War deg deg ah, Canada iyo Mareykanka oo xaalkoodu sii cakirmayo

Xigashada Sawirka, Getty Images
Marka laga hadlayo Donald Trump, waxaa la oran karaa waa sax in la filan karo wax kasta oo lama filaan ah.
Hase yeeshee, madaxweynaha Maraykanka ma ahayn qofkii soo afjaray wada-hadalladii ganacsiga; Ra’iisul Wasaaraha Canada, Mark Carney, ayaa isagu go’aansaday inuu marka hore ka baxo wada-hadallada.
Arrintani waxay hadda labada dal ee deriska ah, oo muddo dheer xulafo ahaa isla markaana tobannaan sano ku naaloonayay ganacsi xor ah, gelinaysaa xaalad aan hore loo arag, waana khatar siyaasadeed oo uu Carney qaatay.
Wuxuu haystaa taageerada aqlabiyadda dadka Canada, balse wuxuu wajahaya awoodda dhaqaale oo ah dalka leh dhaqaalaha ugu weyn adduunka.
Inkasta oo hadallada kulul ee labada dhinac ay sii xoogeysanayaan, waxaa loo fasiran karaa inay qayb ka yihiin istaraatiijiyad wada-xaajood, oo ugu dambayn labada dhinac dib ugu soo laaban karaan miiska wada-hadallada si ay heshiis u gaaraan.
Sida aan horay u soo aragnay, waqtiyada kama dambaysta ah waa la kordhin karaa, tanaasulna waa la samayn karaa.
Hanjabaaddii ugu dambeysay ee Trump ee ahayd in Maraykanku canshuuro dheeraad ah saaro baabuurta lagu sameeyo ama laga soo dejiyo Canada waxay leedahay waqtiga kama dambaysta ah ee 1-da Janaayo, taas oo labada dhinac siinaysa waqti dheer oo ay arrimuhu ku isbeddeli karaan.















