You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Iiraan iyo Maraykanka oo ku hanjabay inay ballaarinayaan dagaalka; weerarro is-dhaafsi ah ayaa weli ka socda gobolka

Ma ahan markii ugu horeysay ee Trump uu xanibo dekedaha Iran ee ku yaalla Marinka Hormuz.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Weerar lagu qaaday dalka Baxreyn

    Saacad ka hor, ayaa seeriga digniinta duqeymaha cirka laga maqlay dalka Baxrayn.

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Baxrayn ayaa ku dhawaaqday digniintan kadib markii Manama ay hore u sheegtay isla maalintaas inay ka hortagtay weerarro dhowr ah oo ay Iran soo qaaday.

    "Seeriga digniinta waa la shiday,muwaadiniinta iyo dadka deggan dalka waxaa laga codsanayaa inay isdejiyaan isla markaana ay galaan goobta ugu dhow ee ammaan ah," ayay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Baxrayn ku sheegtay bayaan lagu daabacay baraha bulshada.

    Wakaaladda Wararka ee Fars ayaa baahisay muuqaal iyadoo qortay: "Ilo wareedyo ayaa sheegay in gantaallo tiro badan loo adeegsaday weerarka lagu qaaday saldhigyada milatariga Mareykanka ee Baxrayn."

    Horey ayay Iran u shaacisay inay weerarro ku qaaday saldhigyada ciidamada Mareykanka ee ku yaalla Kuwait, Baxrayn, iyo Urdun.

    Warar dheeraad ah

  2. War deg deg ah, Xiriirka u dhaxeeya cimriga gaaban iyo carruurta badan iyo dhalmada Soomaalida

    Waalidiintu waxa ay inta badan ku kaftamaan in carruurtu ay noloshooda ka jartay sannado intii ay la tacaalayeen daryeelkooda, marka carruurtu xanaaqaan, cunto diidaan ama hurdo diidaan, badanaa waxaa la isticmaalaa tusaalaha ''nolol badbaadiye''

    Laakiin daraasad cusub ayaa soo jeedinaysa in aysan tani ka fogayn runta.

    Falanqeeynta diiwaanada taariikhiga ah ayaa muujisay in nolosha qaar kamid ah hooyooyinka ay gaabin karto ilaa lix bilood carruur kasta oo ay dhalaan, iyada oo haweenka ku nool deegaanada ugu adag ay yihiin kuwa la kulma saamayntan.

  3. War deg deg ah, Weeraro cusub oo lagu qaaday Jasiirada Qeshm

    Barasaabka Hormozgan ayaa ku dhawaaqay weeraro cusub oo lagu qaaday jasiirada Qeshm.

    Wakaalada Taleefishinka iyo Raadiyaha Iiraan ayaa soo xigtay xafiiska barasaabka o oleh ‘’Markii ay ahayd 7:00 p.m., Jasiirada Qeshm waxaa ku dhacay gantaalo cadowga Maraykanka’’.

    Saraakiisha Iiraan ayaa horay ugu dhawaaqay mowjado cusub oo weeraro Maraykanku uu ku qaaday Koonfurta dalkaasi, oo ay ku jiraan Abadan, Mahshahr iyo Bushehr.

    Sida laga soo xigtay oo ay ku dhawaaqday CENTCOM, Iran waxa ay gashay go’doomin ciidamada badda Maraykanka mar kale muddo saacado ah.

  4. War deg deg ah, Trump oo ka laabtay lacagihii 20% ee uu kusoo rogay marinka Hormuz

    Donald Trump ayaa ka sheegay bartiisa Truth Social inuu go'aansaday inuu beddelo lacagta magdhowga ee 20% ee la xiriirta marin-biyoodka Hormuz, isagoo ku beddelaya heshiisyo ganacsi iyo maalgashi oo ay dalalka Khaliijku la geli doonaan Maraykanka.

    “Waxaan go'aansaday inaan ku beddelo lacagta 20% ee Maraykanka heshiisyo ganacsi iyo maalgashi oo ay dalalka kala duwan ee Khaliijku ka samayn doonaan Maraykanka.”

    Wuxuu intaas ku daray: “Maalgashatadu waxay noqon doonaan kuwo aad u ballaaran, isla markaana si aan caadi ahayn faa'iido ugu leh dalalkaas iyo mustaqbalkooda.”

  5. War deg deg ah, Trump: Hormuz waa u furan tahay dhammaan Maraakiibta marka laga reebo kuwa Iiraan

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in marin-biyoodka Hormuz uu u furan yahay dhammaan maraakiibta, marka laga reebo kuwa Iiran.

    Qoraal uu ku daabacay bartiisa Truth Social ayuu Trump ku yiri:

    “Marin-biyoodka Hormuz wuxuu u furan yahay DHAMMAAN maraakiibta, marka laga reebo kuwa Iran. Taasna waxaa sabab u ah hoggaankooda beenaalaha ah, rabshadaha wada, iyo falalka xunxun ee dalka u horseedaya burbur dhammaystiran.”

    Wuxuu intaas ku daray in la soo rogi doono “xannibaad buuxda”, balse ay khusayso oo keliya maraakiibta u socda ama ka imanaya dekedaha Iran, ama kuwa sida wax kasta oo la xiriira badeecadaha Iran.

  6. War deg deg ah, Saraakiisha caafimaadka Qaza oo sheegay todobo qof lagu dilay saldhiga booliska Jabalia

    Saraakiil caafimaad oo ku sugan Qaza ayaa sheegay ugu yaraan todobo qof lagu dilay duqaymo ay Israa’iil ka gaysatay saldhig boolis oo ku yaala magaalada dhacda Waqooyiga ee Jabalia.

    Goobjoogayaal ayaa u sheegay BBC diyaarad aan duuliye lahayn oo ay leedahay Israa’iil ay afar gantaal ku dhufteen goobta kulanka booliska ee ku dhow suuq mashquul badan.

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee ay maamusho Xamaas ayaa sheegtay mid kamid ah dadka la dilay uu ahaa madaxii saldhiga booliska xerada qaxootiga Jabalia.

    Haweeneey ayaa kamid ah dadka loogu dhawaaqay inay dhinteen. Ma jirin wax faalo ah oo kasoo baxay milatariga Israa’iil. (Inkasta oo ay jirto xabbad-joojin, ciidamada IDF ayaa duqaymahajoogtada ee ay sheegto inay yihiin bartilmaameedyo ay leeyihiin Xamaas.

  7. War deg deg ah, Ingiriiska oo Maraykanka kala hadlay Canshuuraha Marinka Hormuz

    Xooghayaha Arrimaha Dibadda Ingiriiska, Yvette Cooper, ayaa sheegtay inay la hadashay dhiggeeda Maraykanka si ay uga wada hadlaan sida ay Boqortooyada uga soo horjeeddo in lacag maritaan ah lagu soo rogo marin-biyoodka Hormuz.

    Iyada oo la hadlaysay Guddiga Arrimaha Dibadda, Cooper waxay sheegtay in wadahadalladaasi ay dhaceen intii lagu jiray shirkii NATO ee toddobaadkii hore.

    Waxay tiri: “Waxaan ka wada hadalnay inaanan oggolaan karin in lacag marin lagu soo rogo marin-biyoodka Hormuz ama la sameeyo nidaam wax u dhimaya xorriyadda maraakiibta ee marin-biyoodka iyo sharciga badaha.”

    Waxay intaas ku dartay inay hadda jirto “koror ku yimid hadallada kicinaya colaadda iyo cadaadis sii kordhaya oo la isa saaray.”

    Cooper waxay sidoo kale Iran ku eedaysay inay “cadaadis ku kordhinayso dhammaan dhinacyada” iyada oo weerarro ku qaaday maraakiibta ganacsiga ee maraya marinka maraakiibta ee koonfurta biyaha Cumaan, iyadoo sheegtay in tallaabadaasi “si buuxda u baalmarayso sharciga badaha.”

  8. Maxay yihiin waxyaabaha Iiraan ay kusoo kordhisay caalamka

    ''Boqortooyadii Persia 'Faaris' waa halka ay kasoo ka yimaadeen fikrado badan oo haatan aynu ku haysano caalamka Galbeedka,'' ayuu yiri Professor Jose Cutillas, kaasi oo daraaseeyay waxna ku bartay Iiraan.

    ''Fikir ahaanteena, waxaynu rumaysanahay in wax walba oo Yurub ku saabsan uu kasoo bilowdo dhulalkii Greek-ga, taasina waa isha fikrad kasta,'' ayuu yiri Professor luuqada Faarisiga 'Persia' iyo bare dhaqanka Iiraan ee jaamacada Alicante.

    Si kastaba ha ahaatee, xilligii jaahiliyadda ee Faaris (Persia), waxaa la ikhtiraacay fikrado kala duwan.

  9. War deg deg ah, Duulimaadyada diyaaradaha Yurub oo looga digay hawada dalalka gacanka

    Hay’adda badbaadada midowga duulimaadyada Yurub ayaa uga digaysa diyaaradaha inay ka howlgalaan hawada dalalka Baxrayn, Kuwait, Qadar iyo Imaaraatka iyo dusha biyaha gacanka Cumaan.

    Waxa ay sheegeen horumarada milatari ee aan la saadaalin karin oo ay ku jiraan adeegsiga gantaalada, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn,

    Duulimaadyada diyaaradaha Yurub ayaa looga digay inay dul maraan hawada dalalka gacanka iyo shaqada nidaamyada difaacyada hawada ee dagaalka ee ka jirta gobolka ay dhalisay ‘’khatar sare’’ oo ay ku hayaan duulimaadyada.

    La talintii u dambaysay ayaa sii shaqayn doonta ilaa 29-ka Luulyo, sida ay sheegayso EASA, iyada oo intaa ku dartay inay si dhow ula socon doonto xaalada.

  10. War deg deg ah, Tobanaan qof oo loo xiray dab ka kacay kayn ku taala Koonfurta magaalada Paris

    Dab xooggan oo ka kacay kayn ku taalla koonfurta magaalada Paris ayaa ku fiday dhul ku dhow 20 kiiloomitir oo laba jibbaaran, iyadoo dab-demisyadu rajeynayaan inay maanta xakameeyaan.

    Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Faransiiska ayaa sheegay in laba qof loo xiray tuhun la xiriira inay dabka si ula kac ah u huriyeen.

    Mid kamid ah waa wiil 18 jir ah oo la sheegay in la qabtay isagoo sita dabshid, gacmihiisana ay ka buuxday dambas madow.

    Guud ahaan dalka Faransiiska, 59 qof ayaa loo xiray eedo la xiriira dab-qabadsiin ula kac ah ama mid ka dhashay dayacaad.

    Markii ugu horreysay gobolka Paris, waxaa la adeegsaday diyaarado qumaatiga u kaca oo si gaar ah loogu qalabeeyay daminta dabka, kuwaas oo biyaha ku daadiya goobaha uu dabku ka socdo.

  11. War deg deg ah, "Wuxuu ahaa dhawaq aad u xooggan, welina waan gariirayaa," ayuu yiri qof deggan Baxrayn

    Muwaadin u dhashay Britain oo muddo ku noolaa Baxrayn ayaa sheegay cabsidii iyo argagixii uu la kulmay habeenno isdaba joog ah oo ay Iiraan ku soo qaaday gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones), kuwaas oo ku dhacay meel u dhow xaafadaha la deggan yahay ee dalka yar ee jasiiradda ah ee Khaliijka.

    Wuxuu sheegay inuu maqlayay “qaraxyo waaweyn” iyo in “gantaalkii ugu dhawaa ee la qabto uu dul maray meel dhowr boqol oo talaabo u jirta, iyadoo burburkiisuna uu ku dhacay badda horteeda dhismayaasha dabaqyada ah.”

    “Qayladu aad bay u xoog badnayd, welina waan gariirayaa,” ayuu yiri.

    Waxa kale oo uu sheegay inuu arkay “kubbad dab ah oo weyn” markii mid ka mid ah gantaalladii la qabtay uu ku dhacay badda meel u dhow halka uu joogay, isla markaana uu arkay “saddex gantaal oo nooca cruise-ka ah oo ku sii jeeday Juffair, halkaas oo ay ku taallo saldhigga ciidamada badda ee Maraykanka.”

    Qofkan ajnabiga ah ayaa sheegay in sheegashada Iiraan ee ah inay waxyeello weyn gaarsiisay xarumaha milatariga ay tahay mid la buunbuuniyey, maadaama inta badan gantaalladii iyo hubkii ay soo riday Iiraan ay si guul leh u qabteen ciidamada difaaca cirka ee Baxrayn.

    Hase yeeshee, dhismayaal badan oo dabaqyo la deggan yahay ayaa waxaa soo gaaray burbur ka dhashay mowjadaha qaraxyada iyo burburka kasoo dhacay gantaallada la qabtay.

    Subaxnimadii maanta ayuu farriin ii soo diray isagoo leh: “Wax yar ka hor waxaa dhacay shan qarax oo aad u waaweyn. Muraayaddii daaqadda ayaa burburtay oo soo firirtay, waxaana lugtayda galay quraarad jajaban. Waa dhaawac yar oo aan halis ahayn.”

  12. War deg deg ah, Qaraxyo kale oo laga soo sheegayo gudaha Iiraan

    Sida ay tabisay warbaahinta Iiraan qaraxyo ayaa laga maqlay dhowr meelood oo gudaha Iiraan ah.

    Dhowr qarax ayaa laga maqlay meel ku dhow magaalada dekedda ee Bandar Abbas.

    Wakaalada IRNA ee hoos tagta dowladda ayaa sheegtay Afar goobood ay ku dhaceen gantaalo magaalada Bushehr, iyada oo wakaalada wararka Fars ay sheegtay dadka deegaanka ay soo sheegeen inay maqleen laba qarax.

    Waxaynu arrintan kala xiriirnay taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka CENTCOM si ay faalo uga dhiibtaan arrintan

  13. War deg deg ah, Degdeg: Khasaaraha ka dhashay weerarrada Mareykanku Iiraan ku qaaday oo la shaaciyay

    Sida ay baahisay warbaahinta dowladda Iran, saddex qof ayaa ku dhintay weerarradii uu Maraykanku xalay ka fuliyay gudaha Iran.

    Wakaaladda wararka ee Fars ayaa sheegtay in weerarku ka dhacay gobolka Hormozgan, oo ku yaalla koonfurta dalka.

    Telefishinka dowladda Iran ee IRIB ayaa bartiisa Telegram ku sheegay in dadka ku dhintay weerarka ay ahaayeen xubno ka tirsan qoys uu ka dhashay qof u ololeeya ilaalinta deegaanka.

  14. War deg deg ah, Suuqyada saamiyada Yurub oo hoos u dhac weyn wajahaya

    Suuqyada saamiyada Yurub ayaa mar kale hoos u dhacay maanta, iyadoo maalgashadayaashu ay si dhow ula socdaan sii xoogaysashada colaadda u dhexeysa Maraykanka iyo Iran.

    Boqortooyada Ingiriiska, suuqyada lacagaha ee FTSE 100 ayaa hoos u dhacday 0.6%, halka suuqyada DAX ee Jarmalka ay hoos u dhacday 0.7%, iyo sicirka CAC 40 ee Faransiiska oo iyaduna hoos u dhacday 0.9%.

    Qiimaha shidaalka ayaa sii kordhay, iyadoo qiimaha caalamiga ah ee saliidda Brent uu kor u kacay in ka badan 3%, isagoo gaaray $86.07 halkii foosto.

    Horaantii bishan, qiimaha Brent wuxuu ku dhowaaday $70 halkii foosto, xilligaas oo uu u muuqday in heshiiskii nabadda uu sii shaqaynayo.

    Si kastaba ha ahaatee, inkastoo qiimuhu mar kale kor u kacay, haddana wuxuu weli aad uga hooseeyaa heerkii $120 halkii foosto ee saliidda Brent ay gaartay dhammaadkii bishii Abriil.

  15. War deg deg ah, Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya goobo Mareykanku uu weeraray

    Guddoomiyaha gobolka Bushehr ee Iran, Maxamed Mozaffari, ayaa sheegay in Maraykanku uu xalay duqeeyay laba goobood oo ku yaalla degmooyinka Bushehr iyo Chaghadaq.

    Wuxuu sheegay in goobta la bartilmaameedsaday ay ahayd meel gaar ah, balse sida ku cad baaritaannadii ugu horreeyay, weerarradaas wax dhimasho ama dhaawac ah kama dhalan.

    Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka CENTCOM, ayaa sheegay in ciidamada Maraykanku ay bartilmaameedsadeen goobo militari oo ku yaalla Bushehr, Chabahar, Jask, Konarak, Abuu Muusa iyo Bandar Cabbaas, iyagoo ujeeddadu ahayd in la yareeyo awoodda Iran ee ay ku weerari karto ama ku khalkhal gelin karto maraakiibta ganacsiga.

  16. War deg deg ah, Baxreyn oo Iiraan qaati ka taagan iyo faahfaahin

    Taliska ciidamada Baxreyn ayaa sheegay in saaja subaxnimadii ay ka hortageen oo ay dhexda ku qabteen dhowr weerar oo cirka ah oo Iran ay ku soo ridday dhulka Baxreyn.

    Baxreyn waxay ku eedeysay Iran inay sii waddo hab-dhaqankeeda "colaadeed", waxayna sheegtay in weerarradeedu ay beegsanayaan shacabka Baxreyn, taas oo ay ku tilmaantay "xadgudub cad" oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah.

    Saakadii hore, Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, ayaa sheegay inay weerareen oo burburiyeen dhowr bartilmaameed oo Maraykanku ku leeyahay Baxreyn, kuwaas oo ay ku jiraan bakhaarro hub ah, xarun isgaarsiinta dayax-gacmeedka, dhisme ay deganaayeen ciidamada Maraykanka iyo raadaar ay adeegsanayeen ciidamada badda Maraykanka ee hagidda hawada.

    Warar dheeraad ah

  17. War deg deg ah, Xog laga helay maraakiibtii Imaaraadka ee Iiraan weerartay

    BBC Verify ayaa dib u raacday dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee labadii markab ee la sheegay in lagu weeraray Marinka Hormuz kuwaas oo Imaaraadka Carabtu ku kala magacaabay markabka shidaalka ceyriinka ah ee Mombasa B iyo markabka gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah, LNG ee Al Bahiya, iyadoo la adeegsanayo sawirro dayax-gacmeed.

    Markabka Mombasa B ma uusan si guud u gudbinayn goobtiisa in ka badan 10 maalmood ka hor weerarka. Sida xog laga helay bogga dabagalka maraakiibta ee MarineTraffic ay muujisay, markabku wuxuu ka baxay terminalka shidaalka ee Zirku ee Imaaraadka 2-da Luulyo, isagoo ku sii jeeday Khor Fakkan oo ku yaalla Imaaraadka.

    Sawirro dayax-gacmeed oo ay baaritaan ku sameysay BBC Verify ayaa muujiyay in markabku uu 8-da Luulyo sameeyay hawl shidaal wareejin ah oo markab-ilaa-markab kale ah, isaga oo la sameeyay markab kale oo la yiraahdo He Rong Hai, meel ka baxsan xeebta Fujairah.

    Sida ay sheegtay shirkadda xog-ururinta sirdoonka maraakiibta ee TankerTrackers, Mombasa B wuxuu siday 1.9 milyan oo foosto oo shidaal Imaaraad ah, kuwaas oo uu ku wareejinayay markabka He Rong Hai.

    Markabka gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah ee Al Bahiya ayaa sidoo kale aan ka gudbinayn goobtiisa in ka badan 14 maalmood. Goobtii ugu dambeysay ee la ogaa, sida ay sheegtay MarineTraffic, waxay ahayd meel ka baxsan xeebaha galbeedka Hindiya.

    Si kastaba ha ahaatee, falanqayn ay samaysay TankerTrackers oo ay taageerayaan sawirro dayax-gacmeed oo ay eegtay BBC Verify ayaa muujisay in markabku uu ku sugnaa meel u dhow Ras Laffan oo ku taal Gacanka 22-ka Juun. Taasi waxay muujinaysaa in xogta goobta markabka ee si guud loo heli karo laga yaabo in la beddelay ama la marin-habaabiyay.

    Warar dheeraad ah

  18. War deg deg ah, Iiraan oo Hormuz u adeegsanaysa awood ay kula dagaallanto Mareykanka

    Marin-biyoodka Hormuz ayaa hadda noqday ilaha ugu muhiimsan ee Iran ka hesho awoodda ay cadaadis ku saarto iyo awoodda ay isku difaacdo ee khilaafka kala dhexeeya Maraykanka, kadib markii kooxaha ay taageerto lagu tilmaamay inay ku sugan yihiin "jahawareer", sida uu sheegay Mehran Kamrava, oo ah aqoonyahan cilmiga dowladda ka dhiga Jaamacadda Georgetown ee Qadar.

    Kamrava wuxuu sheegay in waxa loogu yeero "xudunta iska caabbinta" ee Iran, oo ay ka mid yihiin Xamaas ee Gaza, Xisbullah oo Lubnaan ku sugan iyo Xuuthiyiinta Yemen, ayna ku jiraan "jahawareer, ama ugu yaraan awooddoodii militari si weyn ayay u wiiqantay" sababo la xiriira dagaalka.

    "Iran, marin-biyoodka Hormuz waa isha ugu weyn ee ay ka hesho awoodda ay cadaadis ku saarto... waana isha ugu muhiimsan ee ay ku cabsi geliso ama isku difaacdo," ayuu Kamrava u sheegay barnaamijka Today ee Radio 4.

    Wuxuu intaas ku daray in Maraykanku "go'aansaday inuu kala wareego Iran gacan ku haynta marin-biyoodka Hormuz", balse wuxuu sheegay inuusan rumaysnayn in xitaa "qorsheeyayaasha Pentagon-ka" ay og yihiin sida arrintaas loo hirgelin karo.

    "Waxa kale oo Iran si fiican u ogtahay inaysan awood u lahayn inay si toos ah dhinaca militariga ula tartanto Maraykanka. Sidaas darteed, waxay doonaysaa inay khilaafka militari u beddesho mid dhaqaale," ayuu raaciyay.

    Warar dheeraad ah

  19. War deg deg ah, Maxaa ka dhalan kara go'doominta Mareykanku ku soo rogayo Iiraan?

    Iyadoo uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Maraykanka iyo Iran ee ku saabsan marin-biyoodka Hormuz, Donald Trump ayaa shalay ku dhawaaqay in Maraykanku dib u soo celin doono go'doomin dhinaca badda ah oo lagu soo rogo dekedaha Iran. Waa kuwan waxa ilaa hadda la og yahay:

    • Go'doominta ayaa ka hor istaagi doonta maraakiibta Iran iyo maraakiibta ama shirkadaha la macaamila inay galaan ama ka baxaan marin-biyoodka Hormuz. Dalalka kale oo dhan, ayuu Trump sheegay, in ay sii wadi doonaan inay si caddaalad iyo xorriyad leh u isticmaalaan marin-biyoodkaas.
    • Trump wuxuu sidoo kale sheegay in, "si loo ilaaliyo caddaaladda," Maraykanku uu qaadi doono lacag dhan 20% oo laga qaado dhammaan xamuulka mara maraakiibta isticmaasha marin-biyoodka Hormuz.
    • Sida uu sheegay, lacagtaas waxaa loo adeegsan doonaa daboolidda dhammaan kharashaadka ku baxa sugidda badbaadada iyo amniga marin-biyoodkan oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid ka mid ah meelaha ugu nugul uguna qalalaasaha badan dunida.
    • Weli ma cadda sida Maraykanku u hirgelin doono lacagtaas. Dhanka kale, Ururka Caalamiga ah ee Badaha, ayaa sheegay in "aysan jirin saldhig sharciyeed" oo taageeraya tallaabadaas.
    • Go'doominta waxaa fulin doona Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka, waxaana la qorsheeyay inay dhaqan gasho Talaadada maanta ah, waqtiga Bariga Maraykanka.
  20. War deg deg ah, Trump oo dalalka Khaliijka ka dalbaday lacag kun ayiri war hadal hayn dhaliyay

    Iyadoo laga jawaabayo weerarradii ugu dambeeyay ee Maraykanka, Iran ayaa billowday inay beegsato saldhigyada milatari ee Maraykanka ku leeyahay dalalka Khaliijka.

    Isagoo arrintaas ka hadlayay, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa warbaahinta kula hadlay Aqalka Cad, isagoo sheegay in Maraykanku uu sii wadi doono sugidda amniga dalalkan, balse ay tahay inay bixiyaan kharashka adeeggaas.

    "Waxaan rabaa in nala siiyo lacag, sababtoo ah waxaan ilaalinaynaa qayb aad u hodan ah oo dunida ka mid ah. Waxaan arrintan ku bixinaynaa lacag."

    Trump wuxuu yiri: "Waxaan lacag ka heli doonnaa dalalka aan ilaalinayno, sida Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Qadar, Baxrayn, Kuweyt iyo dalal kale. Annagu uma baahnin dalalkan; iyagaa noo baahan. Waxaan leenahay shidaal aad u badan, oo ay ku jirto kan Venezuela."

    Dhanka kale, Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in Maraykanku uu go'doomin ku soo rogi doono dekedaha Iran. Sidoo kale, wuxuu ku dhawaaqay in 20% canshuur, lagu soo rogi doono dhammaan maraakiibta xamuulka ee mara marin-biyoodka Hormuz.

    Warar dheeraad ah