Maamulka Iiraan oo xukun karbaash ah ku fuliyay fannaanad xijaab la'aan heestay

Xigashada Sawirka, youtube.com/@ParastooAhmadii
- Author, David Gritten
- Author, Ghoncheh Habibiazad
- Role, BBC Persian
- Published
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Fannaanad caan ah oo bandhig faneed qabatay iyadoo aan xiran xijaabka ay khasabka ka dhigtay dowladda Iiraan, iyo afar qof oo ka tirsan kooxdeeda muusigga iyo shaqaalaha soo-saarka bandhigga, ayaa maamulka Iiraan ku fuliyay karbaash, sida ay sheegeen qareennadooda.
Parastoo Ahmadi, oo 29 jir ah, saddex fannaaniin oo kale iyo soo-saare bandhig ayaa midkiiba lagu dhuftay 74 karbaash, magaalada Qom, sida BBC-da uu u sheegay mid ka mid ah xubnaha kooxda qareennada difaacaysay.
Ahmadi ayaa bishii December 2024 ka qayb gashay bandhig faneed si toos ah internet-ka looga baahinayay, iyadoo xiran dhar aan gacmo lahayn. Shuruucda Iiraan ayaa mamnuucaya in haweenku bandhigyo faneed ku qabtaan goobaha dadweynaha, waxayna ku waajibinayaan inay xirtaan xijaab iyo dhar asturan.
Bishii June ee sanadkan, maxkamad dembiyeed oo ku taalla magaalada Qom ayaa Ahmadi iyo siddeed qof oo kale ku heshay dambi ah inay "xadgudub ku sameeyeen anshaxa guud", kaddib markii ay faafiyeen "agab anshax-xumo iyo anshax-darro ah". Eedeymahaas ayay dhammaantood beeniyeen.
Marka laga soo tago xukunka 74-ka karbaash ah, waxaa sidoo kale laga mamnuucay inay muddo laba sano ah ka qayb qaataan hawlaha la xiriira fanka iyo warbaahinta maqalka iyo muuqaalka ah, isla markaana aysan dalka ka bixi karin.
Dhammaadkii bishii September, maxkamadda racfaanka ee magaalada Qom ayaa diidday racfaanka ay eedeysanayaashu gudbiyeen, waxayna xaqiijisay xukunkii hore, sida ay sheegeen qareennadeeda.
Xukunnadan ayaa waxaa si weyn u cambaareeyay fannaaniin kale oo reer Iiraan ah iyo dhaqdhaqaaqayaasha xuquuqda aadanaha, kuwaas oo ka digay in karbaashku yahay ciqaab arxan-darro ah, bini'aadantinimada ka baxsan oo sharaf-dhac ku ah qofka, isla markaana ka hor imaanaysa mamnuucidda caalamiga ah ee jirdilka.
Maalintii Isniinta, mid ka mid ah qareennada difaacayay eedeysanayaasha ayaa BBC-da u sheegay in Ahmadi iyo afar ka mid ah ragga ay wada eedeysnaayeen lagu karbaashay waaxda saddexaad ee fulinta xukunnada ciqaabta ee magaalada Qom.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Wax walba oo awoodeenna ah waan sameynay si xukunka loo laalo, ama ugu yaraan loo dhimo ciqaabta ama loo hakiyo fulintiisa, balse taasi nooma suurtagelin," ayuu yiri.
"Aniga iyo qareennada kale waxaan xitaa isku daynay inaan dib u dhigno fulinta xukunka, balse waaxda fulinta xukunnada ayaa ku adkaysatay in isla markiiba la fuliyo."
Wargeyska maalinlaha ah ee Etemad, oo taageera dib-u-habaynta, ayaa soo xigtay qareen kale oo difaac ah, Mostafa Nili, kaas oo sheegay in afarta nin ee Ahmadi lala karbaashay ay kala ahaayeen Soheil Faghih-Nasiri, Amin Taheri, Amirali Pirnia iyo Mohsen Lashkari.
"Karbaashka loo geystay Parastoo Ahmadi sababta oo ah inay heesayso, isla markaana u labisanayso sida ay iyadu doorato, waa xadgudub bareer ah oo ka dhan ah xuquuqdeeda aasaasiga ah. Waxa kale oo uu muujinayaa sida ay mas'uuliyiinta Iiraan uga go'an tahay caburinta xorriyadda haweenka iyo inay si rabshad leh u ciqaabaan cid kasta oo ku dhiirrata inay ka hortimaaddo sharciyadooda iyo siyaasaddooda takoorka ku dhisan," ayay tiri Bahar Ghandehari, oo ah agaasimaha u dooda xuquuqda aadanaha ee Xarunta Xuquuqda Aadanaha ee Iiraan (CHRI), oo xarunteedu tahay dalka Maraykanka.
Sida uu dhigayo sharciga Iiraan oo ku salaysan fasiraadda dalkaas ee shareecada Islaamka, haweenka iyo gabdhaha gaaray da'da qaan-gaarnimada waxaa waajib ku ah inay timahooda ku daboolaan xijaab, isla markaana xirtaan dhar dhaadheer oo ballaaran si aan loo arkin qaab-dhismeedka jirkooda.
Sannadkii 2022-kii, dalka Iiraan waxaa ka dhacay dibadbaxyo ballaaran kaddib geeridii Mahsa Amini oo ahayd haweeney 22 jir ah oo Kurdiyad ah, taas oo ku dhimatay xabsi iyadoo ay xireen booliska anshaxa magaalada Tehran bishii September ee sannadkaas, iyagoo ku eedeeyay inaysan si sax ah u xiran xijaabka.
Intii ay socdeen dibadbaxyada dalka oo dhan looga soo horjeeday hoggaanka diimeed ee dalka, haweenku waxay gubeen xijaabkooda ama hawada ayay ku ruxayeen. Boqolaal qof ayaa lagu dilay hawlgallo ay ciidamada ammaanku ku caburinayeen dibadbaxyadaas.
Tan iyo xilligaas, haween iyo gabdho badan ayaa gebi ahaanba joojiyay inay timahooda ku daboolaan goobaha dadweynaha, iyagoo si cad uga hor imaanaya xeerka labiska. Mas'uuliyiinta ayaa arrintaas kaga jawaabay xarigyo xilli-xilli ah, digniino, xiritaanka goobaha ganacsiga iyo tallaabooyin kale.
Bishii January ee sannadkan, kumannaan qof ayaa la dilay, tobannaan kun oo kalena waa la xiray, kaddib markii ciidamada ammaanku ay xoog ku caburiyeen mowjado kale oo dibadbaxyo waaweyn ah oo looga soo horjeeday dowladda. Dibadbaxyadaas waxaa markan dhaliyay xaaladda dhaqaale ee dalka.
Tan iyo markii uu billowday dagaalka Iiraan ay kula jirto Maraykanka iyo Israa'iil dabayaaqadii bishii February, mas'uuliyiinta Iiraan ayaa kordhiyay adeegsiga ciqaabta dilka ee ka dhanka ah dadka dibadbaxyada sameeya.
Sida ay sheegtay hay'adda Iran Human Rights oo xarunteedu tahay Norway, ugu yaraan 39 nin oo lagu helay dambiyo la xiriira dibadbaxyadii bishii January iyo laba qof oo lagu xukumay rabshadihii 2022-kii ayaa la dilay. Waxaa sidoo kale la dilay 16 qof oo lagu eedeeyay inay xiriir la lahaayeen kooxaha mucaaradka ee mamnuuca ah iyo 17 kale oo lagu helay basaasnimo ama inay la shaqeynayeen dowlado shisheeye.
Hay'addu waxay sheegtay in 121 kale oo ka mid ah dadkii lagu xiray dibadbaxyadii bishii January, oo ay ku jiraan lix haween ah iyo shan qof oo aan weli qaangaarin, lagu xukumay dil, isla markaana ay halis degdeg ah ugu jiraan in la toogto.


























