Waa maxay caabuqa kaadi mareenku? maxaase lagu gartaa?
Melissa Wairimu waa muuqaal sameyso deggan magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Wuxuu caabuqa kaadida mareenku ku bilowday Markay ahayd da’da 21 jir. Waxay isku aragtay kaadi joogta ah, olol marka ay kaadineyso, iyo dhabarka oo xanuuna.
Markii ay martay baaritaanka caadiga ah, waxaa laga helay caabuqa kaadi mareenka oo afka qalaad loo yaqaan ‘Urinary Tarct Infection’. “Waligey ma maqal magacan wax la yiraah” ayey tiri Melissa oo ay kedis ku noqotay.
Waxaa la siiyey dawooyinka Antibayootigga oo toddobo maalmood ay isticmaaleyso, waxaana loo sheegay inay cabto biyo aad u badan.
Balse astaamihii cudurku waa ay sii socdeen. Mararka qar iyaga oo aad u daran. Hadda waxay la qabsatay in dhabarka iyo calooshu xanuunaan. Waxay dareentaa daal joogta ah. Hase ahaatee, hurdadana way kaseexan weyday xanuunka.
“Marka aan isku dayo inaan kaadiyo, waxaan dareemaa sidii in la i mud mudayo.” Ayey tiri saas darteedna habeenkii way soo jeeddaa xanuunka awgii. Tani waxay ugasii dartay daalkii ay dareemaysay, waxayna saameysay nolosheeda siiba shaqadeeda.
Sida lagasoo xigtay Wairimu, dhaqtarku ma aanu dhageysannin iyada waxa uuna ugu jawaabay, waxaa laga yaabaa inay galmadu sababtay. Balse sida ay sheegtay ma aanay sameynin wax galma ah xilligaas. Malaha diktoorku wuxuu u degdegayey inuu dawo ka iibiyo, dawooyinkii uu dhaqtarku siiyey awgood xitaa mar waxay isku aragtay dhiig soo raaca saxarada.
Wairimu ayaa u cudur daaraysa dhamaan lixda dhaqatar ee soo daweeyay. Ma aanay garaneyn daweyn fiican oo lagu daweeyo caabuqa kaadi mareenka. Saas darteed waxay bilowday inay xog u raadiso calaamdaha ay isku aragtay. Waxaanay la kulantay intay baarista ku jirtay dad sideeda oo kale ah isla astaamahanna leh. Waxaanay halkan ka heshay ururka Live UTI Free, halkaas oo ay hadda ka shaqeyso.






