Maamulaha Arsenal oo la dhaliilay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Weeraryahankii hore ee u safan jiray kooxda Arsenal, Ian Wright, ayaa sheegay in aanay u muuqan sabab uu Arsene Wenger u sii ahaado tabobaraha kooxda wixii ka dambeeya xili ciyaareedkan haatan socdaa.
Wright wuxuu sidoo kale ku eedeeyey qaar ka mid ah ciyaartoyga haatan kooxda u safta in ay is dhigteen waxaanu sidoo kale carrabka ku dhuftay in mulkiilaha kooxdu uu iska indho saabayo habacsanaanta jirta.
Arsenal ayaa laga raayay lix ka mid ah 12 ciyaarood ee ay ciyaartay 2018, iyadoo ciyaartii ugu dmabeysay ay ahayd tii ay la ciyaartay Manchester City.
"Muddo intee la eg ayay ku qaadan doontaa Arsenal inay soo kabato? Aniga waan u arakaa dhowr sano. Koox kasta horay ayay u socotaa, balse Arsenal dib ayay u socotaa. Maamule guul u keena ayay u baahan tahay ."
Arsenala ayaa todoba jeer qaaday koobka FA intii Wenger maamulayay kooxdaas oo ay ku jirta xilli ciyaaraadkii u dambeeyay. Balse markii ugu dambeysay ee kooxdan ay ku guuleysato horyaalka Ingiriiska ayaa ahayd 20014.

Xigashada Sawirka, Getty Images








