4 dabeecadood oo soo afjara xiriirka iyo 2 calaamadood oo muujinaya inay weli jirto rajo lagu badbaadin karo

Published
Waqtiga akhriska: 7 daqiiqo

Haddii aadan ku faraxsanayn xiriirkaada, wadnaha ayaa ku xanuunsan kara.

Doodaha kulul waxay sababi karaan dhibaatooyin dhanka hurdada ah iyo xitaa xanuun wadnaha iyo murqaha ah.

Waxay ka dhigi karaan dhammaan xubnaha qoyska, oo ay ku jiraan carruurta, kuwo u nugul dhibaatooyinka caafimaadka jirka iyo maskaxda.

Xiriir farxad leh wuxuu hagaajin karaa caafimaadkaaga xitaa wuu dheereyn karaa noloshaada. Xiriirka aan farxad lahay wuxuu yeelan karaa saameyn liddi kugu ah, taasoo kordhinaysa khatarta dhimashada degdega ah iyadoo sii xumaynaysa caafimaadkaaga.

Dhab ahaan, xiriirrada tayadoodu liidato waxa loo arkaa inay yihiin khatar caafimaad oo u dhiganta ama ka daran sigaar-cabista ama jimicsi la'aanta. Dabcan, waxaa sidoo kale jira "qalbi jab" macnaha dareenka ah: kaas oo ah xanuunka ka dhasha burburka xiriirka jacaylka.

Haddaba, sidee baad xiriir aan farxad lahayn ugu beddeli kartaa mid farxad leh? Suurta galse ma tahay arintaasi?

Cilmi-baarisyo sii badanaya ayaa daaha ka qaadaya jawaabo la yaab leh, waxayna rajo gelinayaan lamaanayaasha go'aansaday inay beddelaan hab-dhaqanka xiriirkooda.

Maxay lamaanayaashu u murmaan?

Haddii aad xiriir cusub bilowdo oo doodda ugu horreysa ee aad la leedahay lammaanahaagu ay ku saabsan tahay suxuunta wasakhda ah, waxa laga yaabaa inaad aragto tilmaamo ku saabsan mustaqbalka fog: cilmi-baaris ayaa soo jeedinaysa in mowduucyada ay lammaanuhu ka doodayaan ay weli yihiin kuwo joogto ah inta uu xiriirku socdo.

Dhibaatooyinkan soo noqnoqda waxaa loo yaqaan dhibaatooyin joogto ah ama kuwa marmar yimaada.

"Arrimahan cakiran waxay la xiriiri karaan dhaqaalaha, waalidnimada, nolosha galmada, ama sida ay uga wada xaajoodaan awoodda xiriirka," ayay tiri Carrie Cole, oo ah aqoon cilmi-nafsi iyo agaasimaha cilmi-baarista ee Machadka Gottman ee Daaweynta Lamaanaha ee Seattle, Maraykanka.

Laakiin waxay sidoo kale ku lug yeelan kartaa arrimo u muuqda kuwo yaryar, sida nadaafadda.

Daraasad muddo dheer socotay, John Gottman oo cilmi-nafsiga ku takhasusay iyo kooxdiisu waxay ku darseen khilaafaadka u dhexeeya lamaanayaasha qiimeyn bilow ah, ka dibna mar kale ayey darseem afar sano ka dib.

Daraasaadda waxay ku ogaadeen in 69% kiisaska, lamaanayaashu ay sii wadeen inay ka doodaan isla noocyada arrimaha ay ka wada hadleen afar sano ka hor.

Daraasado kale ayaa daaha ka qaaday qaab la mid ah, iyadoo arrimo asaasi ah oo gaar ah—sida lacagta—ay sababaan khilaafaad ka dhex dhaca qoysaska iyo xitaa dhaqamada kale qaarkood.

Gaar ahaan khilaafaadka ku saabsan lacagta, ayaa sababa doodaha joogtada ah uguna kulul. Qaybinta aan sinnayn ee hawlaha guriga ayaa iyaguna ah sabab kale oo keenta xiisad, waxayna kordhin kartaa suurtagalnimada in la kala tago (furriin).

Khilaafku laftiisu ma aha calaamad xun. Waxa uu noqon karaa qayb dabiici ah oo ka mid ah barashada iyo fahamka baahiyaha labada dhinac iyo sida looga jawaabo. Lamaanaha faraxsan iyo kuwa aan faraxsanaynba labaduba way doodaan.

Farqiga ugu muhiimsan ee u dhexeeya lamaanaha faraxsan iyo kuwa aan faraxsanayn ayaa ah sida ay u dhaqmaan, sida ay cilmi-baaristu tilmaamayso, xilliga doodaha iyo marka aanay dooddi jirin.

4 dabeecadood oo soo afjara xiriirka

Cole wuxuu soo xiganayaa afar dhaqan oo gaar ah oo daraasaduhu ay soo jeedinayaan in xiriirku uu qarka u saaran yahay inuu burburo: dhaleecayn, quursi, difaac, iyo ka fogaansho (taas oo macnaheedu yahay in la joojiyo iskahorimaadka iyadoo la diidayo ka qaybgalka).

"Afartaas dabeecadood waxay burburin karaan xiriirka," ayuu yiri Cole. Hase yeeshee, wuxuu intaas ku daray, "waa mid la sixi karo haddii labada qof ay doonayaan inay ka shaqeeyaan sidii loo hagaajin lahaa."

Dhab ahaantii, ma aha oo kaliya xiriirka ayaa khatar ku jira: cilmi-baaris madax-bannaan ayaa muujisay in dhaleeceynta joogtada ah ee ka imaanaysa lammaanaha ay si weyn u tilmaamayso khatarta dhimasho degdeg ah.

Doodaha ku lug leh dhaqankan oo kale, oo ay weheliso gardarrada iyo cadaawadda, waxa loo yaqaan wax burburin waxayna ugu dambeyntii kordhin karaan khatarta furriinka.

Si kastaba ha ahaatee, wadahadallo wax dhisaya, oo diiradda saaraya xallinta dhibaatooyinka oo ay weheliso ixtiraam, xiiso, iyo naxariis, ayaa xoojin kara xiriirka.

Dib-u-dhiska dareen-wadaagga

Haddii aad ku jirto xiriir aan farxad lahayn, waxa laga yaabaa inay u ekaato wax aan macquul ahayn in laga gudbo doodaha qaraar ee colaadda wata loona gudbo wadahadallo wanaagsan oo is-garab-taag leh.

Hase yeeshee, caddeymo badan ayaa muujinaya inay taasi suurtagal tahay, tusaale ahaan, iyadoo la kaashanayo daaweyn.

Cilmi-baaristu waxay tilmaamaysaa in daaweynta lamaanaha ay saameyn wanaagsan ku yeelato 70% lamaanayaasha qaata daaweyntaas.

Waxay kaa caawin kartaa hagaajinta dhibaatooyinka xiriirka, kordhinta qanacsanaanta xiriirka, iyo ka hortagga walbahaarka, xoojinta xiriirka shucuureed iyo ka caawinta hagaajinta dhibaatooyinka caafimaadka jirka ama dareenka shaqsiyeed.

"Inta badan lamaanayaasha gaara heerka daaweynta, naxariistu way baaba'day," ayuu yiri Jay Lebow, oo ah dhaqtar daaweeye lammaanaha iyo bare sare oo cilmi nafsiga ah oo ka tirsan Machadka Qoyska ee Jaamacadda Northwestern ee Evanston, Illinois.

"Ka shaqeynta xiriirku waxay sidoo kale ku saabsan tahay inaan awoodno inaan tallaabno dib u qaadno oo aan is-weydiinno waxa naga dhex jira halkii aan diiradda saari lahayn dhibaatooyinka uu qabo lammaanahayga," ayay tiri.

Labo calaamadood oo rajo ah

Waxa jira laba calaamadood oo gaar ah oo rajo gelinaya Cole marka uu la shaqeynayey lamaanayaasha.

Midda koobaad waa marka mid ka mid ah lamaanaha uu kan kale ku yiraahdo, "Waan fahmi karaa sababta aad sidaas u dareemayso." Cole ahaan, tani waa calaamad muujinaysa in lamaanuhu ay "aqbalayaan saameynta midba kan kale ku leeyahay." Wuxuuna sharraxayaa, "Waxa aan uga jeeddaa inay u arki karaan aragtida qofka kale mid sax ah, xitaa haddii ay ka duwan tahay tan iyaga u gaarka ah."

Calaamadda kale ee muhiimka ah waa: "Lmaanuhu ma xiiseynayaan inay wax badan ka ogaadaan midba kan kale? Haddii ay sidaas sameynayaan, rajo ayaa jirta," ayay tiri. Xitaa haddii aysan ku raacsanayn waxa uu qofka kale sheegayo, "waxa laga yaabaa inay yiraahdaan wax la mid ah, 'Wax badan igasii sharrax arrintaas, sidee ayaad ku gaartay inaad taasi aaminto?'"

Haddii dadku ay ka shaqeeyaan dhibaatooyinkooda, "caddeynta muujinaysa in natiijooyin wanaagsan la gaaro ayaa aad u xooggan," ayuu yiri Lebow.

Wadaagista riyooyinka

Marka ay timaado xallinta khilaaf aan dhammaad lahayn, fahamka riyada iyo yoolalka midba midka kale ayaa caawin kara, ayuu yiri Cole.

Wuxuu tusaale u soo qaatay lamaane u tagay daawaynta sababo la xiriira dooddo soo noqnoqda oo ku saabsan lacagta.

Labadooduba waxay ku koreen saboolnimo. Laakiin tani waxay u qaabaysay siyaabo aad u kala duwan. Hadafka xaasku wuxuu ahaa in la gaaro amni dhaqaale iyo madax-bannaani iyada oo loo marayo keydin iyo miisaaniyad taxaddar leh.

Ninku wuxuu rabay inuu lacagtiisa dadaalka badan ku keenay uu ku bixiyo waxyaabo wanaagsan oo uu ku raaxaysto dareenka ah inuu ku dhex milmo bulshada inteeda kale oo uusan kusii go'doonsanayn saboolnimada.

Tani waxay horseedday muran aan dhammaad lahayn oo ku saabsan kharash-garaynta.

"Waxay mar walba isku haysteen arrimahaas. Mana aysan fahmi jirin sababta ay isku haystaan," ayuu yiri Cole.

Intii lagu guda jiray daaweynta, waxay is dhegeysteen iyagoo ka hadlaya waayo-aragnimadoodii xanuunka badnayd ee ku saabsanayd ku-soo-barbaaridda saboolnimada iyo sida ay taasi u saamaysay yoolalkooda nolosha. Waxay barteen inay tanaasul sameeyaan, waxayna isla garteen lacagta ay u qoondeynayaan kaydka iyo inta ay xor u yihiin inay kharash gareeyaan.

"Way xalliyeen arrinta. Balse waxaa lagama maarmaan u ahayd inay fahmaan waxa mid kasta u muhiimka u ah ka hor inta aysan diyaar u noqon inay aqbalaan saameynta midba midka kale ku leeyahay, isla markaana ay ka shaqeeyaan heshiis dhexdhexaad ah oo ka turjumaya riyooyinka labadoodaba," ayuu yiri Cole.

Gabagabada wanaagsan

Xitaa lamaanayaasha kala tagaya ayaa ka faa'iidi kara daaweynta nafsaaniga ah, ayuu yiri Lebow.

Waxay ka caawin kartaa inay la tacaalaan kala-tagga laftiisa iyo saameynta uu ku yeelan karo caafimaadkooda dhimirka. Waxay ka dhigi kartaa habka kala-tagga mid aan colaad badan lahayn, waxayna sidoo kale ka caawin kartaa lamaanaha inay taageeraan caafimaadka dhimirka ee carruurtooda, haddii ay leeyihiin, ayuu yiri.

In kasta oo kala-tagga ama furriinku ay noqon karaan kuwo aad u xanuun badan, haddana waxay tiri: "Kuwani waa waqtiyo aad runtii wax ka baran karto naftaada. Waa waqti ay dad badani bartaan waxyaaba iyga aad ugu qiimo badan iyo inta kale ee noloshooda."

Laakiin Lebow waxa uu ku daray in ka shaqeynta xirfadaha sida dhegeysiga iyo dareen-wadaagga aysan kaliya caawin lamaanayaasha dhibaatadu haysato: "Xitaa dadka leh xiriirro wanaagsan ayaa horumarin kara xiriirkooda."