Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo war kasoo saaray go'aankii Maxkamadda Sare

Soomaaliya
Qoraalka sawirka, Muddo-xileedkii afarta sano ahaa ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ekaa bishii May
Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa diiday go'aan ay soo saartay Maxkamadda Sare ee dalka, isaga oo ku tilmaamay mid aan waafaqsanayn sharciga.

War-saxaafadeed uu xafiisku goor dhoweyd soo saaray ayuu ku faahfaahiyay dhowr qodob oo uu kaga soo horjeedo go'aanka maxkamadda, kaas oo la xiriira habraacyada wax-ka-beddelka Dastuurka Soomaaliya.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa sheegay in uu dib u eegis ku sameeyay qodobbada dastuurka, shuruucda khuseeya iyo dukumentiyada maxkamadda, kaddibna uu soo saaray mowqifkiisa.

Qodobada uu xafiisku ku dhaliilay maxkamadda waxaa ka mid ah in aysan ka jawaabin doodihii sharci ee ay wakiillada dowladda u gudbiyeen ka hor inta aysan go'aan ka gaarin dacwadda.

"Inta aan la gelin dulucda dacwada, waxaa lagama maarmaan ahayd in maxkamaddu ay ka jawaabto is-hortaagyada sharci ee uu soo gudbiyay Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda oo ay maxkamaddu oggolaato ama ay diiddo is-hortaagyadaas. Iyada oo aan laga jawaabin is-hortaagyadii sharci ee maxkamdda loo gudbiyay ayay sheegtay in ay soo saartay go'aan maxkamadeed," ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxa uu intaas ku daray: "Maxkamaddu waxaa ay ku xadgudubtay qaabdhismeedka maxkamadda, maxaa yeelay waxa ay ahayd in Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka uu guddoomiyo garsoorayaasha ka garnaqaya dacwadda, si waafaqsan faqradda 5aad ee qodobka 24 ee sharci Lr. 23 ee soo baxay 27/6/2016."

Xafiisku wuxuu sheegay in maxkamaddu ay ahayd in ay raacdo habraacyada sharciga ah ee dhageysiga labada dhinac ka hor inta aysan go'aan gaarin.

Qodob kale oo uu Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ka horyimid ayaa la xiriiray in maxkamaddu furtay dacwad cusub.

"Dacwadda laga furay Maxkamadda waxaa ay lid ku ahayd wax-ka-beddelka dastuurka. Warqadda lagu faafiyay baraha bulshadana waxaa ay sheegtay ansaxnaanta habraaca wax-ka-beddelka dastuurka, hayeeshee waxaa ay abuurtay dacwad cusub oo aan loo gudbin, taas oo ka hor-imaanayso Qod. 77 ee XHMS oo lala akhriyay farqada 1aad ee Qod. 24 ee Sharci Lr. 23 ee soo baxay 27/6/2016.," ayaa lagu yiri bayaanka.

Xafiisku wuxuu intaas ku daray in go'aankaasi uusan ahayn mid sharci ah, isla markaana uu qaadi doono tallaabooyinka sharci ee ku habboon.

Bayaankan ayaa kusoo beegmaya xilli ay weli taagan yihiin doodaha sharci iyo siyaasadeed ee la xiriira wax-ka-beddelka Dastuurka Soomaaliya iyo awoodaha hay'adaha dowladda ee ku aaddan geeddi-socodka dastuuriga ah.

Soomaaliya
Qoraalka sawirka, Guddoomiyihii Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf Axmed
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Shalay ayay ahayd markii Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ay xukuntay in Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud uu si sharci-darro ah muddo-xileedkiisa u kordhiyey, taas oo sii hurisay xiisadda siyaasadeed iyo khilaafka u dhexeeya madaxtooyada iyo garsoorka.

Go'aanka ay maxkamaddu soo saartay Khamiistii ayaa yimid maalin ka dib markii Madaxweyne Xasan uu xilka ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf Axmed. Hase yeeshee, maxkamaddu waxay sheegtay in madaxweynuhu aanu awood sharci ah u lahayn inuu xilka ka qaado guddoomiyaha.

Maxkamaddu waxay sidoo kale amartay hoggaamiyeyaasha siyaasadda in ay 30 maalmood gudahood ku heshiiyaan qorshaha doorashada, isla markaana doorashooyinka la qabto 90 maalmood gudahood. Go'aankan ayaa laga yaabaa inuu carqaladeeyo qorshaha dowladda ee ahaa in doorashooyin guud dalka oo dhan laga qabto sannadka soo socda.

Muddo-xileedka afarta sano ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhammaaday bishii May, hase yeeshee xukuumaddiisa ayaa muddo hal sano ah ku kordhisay, kaddib wax-ka-beddel sharci oo uu baarlamaanku ansixiyey bishii Maarso.

Mucaaradka ayaa ku eedeynaya madaxweynaha inuu wax-ka-beddellada dastuurka u adeegsanayo sidii uu xukunka ugu sii dheereysan lahaa.

Hase yeeshee, madaxweynuhu wuxuu ku adkeysanayaa in dib-u-habayntu ay lagama maarmaan u tahay in Soomaaliya loo jiheeyo doorashooyin dimuqraadi ah oo qof iyo cod ah, lagana gudbo nidaamka beelaha, kaas oo odayaashu ku soo xulaan wakiillada ay beelahooda u dirayaan baarlamaanka.

Doorashadii ugu dambeysay ee guud ee dalka oo si toos ah shacabka uga qeybqaateen waxaa Soomaaliya laga qabtay sannadkii 1969-kii. In ka badan 30 sano ayuu dalku la daalaa dhacayay dagaallo sokeeye, iyadoo kooxda hubeysan ee al-Shabaab ay weli gacanta ku hayso deegaanno badan.

Baarlamaanka Soomaaliya

Shalay Khamiistii, Maxkamadda Sare ayaa xukuntay in wax-ka-beddellada dastuurka aan dib loogu dabaqi karin muddo-xileedka uu hadda ku fadhiyo madaxweynaha.

Go'aan kale oo gaar ah, maxkamaddu waxay ku dhawaaqday in xil-ka-qaadistii guddoomiyihii Maxkamadda Sare ay tahay mid aan waxba ka jirin, iyadoo madaxtooyada ku eedeysay inay faragelin ku sameysay madax-bannaanida garsoorka.

Madaxweynuhu wuxuu Axmed ku beddelay Ibraahim Iidle Suleymaan, oo horay xilkan u soo qabtay.

Madaxtooyada ayaa sheegtay in xil-ka-qaadistu ay timid kaddib cabashooyin laga muujiyey maamulka cadaaladda, isla markaana ujeeddadu ahayd in la helo garsoor caddaalad ah oo hufan.

Hase yeeshee, maxkamaddu way diidday sharraxaaddaas, iyadoo ku adkeysatay in guddoomiyaha Maxkamadda Sare xilka looga qaadi karo oo keliya habraacyada dastuuriga ah ee u degsan.

Soomaaliya
Qoraalka sawirka, Madaxweynuhu wuxuu Axmed ku beddelay Ibraahim Iidle Suleymaan, oo horay xilkan u soo qabtay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa soo dhoweeyay go'aanka maxkamadda, isagoo sheegay in "dalku wajahayo qalalaase siyaasadeed oo aad u weyn", wuxuuna ugu baaqay Madaxweyne Maxamuud inuu qaato hannaan ku dhisan is-afgarad.

Go'aannadan ayaa mugdi geliyay jadwalka doorashooyinka Soomaaliya.

Guddiga doorashooyinka ayaa doorashada baarlamaanka u asteeyay 15-ka Abriil 2027, halka doorashada madaxweynaha la qabanayo bil ka dib. Hase yeeshee, kooxaha mucaaradka iyo maamullada Puntland iyo Jubaland ayaa diiddan jadwalkaas.

Madaxweyne Maxamuud ayaa ku baaqay in wada-hadallo heer qaran la qabto 14-ka illaa 18-ka Nofeembar, si xal looga gaaro ismari-waaga jira. Hase yeeshee, hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa su'aal geliyay sharciyadda madaxweynaha ee uu ku qaban karo wada-hadalladaas.

Qalalaasaha siyaasadeed ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay weli dagaal kula jirto kooxda al-Shabaab, oo gacanta ku haysa qaybo badan oo ka mid ah dalka, inkastoo sannado badan ay socdeen howlgallo milatari oo ka dhan ah kooxda.

Uganda, oo ah dalka ugu badan ee ciidamo ku biiriya howlgalka Midowga Afrika ee la dagaallanka al-Shabaab, ayaa toddobaadkan ku dhawaaqday inay qorsheyneyso inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya ka hor dhammaadka sannadkan, taas oo sii kordhisay walaaca laga qabo amniga dalka.