Ayaan Kaaba: ‘Sababta aan ninkeyga ugu tilmaamay walaal’

Xigashada Sawirka, Facebook/Ayaan Kaaba
Mar kale waxaa internetka Soomaalida qabsaday hadal haynta Ayaan Axmed Caydiid oo loo garan ogyahay ‘Ayaan Kaaba’. Waa mid ka mid ah hablaha ugu caansan suugaanta Soomaalida ee xilligan, iyada oo marar hore oo badan tirisay maansooyin qabsaday baraha bulshada Soomaalida.
Oraahda iyo maansooyinka gabadhan reer Hargeysa ahayd ayaa marar hore u qabsaday Internetka iyo baraha bulshada Soomaalida ka dib maansadii Wardo Xaashi.
Internetku wax ma hilmaamo, oo markan waxaa lagu haystaa ninka ay gaclootay oo ay la aqal gashay sabtidii, kaas oo muddo aan fogeyn ka hor ay ku tilmaamay ‘walaal’ kadib qoraal wehliyay sawir ay ku wada jireen iyada iyo seygeeda cusub oo Facebook la soo dhigay.
Hadal-haynta sawirkan, iyo wixii ay ka tiri Ayaan Kaaba

Xigashada Sawirka, Facebook/Ayaan Kaaba
Markii uu soo baxay warka la xidhiidha xaflada arooska Ayaan Kaaba iyo seygeeda Cabdi Daysane toddobaadkii hore ayay dadka internetku adeegsida bilaabeen inay dib u baadhaan xidhiidhka horey uga dhexeeyay lammaanahan cusub.
Waxay soo heleen sawirka kore, oo ay labo bil kahor soo dhigtay Facebook Ayaan Kaaba, iyada oo raacisay qoraal u dhignaa “Walaalkaa oo kaa dheer markaad sawir la gashid. Xafladdii xalay waa la isku arkay.”
Si kaftan leh, marna dhab u eg, ayuu sawirkaas ugu faafay baraha bulshada, iyada oo ay dadka qaar la xidhiidhinayaan sheekooyin ka caan baxay baraha bulshada sida ‘Abti Xabiibi’, iyo ‘Walaalka maanta waa Xaajiga berri’.
Waxay weydiimo ka keeneyn sida ‘Walaalkii shalay odeyga reerka la unkay abwaanad Ayaan’.
Abwaan Ayaan Axmed Caydiid oo ka mid ah hablaha maansooyinka tiriya ee Soomaalida kuwa loogu jecel yahay ayaa BBC kala hadashay dareenkeeda la xidhiidha hadal haynta ka dhalatay sawirka hore iyo seygeeda.
Waxay ku tilmaamtay Soomaalida internetka "baadheyaal iyo sirdoon aysan cidna dirsan". Waxa ay la yaabtay waqtiga ay geliyeen nolosheeda Facebook iyo sawirrada hore ee ay soo fageen.
“Bal kaalay sheeg goorta ay fageen Facebook-keyga, iyo waqtiga ay ku lumiyeen sawiradeyda,” ayay isweydiisay Ayaan Kaaba, oo uu la yaab ku noqday hadalheynta ka dhalatay sawirkaasi.

Xigashada Sawirka, Facebook/Ayaan Kaaba



























