UEFA oo diyaarinaysa dacwad dambiyeed ka dhan ah Infantino

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hay'adda maamusha kubadda cagta Yurub ee loo soo gaabiyo UEFA ayaa diyaarinaysa dacwad dambiyeed ka dhan ah madaxweynaha FIFA Gianni Infantino, taasoo ku saabsan qorshihii la laalay ee ahaa in saamiyo laga iibiyo Koobka Adduunka iyo tartamada kale ee FIFA, si loogu wareejiyo maalgashadayaal gaar loo leeyahay.
Dukumiintiyo ay aragtay BBC Sport ayaa muujinaya in hay'adda maamusha kubadda cagta Yurub ay codsi u gudbisay in loo oggolaado helitaanka caddaymo iyo dukumiintiyo loo adeegsan doono dacwad ka dhacaysa Switzerland oo ka dhan ah madaxweynaha laftiisa, kaas oo UEFA ay ku eedeysay "maamul-xumo".
UEFA waxay intaas ku dartay inay ka fikirayso inay tallaabo sharci oo dambiyeed ka qaaddo saraakiil kale oo ka tirsan FIFA.
Wax yar ka dib Koobkii Adduunka ee xagaagan, Infantino wuxuu soo jeediyay in la sameeyo shirkad cusub oo la yiraahdo FIFA Forward Enterprise (FFE), taas oo ujeeddadeedu ahayd in saamiyo ka mid ah tartamada kubadda cagta ee FIFA lagu wareejiyo maalgashadayaal gaar ah. Qorshahaas waa la laalay ka dib markii si weyn looga soo horjeestay.
Codsiga lagu dalbanayo caddaymaha, UEFA waxay ku sheegtay: "Xaqiiqdii, waxay ahayd farsamo ay Infantino iyo kooxdiisa yar ku doonayeen inay si joogto ah ula wareegaan qayb ka mid ah hantida ugu qaalisan FIFA, ayna si gaar ah uga faa'iideystaan, taas oo dhibaato u geysanaysa FIFA, xubnaheeda iyo guud ahaan bahda kubadda cagta" sida lagu xusay codsiga UEFA.
Infantino wuxuu qorshaha soo dhex mariyay ansixinta gudaha ee FIFA maalmo un ka hor, kulan si degdeg ah loo abaabulay, halkaas oo koox yar oo ka mid ah madaxda iyo shaqaalaha FIFA qaarkood oo aan weligood qorshaha maqal lagu siiyay saacado kooban oo ay ku meel mariyaan mashruuc malaayiin doolar ah oo aan horay loo arag.
Saraakiisha ugu sarreysa UEFA iyo kubadda cagta Yurub ayaa ku kulmay Monaco, wax yar ka hor isku-aadka Champions League, iyadoo xaaladda Infantino ay ka mid ahayd arrimihii diiradda la saaray.
BBC Sport ayaa la xiriirtay Infantino iyo FIFA si ay jawaab uga hesho.
Maxay UEFA ku sheegtay codsigeeda dhinaca sharciga?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
UEFA waxay sheegtay in qiimaynta saamiyada la iibinayo aan si madax-bannaan loo xaqiijin isla markaana si aad u jaban loo bixin lahaa, iyadoo iibka la soo jeediyay ku tilmaantay "qiimo si khiyaano ah uga baxsan suuqa oo uu Infantino u dhiirrigeliyay dantiisa gaarka ah".
Codsiga ayaa sidoo kale lagu sheegay: "Shuruudihii uu Infantino soo bandhigay, maalgashadayaashaasi waxay $4.2bn ku iibsan lahaayeen saami joogto ah oo ka mid ah qeybta ganacsiga ee FIFA, taasoo ka dhigan qiimo shirkadeed oo aad u hooseeya oo lagu qiyaasay $20bn oo kaliya, lacagtaas oo aan laga helin tartan suuq furan, lamana hor keenin qiimeeye madax bannaan."
Codsigan, UEFA waxay maxkamad ku taal Florida ka dalbanaysaa inay gacanta ku dhigto xog ay hayaan laba shirkadood oo ay leedahay FIFA, FIFA Americas iyo FWC2026 - si mustaqbalka loogu adeegsado dacwadda dambiga ah ee Switzerland.
Labada shirkadoodba xaruntoodu waxay ku taal Florida.
UEFA waxay sheegtay in 55-ka xubnood ee ka tirsan ay waxyeello ka soo gaari karto qorshaha iibka, iyo inay dacwad dambi ah ka gudbin karto saraakiisha kale ee FIFA iyo sidoo kale Infantino.
"UEFA iyo dhinacyada kale ee daneynaya waxay isu diyaarinayaan inay dacwado dambi ah ka keenaan Switzerland Infantino iyo suurtogalnimada saraakiisha kale ee FIFA iyo la-taliyayaasha maamul-xumo dambiyeed" ayaa lagu yiri codsiga.
"Qaab-dhismeedka sirta ah, qiimaynta, maalgelinta, iyo suuq-geynta ayaa dhaawac toos ah oo la taaban karo u geystay sumcadda FIFA, awoodda maamulka, iyo xiriirka ganacsi si ay waxyeello ugu geysato FIFA iyo sidoo kale 211 xubnood, oo ay ku jiraan 55-ka xiriir ee xubnaha ka ah UEFA".
UEFA waxay ku adkaysanaysaa in qorshaha la sameeyay iyada oo aanay ogeyn, ama daneeyayaasha kale ee muhiimka ah ee kubadda cagta, iyo in uu muddo dheer soo jiray.
UEFA waxay ku sheegtay dukumeentiga inay jirtay "taariikh dheer oo musuqmaasuq ah oo ka dhex jirtay saraakiisha FIFA" waxayna sheegtay in hay'adda maamusha kubadda cagta adduunka ay qorshayaasheeda ka noqoto kaliya marka cadaadisku ka yimaado dibadda isboortiga.

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Awoodda aan caadiga ahayn ee FIFA ee kubadda cagta adduunka waxay u shaqeysay inta badan iyada oo aan laheyn xaddidaad gudaha ah oo macno leh, iyadoo isla xisaabtanku uu inta badan ka yimid xoogag dibadda ah, oo ay ku jiraan cadaadiska siyaasadeed, baaritaanka dadweynaha, iyo faragelinta iyada oo loo marayo fulinta sharciga dambiyada caalamiga ah," codsiga ayaa lagu daray.
Xarunta FIFA waxay ku taal magaalada Zurich ee dalka Switzerland, UEFA-na waxay sheegtay in qorshaha ay ku doonayso inay ugu dambeyntii dacwad dambi ah ka gudbiso Infantino uu taageerayo sharciga Switzerland.
BBC Sport waxaa loo sheegay in dacwad gaar ah loo gudbiyay maxkamad ku taal New York, halkaas oo UEFA ay ka raadinayso dukumeenti Thrive Capital, oo ah ganacsiga la soo jeediyay inuu dan ka yeesho FFE, iyo aasaheeda Josh Kushner, oo ah walaalka ninka uu sodogga u yahay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Bangiga maalgashiga Mareykanka ee JP Morgan ayaa sidoo kale lagu magacaabay codsiga.
Codsi saddexaad ayaa sidoo kale laga sameeyay Colorado, kaasoo la xiriira madaxii hore ee Formula 1 Greg Maffei, oo lagu tilmaamay xareynta maxkamadda inuu yahay "la-taliyaha ganacsiga ee muhiimka ah" ee macaamilka FFE ee la soo jeediyay, iyo shirkaddiisa Bann Ventures.
BBC Sport ayaa sidoo kale la xiriirtay UEFA si ay faallo uga hesho.
UEFA ayaa hogaaminaysay iska caabbinta qorshahan, iyadoo caddeysay inaysan ku qabin Infantino kalsooni, xubnaheeduna waxay isku raaceen inay ka maqnaadaan Koobabka Adduunka haddii aan laga noqon mashruuca FFE.
Infantino, oo bisha Maarso u tartamaya muddoo xileedkiisii afraad ee madaxweynaha FIFA, ayaa lagu eedeeyay inuu "khiyaano" ku burburiyay kalsoonidii lagu qabay, sida lagu sheegay warqad furan oo ay si wada jir ah u soo saareen UEFA, Concacaf iyo Xiriirka Kubadda Cagta Aasiya.
Xiriirada kubadda cagta ee UK ayaa kala noqday taageeradii Infantino, balse wuxuu weli haystaa taageerada hay'adda maamusha Koonfurta Ameerika ee Conmebol iyo CAF oo ah hay'adda maamusha Afrika, halka dalal qaar ay ka goosteen xiriiradoodii qaaradeed si ay taageero ugu muujiyaan madaxweynaha FIFA.














