Haddii Itoobiya ay dhisto biyo-xireenno dheeraad ah, waxaan diyaar u nahay inaan ilaalinno amniga biyaheenna — Masar

Xigashada Sawirka, African Ministers' Council on Water
Itoobiya waxay sheegtay inay sii wadi doonto ka faa'iidaysiga webiyada dalkeeda, oo ay ku jiraan kuwa ku darsama Nile-ka, si ay uga dhaliso koronto iyo horumarinta dalka, arrintaas oo Masar ay ka muujisay walaac iyo cabasho.
Wasiirka Biyaha iyo Tamarta Itoobiya, Habtamu Ittafaa, oo wareysi siiyay warbaahinta dalkaas ka hawlgasha ee ku baxda afka Ingiriisiga ee POA English, ayaa sheegay in Itoobiya ay sii wadi doonto dhismaha biyo-xireenno badan oo dheeraad ah oo laga hirgeliyo webiyada dalkeeda, marka laga soo tago Biyo-xireenka Renaissance-ka Itoobiya.
Waxa uu sheegay in arrintan aysan u baahnayn oggolaansho ka yimaada dhinac dibadeed, isla markaana ay tahay arrin la xiriirta madaxbannaanida dalka.
Masar ayaa in ka badan toban sano dalbanaysay in heshiis laga gaaro habka loo buuxinayo iyo sida loo hawlgelinayo Biyo-xireenka Weyn ee Renaissance-ka Itoobiya (GERD), iyadoo dooneysa in la xaqiijiyo danaha iyo saamigeeda biyaha.
Masar ayaa sidoo kale mar kale Itoobiya uga digtay inay dhisto biyo-xireenno dheeraad ah.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty, ayaa Itoobiya uga digay inay biyo-xireenno dheeraad ah ka dhisto webiga Abbay, isagoo sheegay in Masar ay xaq u leedahay inay ilaaliso kheyraadkeeda biyaha.
Wareysi uu siiyay warbaahinta Sacuudiga ee Al Arabiya, ayuu ku yiri: "Masar ma oggolaan doonto in biyo-xireenno dheeraad ah laga dhiso webiga Abbay."
Tan iyo markii Itoobiya ay sheegtay inay awood u leedahay inay dhisto biyo-xireenno dheeraad ah, Masar ayaa muddo laba toddobaad gudahood ah bixisay saddex digniinood.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Mas'uulka Itoobiya ee Habtamu Ittafaa ayaa sheegay in dalkiisu uu sii wadi doono horumarinta "webiga Abbay iyo webiyada kale ee ku darsama Abbay," isla markaana uu dhisi doono biyo-xireenno dheeraad ah.
Waxa uu sheegay in qorshahan uu qayb ka yahay mashaariic loogu talagalay in laga faa'iideeyo ku dhowaad 130 milyan oo qof oo ku nool dalka.
Warbaahinta Masar ee Ahram Online ayaa sheegtay in mas'uulkan Itoobiya uu ku eedeeyay Masar inay weli qabto "aragti gumeysi", isla markaana uu sheegay inay tan iyo 1940-meeyadii ka soo horjeedday horumarka Itoobiya.
Warbaahinta Masar ayaa sidoo kale soo tabisay in mas'uulkan Itoobiya uu meesha ka saaray walaaca Masar ee ku saabsan qorshaha lagu dhisayo biyo-xireenno dheeraad ah oo laga hirgeliyo webiga Abbay. Si kastaba, warbaahintaasi waxay ku tilmaantay Abbay inuu yahay "tiirka nolosha" ee ku dhowaad 110 milyan oo qof oo Masriyiin ah.
Toddobaadkii hore, Ra'iisul Wasaaraha Masar Mustafa Madbouly, Wasiirka Arrimaha Dibadda Badr Abdelatty, Wasiirka Kheyraadka Biyaha iyo Waraabka Hani Sewilam iyo saraakiil kale oo Masri ah ayaa sheegay in dalkoodu uusan oggolaan doonin in Itoobiya dhisto biyo-xireenno dheeraad ah.
Mas'uuliyiintan Masar ayaa sheegay in haddii Itoobiya ay biyo-xireenno ka dhisto webiyada ku darsama Abbay iyadoo aan la tixgelin heshiisyada iyo shuruucda ay ku heshiiyeen dalalka webiyada hoose, ay taasi khatar weyn gelin karto xiriirka labada dhinac.
Badr Abdelatty, oo wareysi siiyay warbaahinta Arab News, ayaa sheegay in Qaahira ay ka qayb qaadatay mashaariic badan oo kaabayaal ah iyo biyo-xireenno laga dhisay hareeraha webiga Abbay, isagoo xusay in "Masar aysan ka soo horjeedin horumarinta dalalka Afrika."
Hase yeeshee, wuxuu sheegay in xaqa horumarinta dalalka uu qasab yahay inuu tixgeliyo xuquuqda dalalka ku yaalla dhanka hoose ee webiga.
"Waxaan xaq u leennahay inaan ilaalinno danaheenna iyo amniga biyaheenna. Ma aqbalayno heshiis kasta oo ku saabsan webiga Abbay, haddii uusan ku dhisnayn qaab sharci ah," ayuu yiri mas'uulka Masar.
Mohamed Hegazy, oo xubin ka ah Guddiga Arrimaha Dibadda ee Masar, ayaa sheegay in hadallada Abdelatty ay xambaarsan yihiin saddex qodob: in la diido tallaabooyin hal dhinac ah, in laga hortago dhismaha biyo-xireenno dheeraad ah, iyo in la qaado tallaabo kasta oo sharci ah oo lagu ilaalinayo danaha iyo amniga biyaha Masar.
Mohamed Hegazy ayaa sheegay: "Hadda arrintu waxay ku jirtaa gacanta Itoobiya. Haddii ay oggolaato in wada-hadallada ku saabsan Biyo-xireenka loo horseedo heshiis sharci ah, dhibaatadu waxay u gudbi kartaa dhinaca xallinta."
Hase yeeshee, wuxuu ka digay in haddii Itoobiya ay sii waddo dhismaha biyo-xireenno kale iyadoo aan marka hore xal loo helin khilaafka hadda jira, ay aad u adkaan doonto in la helo waddo diblomaasiyadeed oo lagu xalliyo arrinta.















