Maxaan ka ognahay duqeymaha dhimashada sababay ee ka dhacay Puntland?

    • Author, Fatuma Maalim
    • Role, BBC Somali
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Wararka ka imaanaya deegaan-xebeedka Jiifle oo hoos-taga degmada Godob-Jiraan ee gobolka Nugaal ee maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa sheegaya in sagaal qof lagu dilay duqeyn cirka ah oo shalay ka dhacday aagaas, sida uu BBC u xaqiijiyay Keynaan Cabdi oo ah duqa Godob-Jiraan.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda duqeyntaas, balse ilo gudaha ah ayaa BBC u sheegay in markabka M/V LUTUF oo burcad-badeed ay horraantii toddobaadkii hore afduubteen la geeyay aaggaas maalmo kahor.

Wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa dhankeeda sheegtay inaysan weli xog rasmi ah ka heyn duqeyntan iyo khasaaraha ka dhashay, balse ay wadaan baaritaan.

"Warbixin badan kama heyno. Xogtaas waxay u baahan tahay daba-gal dheer. Waxaana rajeynayaa in maalmaha soo socda lagu sameyn doono baaritaankaas," ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Puntland Bile Maxamuud Qabowsade oo BBC-da la hadlay.

Burcad-badeedda ayaa markabkan xamuul oo calanka Cameroon sitay afduubtay 17-kii bishan.

Markabka M/V LUTUF ayaa lagu qabtay meel qiyaastii 3½ mayl badeed u jirta deegaanka Marraya oo ka tirsan degmada Eyl ee Puntland, sida uu sarkaal diiday in magaciisa la sheego u sheegay wakaaladda wararka ee The Associated Press.

Markabka waxaa leh shirkadda Polar Movement Shipping, waxaana la sheegay inuu hub u siday xarun tababar oo militari oo Turki ah oo ku taal Muqdisho, iyo sidoo kale isgaarsiinta iyo qalabka dayax-gacmeedka, sida uu sheegay sarkaalku.

Shaqaalaha 10-ka xubnood ah ee markabka saaran ayaa waxaa ku jira lix Hindi ah, hal muwaadin Turki ah, mid Georgia u dhashay iyo laba ilaalo oo Serbia u dhashay.

Duqeyntan ma aha tii ugu horreysay ee ka dhacday Puntland. Toddobaadkii hore ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in koox looga shakisan yahay burcad badeed lagu dilay duqeyn loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn xilli xiisad sii kordheysa ay ka taagan tahay Badweynta Hindiya ee xeebaha Soomaaliya.

Lama oga cidda fulisay weerarka, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in maraakiibta ciidamada badda ee Turkiga ay ku sugan yihiin aagga. Turkiga ayaa ku baaqay in la sii daayo markabka MV Lutuf.

BBC ayaa 19-kii bisha la xiriirtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga si ay faahfaahin uga weydiiso arrintan balse waxay ku gaabsadeen inaysan wax war ah ka heynin duqeyntaas, balse dowladda Soomaaliya ayaan ilaa iyo haatan ka hadlin arrintan.

Maamul-goboleedka Puntland ayaa dhankooda cambaareeyay duqeyntaas, iyagoo sheegay inay ka baxsan tahay shuruucda caalamiga ah.

"Ma jiro sharci fasaxaya in la laayo dadka. Xitaa haddii ay dembiileyaal yihiin waxaa jira waddooyin la raaco. Hore Puntland way ula dagaallantay burcadbadeedda hadana diyaar ayay u tahay inay ka sifeyso dhulkeeda," ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta.

Sidee ayay wax u dhaceen?

Cabdifataax Yuusuf Diiriye oo ku nool deegaanka Jiifle, isla markaana tegay goobta ay duqeynta ka dhacday ayaa BBC u sheegay inuu arkay siddeed meyd ah oo aan wejiyadooda la aqoonsan karin.

"Niman baa meeshaas ku le'day. Saxiimad bay fuulayeen, saxiimaddaas meel ay ka timidna ma aynaan ogeyn, mana kala xaqiijin karno inay kalluumeysato ahaayeen iyo inay wax kale u socdeen," ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in meydadku ay u muuqdeen kuwo uu gantaal ku dhacay, isla markaana ay gubteen oo aan wejiyadooda la garaneyn.

"Dhalinyaro deegaanka ah ayaa ku jiray oo la garanayo, kuwaasoo lagu ogaa inay kalluumeysto yihiin," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Cabdifataax ayaa sheegay in deegaanka ay ka jirto cabsi badan oo ka dhalatay duqeyntaas oo uu sheegay inaan loo aabba yeelin.

Afduubka markabka M/V LUTUF ayaa waxaa ka dambeeyay afduub kale oo loo geystay markab xamuul.

Hay'adda amniga badda ee UK ayaa toddobaadkii hore sheegtay in markab xamuul ah oo ku safrayay Gacanka Cadan ay saarnaayeen dad hubaysan oo u weeciyay dhanka Soomaaliya.

Hay'adda ayaa sheegtay in markabkan ay saarnaayeen lix qof oo hubaysan, kuwaasoo ka leexsaday meel qiyaastii 136 mayl badeed dhanka bari ka xigta Yemen, gaar ahaan aagga Gacanka Cadan, iyagoo u leexiyay Soomaaliya, oo dhinaca kale ah.

Weli ma cadda cidda afduubtay markabka. Wararka ayaa sheegaya in falalka burcad-badeednimada ay sii hurisay caro maxalli ah oo ka dhalatay maraakiibta kalluumeysiga ee sharci darrada ah ee shisheeye.

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Puntland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in Puntland ay "si dhow ula socota kororka dhawaanahan ee dhacdooyinka burcad-badeednimada ee ka dhaca xeebaha Puntland iyo biyaha ku xeeran, isla markaana ay xoojisay howlgallada amniga iyo fulinta badda si wax looga qabto khatartan."

"Macluumaad hordhac ah oo ay heli karaan mas'uuliyiinta Puntland ayaa tilmaamaya in kooxaha dibadda ka shaqeeya ay doonayaan inay ka faa'iidaystaan oo ay dib u hawlgeliyaan shakhsiyaadka iyo shabakadaha hore ula xiriiray burcad-badeednimada, oo ay ku jiraan dhiirigelinta dhaqaalaha, iyadoo ujeedadu tahay in la wiiqo amniga, sumcadda Puntland iyo in dareenka laga weeciyo dadaallada socda ee lagu ciribtirayo falalka argagixisada." Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka, iyadoo aan la magacaabin cidda la tuhunsan yahay.

Waxay uga digtay kooxaha lagu helo inay ku lug-leeyihiin burcad-badeednimada laga qaadi doono tallaabo ku habboon.

Wasaaradda ayaa sidoo kale ka codsatay milkiilayaasha maraakiibta, hawl wadeennada, shirkadaha caymiska iyo dhinacyada kale ee maraakiibtooda ay burcad-badeeddu qabsan karaan ama ay haysan karaan inaysan si toos ah ula gorgortamin kooxaha burcad-badeedda oo ay bixiyaan lacago madax-furasho ah.

"Lacagaha noocan oo kale ah waxay shabakadahan dambiyada siiyaan kheyraad iyo dhiirigelin si ay u sii wadaan hawlahooda waxayna halis gelinayaan inay dhiirigeliyaan soo ifbaxa kooxo burcad badeed oo dheeraad ah kuwaas oo sii xumeyn kara amni darrada badda." Ayay wasaaraddu tiri.

Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha difaaca ayaa tuhunsan in fallaagada Xuutiyiinta Yemen ay la shaqeyn karaan burcad badeedda si ay u carqaladeeyaan maraakiibta Badda Cas. Iiraan ayaa dhowaan ku hanjabtay inay sidaas sameyn doonto iyadoo ka jawaabaysa xayiraadda ciidamada badda ee Mareykanka ee Marinka Hormuz.