha maamulka deegaanka, oo ay ku jiraan amar kasta oo daad-gureyn ah.
Waxay sidoo kale dadka New Zealand-ka ah ee Nepal jooga kula talisay inay qoysaskooda iyo saaxiibadood la xidhiidhaan oo ay u sheegaan inay nabad qabaan, marka ay fursad u helaan.
Maxay dad badan oo 'ajnabi' ahi ugu badan yihiin aagagga daadku ku dhufteen ee Nepal?
Aagga ay daadadku ku dhufteen waxaa ku yaalla laba haro oo dhaadheer, kuwaas oo ah goobo xaj iyo cibaado oo ay qadariyaan Hinduuga, Buddhistaha iyo Jainism-ka.
Haro Mansarovar waxay ku taallaa meel u dhow buurta Kailash ee Tibet.
Haro Gosaikunda waxay ku taallaa degmada Rasuwa ee Nepal.
Sannad kasta tobannaan kun oo dalxiisayaal ah ayaa mara Nepal iyagoo u socda Harada Mansarovar.
Waqtigan oo kale ee sannadka ayaa si gaar ah loo booqdaa goobahan, waxaana dalxiisayaasha ugu badan ka mid ah Hindiya. Dad badan ayaa sida oo kale u taga Gosaikunda si ay ugu qubeystaan biyaha harada oo ay u arkaan arrin diimeed oo barakeysan.
Pradeep Pandit, oo ah maamulaha shirkadda Alpine Kailash Trek, ayaa sheegay in waddadani tahay mid aad loo jecel yahay, gaar ahaan xilligan bisha marka dayaxu buuxsamo, taas oo diimaha qaarkood u arkaan waqti nasiib iyo barako leh.
Safaaradda UK oo digniin ka soo saartay daadadka Nepal
Safaaradda Britain ee Nepal ayaa muwaadiniinta British-ka ah ee ay daadadku saameeyeen kula talisay inay raacaan tilmaamaha maamulka deegaanka isla markaana ay si dhow ula socdaan xaaladda oo isbeddelaysa.
Baroness Winterton, oo ah wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee
Britain, ayaa sheegtay in dowladda UK ay si dhow ula shaqaynayso
mas’uuliyiinta Nepal, kadib markii la soo sheegay in muwaadiniin British ah ay ka mid yihiin dadka la la’yahay.
Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in 12 muwaadiniin British ah,
oo ay ku jirto gabar 13 jir ah, lagu soo warramay inay ka mid yihiin
dadka la la’yahay kadib daadad xooggan oo ka dhacay Nepal.
War deg deg ah, Eeyo iyo diyaarado loo adeegsanayo baadigoobka dadka fatahaadaha ku maqan
Eeyo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ayaa loo adeegsanayaa baadigoobka iyo samatabixinta Nepal.
Booliska iyo ciidamada Nepal ayaa
adeegsanaya diyaarado aan duuliye lahayn iyo eeyo tababaran si ay u raadiyaan
dadka ku maqan fatahaadaha.
Xaalad jaha-wareer ah ayaa ka taagan dalkaas.
War deg deg ah, Sawirradii ugu dambeyay ee xaaladda Nepal oo fatahaadu ku dhufteen
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Nepal waxaa ka dhacay daadad xooggan oo dilay dad badan kuwa kalana ilaa iyo hadda waa la la'yahay
War deg deg ah, Daadadka Nepal waxaa ku dhintay ilaa iyo hadda 95 qof, halka 403 dalxiisayaal ahaa oo ay ku jiraan muwaadiniin Hindi ah ahna weli la la'yahay.
Xigashada Sawirka, NEPAL POLICE / X ACCOUNT / HANDOUT
Xigashada Sawirka, NEPAL POLICE / X ACCOUNT / HANDOUT
War deg deg ah, WHO oo ku baaqday xabad-joojin si loo xakameeyo faafitaanka Ebola
Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ku baaqday in
colaadda bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo lagu sameeyo xabbad-joojin
lix bilood ah, si loo xakameeyo faafitaanka Ebola.
Agaasimaha WHO ee Afrika, Mohamed
Janabi, ayaa sheegay in amni-darradu carqaladeysay la socodka cudurka,
gaarsiinta sahayda caafimaadka iyo shaqada shaqaalaha caafimaadka.
Wuxuu
dhinacyada dagaallamaya ugu baaqay inay fursad siiyaan nabadda, isagoo ka digay
in dagaalladu kumannaan qof barakiciyeen oo ay dardar geliyeen faafitaanka
cudurka.
Cudurkan ayaa ah dillaacii labaad ee ugu weynaa taariikhda, waxaana la
xaqiijiyay in ka badan 5,000 xaaladood, halka in ka badan 2,000 qof ay
dhinteen.
War deg deg ah, Trump oo shaaciyay xog cusub oo ku saabsan hoggaamiyaha sare ee Iran Mojtaba Khamenei
Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Maraykanka Donald
Trump ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Hoggaamiyaha Sare ee Iran, Mojtaba
Khamenei, uu weli nool yahay, inkastoo uusan si guud u soo muuqan tan iyo
markii uu xilka qabtay kaddib dilkii aabbihii bishii Febraayo.
Trump ayaa sidaas u sheegay
weriyaha muxaafidka ah ee Maraykanka Glenn Beck. Wuxuu sheegay in Khamenei uu
si daran uga dhaawacmay dhinaca bidix ee jirkiisa, oo ay ku jiraan gacan iyo
lug.
Mojtaba Khamenei ayaa weli ah
hoggaamiyaha Iran iyadoo ay socdaan weerarrada Maraykanka iyo Israel. Si
kastaba ha ahaatee, maqnaanshihiisa joogtada ah ee fagaarayaasha iyo saameynta
sii kordheysa ee saraakiisha sare ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ayaa
dhalisay su’aalo ku saabsan xaaladdiisa iyo awooddiisa hoggaamineed.
Aabbihii, Ayatollah Ali Khamenei,
ayaa lagu dilay duqeymihii bilowga u ahaa weerarrada Maraykanka iyo Israel ee
Iran.
Trump ayaa marar badan sheegay in
Maraykanku uu ku dhow yahay guul ka dhan ah Iran. Hase yeeshee, Maraykanku weli
ma xaqiijin in Iran si buuxda u furto Marinka Hormuz ama ay ka tanaasusho
hubkeeda iyo qalabkeeda nukliyeerka.
Wareysiga, Trump wuxuu carrabka ku
adkeeyay in cadaadiska militari iyo dhaqaale ee lagu hayo Iran uu sii dhalinayo
natiijooyin.
Wuxuu yiri: “Wax walba waxay u
socdaan hab guul ah. Dhawaan waxaan halkas ka gaari doonnaa guul weyn.”
Isagoo ka hadlayay Marinka Hormuz,
oo Iran inta badan xannibtay maraakiibta, Trump wuxuu sheegay in marinku furan
yahay, isla markaana maraakiib badan hadda loo oggolaanayo inay maraan.
Wuxuu sheegay in miinooyinkii
badda laga saaray, ayna Maraykanku weli caawinayaan maraakiibta si ay uga
gudbaan marinka.
Trump wuxuu sidoo kale carrabka ku
adkeeyay in Maraykanku uusan oggolaan karin Iran inay hesho hub nukliyeer ah,
isagoo sheegay in arrintani tahay qodobka ugu muhiimsan ee colaadda.
Wuxuu ku andacooday inuu horey laba
jeer uga hortagay in Iran ay hesho hubkaas.
War deg deg ah, Ra'iisul Wasaaraha Pakistan oo qaaday tallaabooyin ka dhashay carruutii dabka ku gubatay
Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Ugu yaraan 14 carruur ah oo dhawaan dhashay ayaa ku
dhintay dab ka kacay mid ka mid ah isbitaallada waaweyn ee dowladda Pakistan. Dabku wuxuu ka kacay qaybta hooyada iyo dhallaanka ee Isbitaalka PIMS ee
Islamabad.
Hal cunug ayaa la sheegay inuu badbaaday. Afhayeenka isbitaalka ayaa
sheegay in dabku ka billowday qalabka qaboojinta hawada, kadibna uu si degdeg
ah ugu faafay qaybta isku xirrada ogsijiinta.
Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz
Sharif ayaa muujiyay caro xooggan, wuxuuna xilka ka qaaday Xoghayaha Federaalka
Caafimaadka.
War deg deg ah, Meta oo heshiis la gaartay gobolladii eedeynta u jeediyay
Xigashada Sawirka, Reuters
Wararka ka imanaya Maraykanka ayaa sheegaya in Meta, oo ah
shirkadda iska leh Facebook iyo Instagram, ay heshiis la gaartay 29 gobol oo
Maraykan ah oo ku eedeeyay inay carruurta waxyeello u geysatay.
Warar aan weli
la xaqiijin ayaa sheegaya in Meta ay bixin karto ilaa 17 bilyan oo dollar,
inkastoo shirkaddu ay beenisay in ay wax khalad ah sameysay.
Sida ay Reuters ka soo xigatay
dukumiintiyada maxkamadda, Meta waxay xaddidi doontaa waqtiga ay dhalinyaradu
isticmaalaan baraha iyo sidoo kale waxay habeenkii xannibi doontaa isticmaalka.
Gobolladu waxay ku eedeeyeen Meta inay adeegyada u naqshadeysay si carruurta
looga dhigo kuwo ku tiirsanaada, isla markaana ay qarisay cilmi-baaris
arrintaas ku saabsan.
War deg deg ah, Carruur badan oo u dhintay cudurka gowracatada
Ugu yaraan 50 carruur ah ayaa ku
dhintay cudurka diphtheria oo ka dillaacay waqooyi-galbeed Nigeria.
Diphtheria oo loo yaqaanno gowracatada waa cudur bakteeriyo ah
oo si fudud u kala qaada, wuxuuna sababi karaa xanuun daran iyo dhimasho, gaar
ahaan carruurta aan la tallaalin.
War deg deg ah, Dalalka ay u dhasheen dadka la la'yahay oo hadda la shaaciyay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida aan soo sheegnay, 384 qof
oo safar ku jiray ayaa la sheegay in la la’yahay, kuwaas oo ay ka mid
yihiin 93 muwaadin Nepal u dhashay iyo 291 ajaanib ah.
Sida uu sheegay Guddiga Dalxiiska
Nepal, ajaanibta la la’yahay waxaa ka mid ah:
12 muwaadin oo British ah
105 Hindi ah
37 Hindi ah oo aan dalka deggenayn
17 Malaysian ah
4 Koonfur Afrikaan ah
3 Maraykan ah
1 Australian ah
1 Dutch ah
111 qof ayaa weli jinsiyaddooda la xaqiijin.
Degdeg: tiro dad ah oo dhimashadooda la xaqiijiyay
Booliska Nepal ayaa soo saaray war
qoraal ah oo ay ku sheegeen in 18 qof la xaqiijiyay inay dhinteen ilaa iyo
hadda inta la ogyahay.
War-saxaafadeedka ka soo baxay booliska ayaa lagu sheegay in hal
qof laga helay isagoo ku dhintay Rasuwa, toddoba qof Nuwakot, lix qof Dhading,
halka afar qof oo Kalena lagu helay
Gorkha.
Degdeg: Boqollaal qof oo lagu la'yahay dalka Nepal iyo jaha-wareer halkaa ka taagan
Boqolaal qof ayaa la la’yahay kaddib markii daad xooggan oo kedis ah ay
ku dhufteen halkaasi kadi fatahaad ka dhalatay webiga Bhote Koshi, oo ku yaalla
xadka u dhexeeya Nepal iyo Tibet.
Guddiga Dalxiiska Nepal ayaa qoraal uu ku daabacay barta X ku sheegay in
guud ahaan 384 qof oo safar ku jiray la la’yahay, kuwaas oo ay ku jiraan 291
ajaanib ah iyo 93 muwaadiniin Nepal ah.
Guddigu wuxuu sheegay inuu ku howlan yahay xaqiijinta halka ay dadkaasi
ku sugan yihiin iyo xaaladdooda caafimaad.
Daadku wuxuu ku dhuftay deegaanka Rasuwa aroornimadii hore ee saaka, oo
waqooyi ka xigta caasimadda Nepal ee Kathmandu.