Halkee ayay maraysaa dacwaddii u dhexaysay Trump iyo BBC-da?

Xigashada Sawirka, Reuters / AFP via Getty Images
BBC ayaa isku deyeysa in ay maxkamaddu u yeedho xubno ka tirsan qoyska Donald Trump si ay u keenaan dukumiintiyo iyo marag, iyada oo difaacaysa dacwad sumcad-dil ah oo uu madaxweynaha Mareykanku ku oogay oo qiimaheedu yahay $10 bilyan (£7.4 bilyan).
Dukumiintiyada maxkamadda ayaa muujinaya in qareenada BBC-du ay bishii May isku dayeen in ay waraaqaha maxkamadda gaadhsiiyaan wiilka madaxweyne Trump ee Donald Trump Jr, gabadhiisa Ivanka Trump, iyo wiilka uu soddogga u yahay Jared Kushner.
Madaxweyne Trump ayaa dacwad ku oogay BBC-da sabab la xidhiidha barnaamij ka tirsanaa qaybta Panorama oo isku xidhay laba qeyb oo kala duwan oo ka mid ahaa khudbad uu jeediyay ka hor dibadbaxyadii Capitol ee 2021-kii.
BBC-du horay ayay raaligelin uga bixisay tafatirkaas, laakiin waxay diiday inuu xaaladdaasi leedhay dood lagu oogi karo dacwad sumcad-dil ah.
Qoraallada ugu dambeeyay, qareenada BBC-du waxay ku doodayaan in xubnaha qoyska Trump "ay si gaar ah u og yihiin" ujeeddadiisa markuu khudbadda jeedinayay, taas oo ka dhigaysa markooda iyo dukumiintiyadooda kuwo muhiim u ah dacwadda uu madaxweynuhu wato.
Iyaga oo adeegsanaya caddaymo ay hore u ururisay guddi ka tirsan aqalka Congress-ka Mareykanka, dukumiintiga ayaa sheegaya in Donald Trump Jr iyo Ivanka Trump ay goobjoog ahaayeen markii aabahood uu dib u eegista ku sameynayay isla markaana uu jeedinayay khudbadda, iyaga oo raaciyay in Jared Kushner uu qoray qabyo-qoraal war-saxaafadeed ah oo uu madaxweynuhu jeedin lahaa si uu cambaareeyo doorkii rabshadahaas.
Dukumiintiga ayaa ka codsanaya maxkamadda in loo oggolaado in waraaqaha maxkamadda lagu diro email iyaga oo sheegay in isku daygii ahaa in toos ay u keenaan ay guul-darreysteen.
Mid ka mid ah dhacdooyinka, sida laga soo xigtay dukumiintigu, wakiil ka tirsan qareennada BBC-da ayaa isku dayay inuu warqaddaas ugu geeyo Ivanka Trump iyo Jared Kushner gurigooda Florida, balse waxaa lagu celiyay bar kontorool oo ay booliisku leeyihiin, waxaana markii dambe u sheegeen hay'adda Sirdoonka iyo ilaalada madaxweynuhu (Secret Service) inaysan aqbali karin waraaqahaas.
Sidoo kale, sida uu qabo dukumiintiga, wakiil ayaa isku dayay inuu warqad u geeyo Donald Trump Jr oo ku sugnaa dhismaha Trump Tower ee magaalada New York, balse waxaa waardiyuhu uu u sheegay in qofka ka guddoomi lahaa dukumiintiyada noocaan ah uu hadda xilliyadan ku maqan yahay qado .
Isku day kale oo la sameeyay laba maalmood ka dib, wakiilka waxaa loo sheegay in "waaxda sharciga" aysan joogin maalintaas, sida uu qabo dukumiintigu.
Qareenada madaxweyne Trump ayaa lala xiriiray si ay fikirkooda uga dhiibtaan arrintan.
Xafiiska warfaafinta ee BBC wuu ka gaabsaday inuu isna wax faallo ah ka bixiyo.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Bishii Diseembar ee la soo dhaafay ayay ahayd markii Trump uu dacwad ku oogay BBC-da iyo shirkadaha hoos yimaada ee BBC Studios Productions iyo BBC Studios Distribution, taas oo ku saabsanayd barnaamijkii Panorama ee 2024.
Dacwadda Trump – ee taalla Florida – waxay ku eedaynaysaa BBC-da inay "si ula kac ah, oo ah si xumaani ku jirto, oo khiyaano ah u feedaxaysay" khudbaddii uu ka jeediyay bannaanka Capitol 6dii Janaayo 2021.
BBC-du waxay raaligelin ka bixisay khalad tafatireed oo sababay "aragti khaldan oo ah in Madaxweyne Trump uu si toos ah ugu baaqay in tallaabo rabshadeed la qaado".
Si kastaba ha ahaatee, BBC-du waxay ka codsatay maxkamadda in la laalo dacwaddan, iyada oo ku doodaysa in barnaamijkaasi uusan buuxin shuruudaha sharciga ah ee dacwaddu ku ahaan lahayd sumcad-dil, isla markaana barnaamijkaasi aanu ku jirin bogagga BBC ee Maraykanka, oo aan halkaa laga daawan karin.
Bishii la soo dhaafay, qareenada Trump waxay qirteen inaysan haysan wax caddayn ah oo muujinaya in dokumentariga laga heli karayay Mareykanka, hadday tahay barta BritBox ee BBC-da, sidii ay horay u sheegteen, ama BBC.com, BBC Select, ama warbaahinada Mareykanka ee kale.
Trump sidoo kale dhawaan wuxuu gartay inuu ka laabto dacwadda qaybta ganacsiga ee BBC Studios, ka dib markii BBC-du ay ku doodday in waaxdaasi "aysan wax lug ah ku lahayn abuurista ama soo saaridda dokumentarigaas".
Horraantii bishan, garsooraha kiiska ayaa oggolaaday codsiga Trump ee ah in dib loo dhigo dhiibista dukumiintiyada maaliyadeed ee uu u dhiibayo warbaahinta qaybta ka ah dacwadda.
BBC-du waxay codsatay qaar ka mid ah diiwaannada maaliyadeed ee Trump iyada oo la xiriirta doodda ah in dokumentarigu uu waxyeelleeyay danaha ganacsi ee madaxweynaha.
Qareenada madaxweynaha ayaa sheegay in soo bandhigida diiwaanka maaliyadeed ay u geysan doonto "khasaar aan laga soo kaban karin".
Taariikhda maxkamadayntan ayaa loo qorsheeyay bisha Febraayo 2027, haddii uu kiisku horay u socdo.














