Sawirro: Israel oo agab taariikhi ah oo ay qabatay ku wareejisay Masar

.
Qoraalka sawirka, .
Published

Israel ayaa ku wareejisay Masar in ka badan 95 xabbo oo ah agab taariikhi ah oo kootarabaan lagaga saarayey iyo kuwo iyaga oo lagu iibinayo Qudus la qabtay.

Waxay sheegtay in agabkaa la celintiisu tahay "codsi ka yimid Masar iyo in niyad wanaag loo muujinayo" waxaana geeyey Qaahira wasiirka arimaha dibadda Israel oo booqasho ku tagay dalkaas.

Agabkan waxa ka mid ah waxyaabo Masaaridii hore maydka la aasi jireen oo qayb ka mid ahaa dhaqanka aaska
Qoraalka sawirka, Agabkan waxa ka mid ah waxyaabo Masaaridii hore maydka la aasi jireen oo qayb ka mid ahaa dhaqanka aaska
.... kuwo kalena waxay muujinayaan boqoradihii Masar
Qoraalka sawirka, .... kuwo kalena waxay muujinayaan boqoradihii Masar
.... waxa kale oo ka mid ahaa dhagax ay ku qorantahay fartii Hieroglyphic ee Faraacinadii hore
Qoraalka sawirka, .... waxa kale oo ka mid ahaa dhagax ay ku qorantahay fartii Hieroglyphic ee Faraacinadii hore
Agabkaa afar ka mid ah waxa laga helay shandad uu sitay nin Israeli ah oo ka ganacsada agabka qadiimka ah oo doonayey inuu kootarabaan ahaan dalka ku geliyo.
Qoraalka sawirka, Agabkaa afar ka mid ah waxa laga helay shandad uu sitay nin Israeli ah oo ka ganacsada agabka qadiimka ah oo doonayey inuu kootarabaan ahaan dalka ku geliyo.
Wuxuu sheegay inuu London ka soo iibsaday
Qoraalka sawirka, Wuxuu sheegay inuu London ka soo iibsaday
inta kale waxa lagu qabtay dukaan lagu iibiyo agabka qadiimiga ah oo ku yaal Qudus. Masar waxay sheegtay in la xaday agabkaa
Qoraalka sawirka, inta kale waxa lagu qabtay dukaan lagu iibiyo agabka qadiimiga ah oo ku yaal Qudus. Masar waxay sheegtay in la xaday agabkaa
Agabkaa waxa si rasmi ah u wareejiyey wasiirka arimaha dibadda Israel Yair Lapid (qofka labaad dhanka bidix) oo gudoonsiiyey dhigiisa Masar Sameh Shoukry (qofka labaad dhanka midig)
Qoraalka sawirka, Agabkaa waxa si rasmi ah u wareejiyey wasiirka arimaha dibadda Israel Yair Lapid (qofka labaad dhanka bidix) oo gudoonsiiyey dhigiisa Masar Sameh Shoukry (qofka labaad dhanka midig)