You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Tobanka cunto ee kobcin kara xusuusta iyo caafimaadka maskaxdaada
Cunnada wanaagsan waxay faa'iido u leedahay caafimaadka jirka oo dhan iyo kan maskaxda labadaba. In kasta oo aanay jirin hal cunto oo la dhihi karo waa ay ka sarreysaa kuwa kale oo keligeed ayaa kordhin karta garaadka ama ka ilaalin kartaa cudurrada sida Alzheimer's, haddana dareenka waxaad cunto ayaa kaa caawin kara inaad kobciso caafimaadka maskaxda oo aad dareen wanaagsan yeelato.
Maskaxdu waxay isticmaashaa 20% ee tamarta jirka, sidaas darteed cunto dheellitiran oo kala duwan ayaa kaa caawin kara, waxa ay ka qeyb-qaataan:
· Kororka tamarta
· Hagaajinta xusuusta, fiirsashada iyo diiradda
· Yareynta walbahaarka iyo walaaca
· Kobcinta dareenka
Haddaba, waxaan warbixintaan kugula wadaagi doonnaa 10 cunto oo loo arko in ay yihiin kuwa qeyb lixaad leh ka qaadan kara daryeelka iyo kobcinta caafimaadka maskaxda.
1-Kalluunka dufanka leh
Kalluunka noocan ah waxaa ku jira faa'iidooo badan sababta oo ah, waxaa ku jira asiidh dufan leh sida (Omega-3) oo muhiim u ah qaab-dhismeedka iyo shaqada maskaxda, waxayna hoos u dhigtaa halista cudurrada sida isku buuqa iyo asaasaqa.
Kalluunka dufanka leh: Haddii aadan cunin kalluun, waxaad ka heli kartaa iniin yaryar sida(flaxseeds), lawska iyo kuwa lamid ah, laakiin jidhku si fiican oo dhaqse ah uma beddeli karo.
Dadka khudaarta oo kaliya ah cuna, waxay isticmaali karaan iniinaha hemp iyo chia ama kaalmaatiga la yiraahdo kabitaanno laga sameeyay algae-yar.
2-Ukunta
Ukunta waxay ka kooban yihiin Vitamiin B6, B12, folic acid, iyo choline (oo laga helo qeybta jaallaha ukunta). Kuwass waxay jebiyaan kimiko "homocysteine" oo kor u kacda mar kasta oo uu qofka da' ahaan weynaado, waxayna yareeyaan halista istaroogga iyo Alzheimer's. Choline waxay muhiim u tahay horumarka maskaxda ee dhallaanka xilliga uurka iyo naas-nuujinta.
Talo: Dadka khudaarta kaliya cuna waxay ka heli karaan B-vitamiiniska caanaha dhirta laga sameeyay, avocado-da, laws iyo iniinaha yaryar.
3-Lawska
Marka laga hadlayo, cuntooyinka faa'iidada u ah jirkeena waxaa kamid ah Lawska, faa'iidada ku jirtana waxaa kamid ah Vitamin E oo la sheegay in ka qeyb qaato, ka-hortagga hoos-u-dhaca garashada iyo luminta xusuusta
4-Miraha bocorka
Miraha Bocorka waxa ay hodan ku yihiin maadada zinc oo korodhisa xusuusta iyo fikirka, magnesium oo yareeya walbahaarka, B-vitamiiniska, iyo tryptophan oo gacan ka geysta sameynta serotonin-ka dareenka wanaagsan.
5-Miraha noocyada dhirta oo dhan
Nooc kasta oo miro ama iniin ah sida Boorashka, Bariiska madow iyo Rootiga waxa ay ka qeyb-qaataan hormarinta maskaxda waxa ay faa'iido ahaan leeyihiin in si tartiib ah u sii daayaan glucose tamarta maskaxdu dooneyso, taasoo kaa caawinaysa inaad u fiirsato oo aad diiradda saarto maalinta oo dhan. Cuntooyinka sonkorta badan waxay keeni karaan daal maskaxeed (brain fog).
6-Shaaha Cagaaran
Caleenta ama shaaha cagaaran waxaa ku jira polyphenols oo laga yaabo inay yareeyaan saamaynta da'da ee maskaxda. Qiyaastii 2-3 koob maalintii ayaa lala xiriiriyay hoos-u-dhac weyn oo ku yimaada halista dementia.
7-Bunka ama qaxwaha
Kafeyiinka waxa uu raacaa qul-qulka dhiigga u socdaa maskaxda, halkaas oo uu "kiciyo" neerfayaasha. Waxay korodhisaa tamarta, xusuusta, dareenka, waxayna horumarisaa shaqada maskaxda.
8-Yaanyada
Noocyada yaanyada waxay hodan ku yihiin Vitamin C oo korodhiya tamarta maskaxda, yareeya walaaca iyo walbahaarka. Haddii ay yaraadaan waxay keeni kartaa cudurada asaasaqa iyo Alzheimer's
9-Borokoli
Borkoli Waxaa ka buuxa Vitamin K oo kobciya shaqada maskaxda, waxayna hoos u dhigtaa burburka acetylcholine (kiimiko ay maskaxdu u adeegsato si loo ilaaliyo xusuusta). Sidoo kale waxaa lamid ah kaabajka, kale, iyo brussels sprouts ayaa faa'iido leh.
10-Rosemary
Rosemary Waxaa ku jira antioksidannada oo laga yaabo inay ka hortagaan luminta xusuusta la xiriirta da'da, inkasta oo weli la sheegayo in loo baahan yahay cilmi-baaris dheeri ah oo ku saabsan saamaynta ay ku leedahay bini'aadamka.
11- Huruudda
Huruudda waaa halka ugu weyn laga helo maadada curcumin waxay korodhisaa dareenka, waxayna la shaqeysaa unugyada ka hawl-hala ka hortagga niyad-jabka. Waxay sidoo kale kicisaa hormoonada dareenka wanaagsan soo daaya.
12-Jokoleetdka madow
Xaddi ama Qadar yar oo joogto ah loo cuno waxa ay kordhisaa qulqulka dhiigga ee maskaxda, waxayna leedahay faa'iidooyin ilaalin ah (flavanols), gaar ahaan dadka da'da ah.
Waxyaabaha kale ee ka Caawiya maskaxda
- Jimicsi Joogto ah: Dhaqdhaqaaqa jireed wuxuu kobciyaa shaqada maskaxda, wuxuu daaliyaa da'da maskaxeed, wuxuuna naga caawiyaa inaan si hufan u farsameyno macluumaadka.
- joojinta Sigarka: Joojinta sigarku waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu wanaagsan ee aad u samayn karto caafimaadkaaga guud iyo kan maskaxdaaba.
- In la seexdo hurdo ku filan; Habeen wanaagsan oo hurdo ah waxay hagaajisaa awoodda maskaxda, waxay naga caawisaa inaan si fiican u baranno, una farsameyno xusuusta, kana nadiifiso qashinka maskaxda.
- Cunto Dheellitiran: Cunto nafaqo leh oo isku dhafan ayaa maskaxda siisa fursad ugu fiican si ay uga fogaato cudurrada. Haddii aad vegan tahay ama cuntadu aanu dheellitiranayn, waxaad la tashan kartaa dhakhtarkaaga si aad u qaadato kabitaanno (multivitamin ama Omega-3).