You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Mahlangu Ntando oo guul u soo hoyiyay dalkiisa Koonfur Afrika
Published
Mahlangu Ntando, oo 14 jir ah una dhashay dalka Koonfur Afrika ayaa xidig soo baxaya ka noqday ciyaaraha dadka laxaadkoodu dhiman yahay.
Wiilkaasi yar ayaa ku guulaystay biladda qalinka ah ee tartanka ororadka ee 200 mitir ee dadka luguhu ka go'an yihiin lawyaha korkooda.
Waxa dareenka dadka soo jiitay ayaa ah in uu sida loo socdo bartay 4 sano uun ka hor sida ay ku warrantay jariidadda Runners Wolrd.
Ntando wuxuu ku orday 23.77 il biriqsi isaga oo ku xigay Richard Whithead oo kaalinta koobaad galay kana socday Britain isaga oo ay ku qaadatay 23.39
Farxad ayaa ka tan badisay markii uu guulaystay.