Sida loo bilaabo ganacsi adigoo haysta raasumaal yar kadibna loo kobciyo

Khudaar

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Iyadoo dalalka Afrika qaar ay wajahaayn sicir-barar, lacag yari iyo kharashka badan ee ku baxa hawlgelinta xirfad ama ganacsi, in ganacsi lagu bilaabo raasumaal yar waxay noqon kartaa caqabad weyn.

Si kastaba ha ahaatee, raasumaal badan la'aantu macnaheedu ma aha in qofku aanu samaysan karin ganacsi faa'iido u soo saara.

Khubarradu waxay aaminsan yihiin in waxa ugu muhiimsani yahay in la ogaado nooca ganacsi ee ku habboon raasumaalka iyo xaaladda jirta, in lacagta si qorshaysan loo isticmaalo, iyo in laga fogaado in faa'iidada la isticmaalo ka hor inta aanu ganacsigu xoogaysan.

Faa'iido yar oo si joogto ah loo helo waxay noqon kartaa raasumaal weyn, haddii qayb ka mid ah faa'iidadaas dib loogu celiyo ganacsiga.

Haddaba, sidee ayuu qofku ganacsi ugu bilaabi karaa raasumaal yar, u ilaalin karaa lacagta uu geliyay, kadibna si tartiib-tartiib ah ugu kobcin karaa ilaa uu ganacsigu noqdo mid weyn?

Arrintan awgeed ayay BBC-da la hadashay Dr Ismail Muhammad Anchau, oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha ganacsiga.

Talooyin ay bixiyeen khubarrada

Raasumaal

Xigashada Sawirka, Getty Images

  • Aqoonta

Dr Ismaaciil Muxamed Anchau ayaa sheegay in waxa ugu horreeya ee qofku u baahan yahay ka hor inta aanu ganacsi bilaabin ay tahay inuu fahmo nooca ganacsiga uu doonayo inuu galo.

Sida uu sheegay, qofku waa inuu raadsadaa aqoon iyo xirfad ku saabsan ganacsiga ka hor inta aanu maalgelin gelin, maadaama ganacsi kasta uu u baahan yahay in la barto.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Aqoontaas waxaa lagu heli karaa waxbarasho dugsi ama jaamacad, ama iyadoo xirfadda laga barto qof khabiir ah oo hore u fahamsan hawsha."

Wuxuu sheegay in si wanaagsan loo fahmo ganacsigu ay qofka ka caawiso inuu ogaado sida loo maamulo, dhibaatooyinka ka iman kara iyo hababka lagu heli karo faa'iido.

  • Tayada

Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay tayada waxa qofku iibinayo.

Wuxuu sheegay in wax kasta oo qofku iibinayo ay ahaadaan kuwo tayo leh oo ay bulshadu u baahan tahay, sababtoo ah haddii macaamiishu qiimo ka helaan waxa ay iibsadeen, way soo laabanayaan, waxayna dadka kale kula talinayaan inay iyaguna iibsadaan.

"Wax kasta oo aad iibinayso waa inay noqdaan kuwo wanaagsan oo ay bulshadu rabto. Dadkuna waa inay ka helaan waxa ay doonayaan alaabtaada, markaas ayay marar badan kuu soo noqonayaan," ayuu yiri.

  • Sii wadista barashada

Dr Anchau wuxuu sheegay in ganacsaduhu aanu joojin waxbarashada marka uu ganacsiga bilaabo. Waa inuu ka faa'iidaystaa fursad kasta oo uu ku heli karo tababar ama training.

Sida uu sheegay, aqoon iyo tababar dheeraad ah ayaa ganacsadaha ka caawiya inuu helo xirfado uu si wanaagsan ugu maareeyo ganacsiga, gaar ahaan sida loo maareeyo lacagta iyo sida raasumaalka si xikmad leh loogu wareejiyo ganacsiga.

  • Diiwaangelinta xogta ganacsiga

Wuxuu sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in si nidaamsan loo diiwaangeliyo xisaabaadka ganacsiga, oo ay ku jiraan lacagta soo gasha iyo tan ka baxda.

Wuxuu sheegay in ganacsaduhu uu ogaado inta uu alaab ku iibsaday, inta uu ku iibiyay iyo faa'iidada uu ka helay. Tani waxay ka caawinaysaa inuu si dhab ah u ogaado xaaladda ganacsigiisa, iyo meelaha uu faa'iido ama khasaare ka sameeyo.

  • Helitaanka raasumaalka

Sida uu sheegay, raasumaalku waa arrin muhiim ah, balse inta raasumaal ee qofku u baahan yahay waxay ku xiran tahay baaxadda iyo nooca ganacsiga uu doonayo inuu sameeyo.

Wuxuu sheegay in qofku fahmo nooca raasumaal ee ganacsigu u baahan yahay ka hor inta aanu bilaabin, maadaama raasumaal yari ay caqabad ku noqon karto socodsiinta ganacsiga.

  • Xaaladda dhaqaale ee dalka

Dr Anchau wuxuu sheegay in arrin kale oo ay tahay in ganacsatadu fiiro gaar ah u yeeshaan ay tahay xaaladda dhaqaale ee dalka, gaar ahaan xilliyada uu jiro sicir-barar.

Xaaladdan oo kale, wuxuu sheegay in ganacsaduhu raadiyo habab uu alaab ku heli karo qiimo jaban, si loo yareeyo kharashaadka loona sii wado helitaanka faa'iido.

  • Fahamka siyaasadaha dowladda

Wuxuu sheegay in fahamka siyaasadaha dowladda uu sidoo kale muhiimad weyn u leeyahay ganacsatada.

Sida uu sheegay, haddii qaar ka mid ah siyaasadaha dowladda ay sii adkeeyaan xaaladda ganacsiga, ganacsatadu waa inay midoobaan oo dowladda ka codsadaan inay dib u eegto siyaasadahaas si loo fududeeyo hawlahooda ganacsi.

Wuxuu tusaale u soo qaatay arrinta amniga, isagoo sheegay in amni-darradu ay ganacsatada ka hor istaagi karto inay alaab ka qaadaan gobol una geeyaan gobol kale.