Muuqaal afhayeenka milatariga Israa'iil laga duubay iyada oo ku sugan iskuul ku yaalla Lubnaan oo dhaliyay caro: Maxaa ka dhacay deegaanka Dibil?

Muuqalka ayaa ku baahay baraha bulshada
Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Muuqaal ay barteeda X soo dhigtay afhayeenka milatariga Israa'iil ee ku hadasha afka Carabiga, Ella Wawiya, kaas oo laga duubay gudaha iskuul ku yaalla deegaanka Dibil ee koonfurta Lubnaan, ayaa dhaliyay dhaleeceyn iyo cambaareyn xooggan oo uga timid mas'uuliyiinta iyo shacabka Lubnaan.

Dhaleeceynta ayaa timid iyadoo Israa'iil lagu eedeeyay inay carruurta u adeegsanayso dacaayad milatari, xilli muuqaalka la baahiyay ay Lubnaan u dabaaldegaysay maalinta xorriyaddeeda oo ku beegnayd 22-kii November.

Wawiya ayaa muuqaalka ka soo muuqatay bannaanka Iskuulka Dowladda ee Dibil, kaddibna gudaha fasal ay ku jireen koox arday ah. Dibil waa deegaan ay dadka Kiristaanku u badan yihiin, wuxuuna ku yaallaa aag u dhow xadka Lubnaan oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Israa'iil.

Waxay muuqaalka ku dartay farriin ay shacabka Lubnaan ugu hambalyaynaysay munaasabadda maalinta xorriyadda, iyadoo u rajaysay dalka xorriyad, sharaf iyo nabad.

Waxay sidoo kale sheegtay inay rajaynayso in go'aanka dagaalka iyo nabadda uu keligiis gacanta ugu jiro dowladda Lubnaan.

Muuqaalka dhexdiisa, Wawiya waxay kaga hadashay booqasho ay dhowaan ku tagtay koonfurta Lubnaan, iyadoo sheegtay inay indhaha carruurta ku aragtay rajo iyo hammigooda ku aaddan mustaqbal ammaan ah iyo maalmo ka wanaagsan kuwa ay hadda ku jiraan.

Sidee ayay mas'uuliyiinta Lubnaan uga jawaabeen?

Ra'iisul wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam, ayaa cambaareeyay gelitaanka ciidamada Israa'iil ee iskuulka Dibil iyo adeegsiga ardayda, taas oo uu ku tilmaamay "bandhig milatari iyo mid dacaayadeed". Wuxuu sheegay in arrintaasi ay xadgudub ku tahay xurmada iskuullada iyo xuquuqda carruurta.

Salam ayaa sheegay inaysan jirin awood gumeysi oo xaq u leh inay carruurta u adeegsato hagaajinta sumcadeeda ama ku xoojiso xukunkeeda dadka ku nool koonfurta Lubnaan.

Dhankeeda, wasiirka waxbarashada Lubnaan, Rima Karami, ayaa iyaduna cambaareysay booqashada. Waxay ku adkaysatay inaan la aqbali karin in carruurta gudaha iskuulka laga duubo muuqaallo loogu adeegsanayo arrimo milatari iyo warbaahineed.

Waxay dhacdada ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah xurmada xarumaha waxbarashada iyo xuquuqda ardayda.

Sidoo kale, guddoomiyaha guddiga waxbarashada ee baarlamaanka Lubnaan, Hassan Murad, ayaa cambaareeyay booqashada, wuxuuna ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo sida afhayeenka milatariga Israa'iil ku gashay iskuulka, lana ogaado cidda u oggolaatay ama fududeysay booqashada.

Maamulka degmada Dibil: Booqashadu waxay dhacday qiyaastii bil ka hor.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Iyadoo muuqaalku si weyn ugu faafayay baraha bulshada, maamulka degmada Dibil ayaa soo saaray bayaan uu ku caddeeyay in booqashada Ella Wawiya ee iskuulka ay dhacday qiyaastii bil ka hor inta aan muuqaalka la baahin, isla markaana aysan wax xiriir ah la lahayn dabaaldegga maalinta xorriyadda Lubnaan.

Maamulka degmada ayaa xaqiijiyay in booqashadu dhacday iyada oo aan wax wada-shaqayn ama oggolaansho hore lala yeelan maamulka iskuulka.

Wuxuu sidoo kale sheegay in go'aanka muuqaalka loo baahiyay iyo waqtiga la baahiyay aysan wax shaqo ah ku lahayn iskuulka, ardayda ama dadka deegaanka.

Maamulka ayaa diiday in carruurta iyo macallimiinta lagu eedeeyo booqashada, isaga oo sheegay inaan laga filan karin inay ka hortagaan ciidamo hubaysan, marka la eego xaaladaha amni ee gobolka.

Waxa uu sidoo kale sharaxay in dhoolla-caddaynta carruurta ama hadallada ay si dabiici ah u jeediyeen aan loo fasiran karin inay oggolaayeen booqashada ama ay muujinayeen mowqif siyaasadeed.

Maamulka degmada ayaa si cad u diiday in sawirrada carruurta loo adeegsado warbaahin ama dacaayad la xiriirta arrimo milatari iyo siyaasadeed. Waxa uu ka digay in carruurta iyo qoysaskooda lagu bartilmaameedsado eedeymo ku salaysan muuqaallo aysan awood u lahayn inay go'aamiyaan sida loo duubayo ama loo baahinayo.Masiixiyiinta u badan yihiin oo ku yaalla koonfurta Lubnaan, kuwaas oo dadka deggani ay weli ku sugan yihiin inkasta oo ay jiraan howlgallada milatari ee Israa'iil iyo xannibaadaha dhaqdhaqaaqa.

Bayaanka maamulka degmada ayaa lagu sheegay in go'aanka dadka deegaanka ay guryahooda ugu sii nagaanayaan uusan ka dhignayn inay oggol yihiin joogitaanka ciidamada Israa'iil, balse uu muujinayo sida ay ugu dheggan yihiin dhulkooda Lubnaan.

Dhanka kale, warbaahinta Israa'iil ayaa sheegtay in milatariga dalkaasi uu bilaabay baaritaan gudaha ah oo lagu ogaanayo duruufihii ku xeernaa duubista iyo baahinta muuqaalka, si loo xaqiijiyo in booqashada iyo muuqaallada la duubay ay haysteen oggolaanshihii loo baahnaa.