Kaalintee Soomaaliya kaga jirtaa 10-ka dal ee ugu farxadda badan Afrika sannadka 2026?
Xigashada Sawirka, Corbis via Getty Images
Qoraalka sawirka, Afrika gudaheeda, tobanka dal ee ugu sarreeya waxay leeyihiin duruufo kala duwan, qaar waxay kaalintooda ku gaareen dhaqaale xasilloon
Farxadda shacabka dal ma aha mid ku xiran oo keliya hantida dhaqaale ee uu leeyahay dalkaas, taasi waa gunaanadka laga soo saaray Warbixinta Farxadda Adduunka 2026 oo ah daraasad sannad kasta la daabaco iyadoo taageero ka helaysa Qaramada Midoobay, isla markaana lagu cabbiro heerka qanacsanaanta nolosha ee dadka ku nool in ka badan 140 dal.
Warbixintu inta abdan waxay ku salaysan tahay dhowr qodob oo ay ka mid yihiin:
Dakhliga soo gala qof kasta
Sida ay bulshada isku taageeraan
Cimriga caafimaadka lagu noolaado inta badan bulshadaas
Xorriyadda qofku u leeyahay inuu go'aannadiisa gaaro
Deeqsinimada
Iyo aragtida musuqmaasuqa.
Afrika gudaheeda, tobanka dal ee ugu sarreeya waxay leeyihiin duruufo kala duwan, qaar waxay kaalintooda ku gaareen dhaqaale xasilloon, halka kuwo kalena ay ku muteysteen xiriirka bulshada oo adag ama tayada adeegyada dowladda.
Mauritius, Liibiya iyo Aljeeriya ayaa mar kale noqday dalalka ugu sarreeya qaaradda. Waxay wadaagaan astaamo ay ka mid yihiin cimri-dhererka bulshooyinka, adeegyo dowladeed oo wanaagsan iyo dakhli ka sarreeya celceliska Afrika.
Mozambique iyo Gabon ayaa soo buuxiyay shanta dal ee ugu horreeya, halka Ivory Coast, Cameroon, Koonfur Afrika, Niger iyo Tunisia ay dhammeystireen tobanka dal ee ugu farxadda badan Afrika.
Trump oo codsi u diray maxkamada sare ee Maraykanka, muxuuse ku saabsan yahay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka codsaday Maxkamadda Sare ee Mareykanka inay u oggolaato inuu sii wado dhismaha mamaulkiisa ka bilaabay Aqalka Cad
Madaxweynaha
Mareykanka Donald Trump ayaa ka codsaday Maxkamadda Sare ee
Mareykanka inay u oggolaato inuu sii wado dhismaha hool xafladeed oo ku
kacaya $400 milyan laga dhisayo Aqalka Cad, isaga oo aan oggolaansho ka helin
Congress-ka.
Codsigan degdegga
ah ayaa yimid toddobaad kadib markii maxkamad rafcaan ay amartay in dhismaha
la joojiyo ilaa Congress-ku ansixiyo, iyadoo ay taageertay go’aan ay ku
guuleysatay hay’adda National Trust for Historic Preservation, oo
sannadkii hore dacwad ka gudbisay maamulka Trump.
Dukumentiga
cusub, Garyaqaanka Guud ee Mareykanka D. John Sauer ayaa ka codsaday
Maxkamadda Sare in loo oggolaado in shaqadu sii socoto inta maamulka Trump uu
racfaan ka qaadanayo amarka joojinta dhismaha, kaas oo uu ku tilmaamay “khatar.”
Trump ayaa muddo
dheer ku doodayay in Aqalka Cad uusan lahayn goob weyn oo lagu qabto
munaasabadaha, isla markaana dhismaha hoolkan uu muhiim u yahay amniga
qaranka.
Go’aankii
maxkamadda rafcaanka ee toddobaadkii hore ma dhaqan-galayo ilaa 21-ka
Agoosto. Taas macnaheedu waa in dhismaha hoolka la joojin doono maalintaas,
haddii aysan Maxkamadda Sare oggolaan codsiga degdegga ah ee maamulka.
Villa Somalia oo sheegtay ujeedada socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh ee Galmudug
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane
Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada
Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudud. Madaxweynaha waxaa garoonka Dhuusamareeb
ku soo dhaweeyey madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ujeedka safarka madaxweynaha ku
sheegtay inay ku qotomaan xoojinta
dadaallada dowladda ee dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida, iyada oo
Madaxweynuhu uu ka qayb-gali doono munaasabad tababar lagu soo xirayo cutubyo
ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
“ Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu ku sugan yahay
Galmudug daah-furi doona mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay deegaannada
dowlad-goboleedka, kuwaasi oo qeyb ka ah qorsheyaasha lagu dardargelinayo
adeegyada dadweynaha iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaale iyo bulsho ee dalka.”
ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia.
Waxaa intaas la raaciyey in madaxweynhu sidoo kale kulamo la qaadan doona qeybaha kala
duwan ee bulshada Galmudug, oo uu dhageysan doona aragtidooda, baahiyahooda
dowladnimo iyo talooyinkooda ku aaddan horumarka, amniga, dowlad-dhiska iyo
mustaqbalka dalka.
Iiraan oo beenisay eedeymo culus oo loo jeediyey
Ku-xigeenka wakiilka Iran u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa beeniyay in Iran
ay diyaarado ganacsi u adeegsanayso gaadiidka ciidamo ama qalab milatari
loogu qaado Yemen.
Warqad uu u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo
Madaxweynaha is-beddelaya ee Golaha Ammaanka, Gholamhossein Darzi ayaa
diiday eedeymaha Mareykanka ee ku saabsan doorka Iran ee xasillooni-darrada
Yemen iyo in duulimaadyada Iran ee taga Sanca loo adeegsado arrimo milatari.
Isagoo tixraacaya saameynta bani’aadamnimo ee ka
dhalatay xannibaadaha muddada dheer saarnaa garoonka diyaaradaha Sanca,
Darzi wuxuu adkeeyay in duulimaadyadaasi loo sameeyay “ujeeddooyin
bani’aadamnimo.”
Wakiilka Iran ee Qaramada Midoobay wuxuu sidoo kale
dhaleeceeyay hawlgallada milatari ee Mareykanka ka wado Yemen, isagoo
Washington ku eedeeyay inay ku xadgudbayso madax-bannaanida Yemen, isla
markaana ay sii kordhinayso xiisadaha gobolka.
Qiyaastii bil ka hor, dowladda Yemen ee fadhigeedu
yahay Cadan, oo taageero ka hesha Sacuudiga, ayaa bartilmaameedsatay
garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Sanca si ay uga hortagto in diyaarad ka
tirsan Mahan Air ay ku degto Sanca. Weerarkaas ayaa horseeday wareeg
cusub oo colaadeed oo u dhexeeya Xuutiyiinta iyo Sacuudiga.
Dowladda Yemen waxay u aragtaa duulimaadka Mahan Air ee
Sanca inuu yahay xadgudub lagu sameeyay hawadeeda.
Xuutiyiinta, oo xulufo la ah Iran, waxay “go’doominta
hawada” ee Sanca u arkaan mid sharci-darro ah. Iran iyo Xuutiyiintuba
waxay sheegeen in duulimaadyadu sii socon doonaan.
Faransiiska oo war ka soo saaray falal ka taagan Daanta Galbeed
Faransiisku wuxuu ugu baaqay Israel inay ilaaliso dadka
rayidka ah ee Falastiiniyiinta, isla markaana ay xirto oo maxkamad ku soo
taagto dadka Israa’iiliyiinta ee ku howlan deegamaynta ee hareereeyay guryaha
Falastiiniyiinta ee ku yaalla Qusra, Daanta Galbeed ee la haysto.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Faransiiska ayaa bayaan ay
soo saartay ku sheegtay inay “si adag oo aan leexleexad lahayn u
cambaaraynayso qabsashada dhowr guri oo Falastiiniyiin ah oo ku yaalla tuulada
Qusra ee Daanta Galbeed, taas oo ay sameeyeen dadka deggeemaynta Sameeya ee Israa’iil
ah, iyo sidoo kale falalka rabshadaha ah ee lagula kacay dadka rayidka ah ee
Falastiiniyiinta.”
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu yiri: “Faransiisku wuxuu
mar kale cambaaraynayaa siyaasadda Israa’iil ee dejinta deegaannada, taas oo
khatar ku ah xalka laba-dowladood, isla markaana sii xumaynaysa xiisadaha
gobolka.”
Degganayaal Israel ah oo ku sugan Qusra, oo u dhow
magaalada Nablus, ayaa tan iyo bilowgii toddobaadkan hareereeyay guryo ay
leeyihiin Falastiiniyiin, waxayna sii wadeen go’doomintaas inkastoo ciidamada
Israel ay isku dayeen inay deegaanka ka saaraan.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in go’doominta awgeed laga
jaray helitaanka cuntada iyo waxyaabaha kale ee daruuriga ah.
Go’doomintan ayaa dhalisay cambaareyn aan hore loo arag
oo xooggan oo ka timid Washington, oo ah xulafada Israa’iil.
Ma taqaanaa gantaalka ugu halista badan ee yalla Afrika xilligaan?
Ciidanka Aljeeriya ayaa markii ugu horreysay xaqiijiyay inay haystaan gantaalada Iskander ee hypersonic, iyagoo sii daayay muuqaallo muujinaya gantaalka oo la ridayo intii lagu jiray tababar.
Gantaalkan waxaa la rumeysan yahay inay haysteen militariga dalka sannado badan, inkastoo xaqiijin la'aanta hore ay muujinayso u janjeersiga militariga Aljeeriya ee ah inaysan ku dhawaaqin iibsashada hub cusub.
Iskander waxaa loo arkaa gantaalka ballistic-ga ugu awoodda badan adduunka waxaana la ogyahay in loo dhoofiyay Armenia iyo Aljeeriya oo keliya iyaga oo ka helay Ruushka, halka Kuuriyada Waqooyi iyo Koonfurta Kuuriya ay soo rideen gantaallo la mid ah iyada oo loo maleynayo inay ka faa'iideysanayaan tignoolajiyada Ruushka.
Gantaalkan wuxuu gaaraa masaafo dhan 500 oo kiiloomitir iyo isaga oo leh bartilmaameedyo saxnaan sare leh iyo dhaqdhaqaaqa awooddiisa ee uu ku safri karo xawaare sare, taa oo adkeyneysaa in la qabto.
Soo bandhigidda Iskander waxay ka dambeysay markii uu qarxay dagaal heer hoose ah oo u dhexeeya Ciidanka Morocco iyo kooxaha fallaagada ah ee kala duwan.
Dal ay Soomaali badani ku nooshahay oo rabshado laga soo sheegay ka dib doorasho ka dhacday
Guddiga
Doorashooyinka Zambia (ECZ) ayaa hakiyay tirinta codadka kaddib
doorashadii guud ee Khamiistii, iyagoo sabab uga dhigay warar sheegaya rabshado
lala beegsaday shaqaalaha goobaha codbixinta.
Go’aan ka
dibna dib-u-eegis ayaa lagu samayn
doono 24 saacadood gudahood, Guddoomiyaha Guddiga, Mwangala Zaloumis,
ayaa sheegtay in weerarro ka dhacay qaar ka mid ah degmooyinka ay sababeen in
la xado warqado codbixin ah oo hore loo calaamadeeyay.
Musharraxa
madaxweynaha ee mucaaradka, Brian Mundubile, ayaa horay ugu dhawaaqay
inuu guul gaaray. Waxa kale oo uu walaac ka muujiyay in dib u dhaca ku
yimaada ku dhawaaqista natiijooyinka uu fursad u siin karo in natiijooyinka
wax laga beddelo ama la farageliyo.
Madaxweynaha
xilka haya, Hakainde Hichilema, ayaa doonaya inuu ku guuleysto muddo-xileedkiisa
labaad, iyadoo Zambia inta badan loo arko inay ka mid tahay dimuqraadiyadaha
ugu xasilloon Afrika.
Guddiga
Doorashooyinka Zambia ayaa hore u ballanqaaday inuu natiijooyinka
doorashada madaxweynaha ku dhawaaqi doono 72 saacadood gudahood marka ay
goobaha codbixintu xirmaan..
Dalka Zambia,
waxaa ku nool jaaliyad ballaaran oo Soomaali ah kuwaas oo halkaas ku leh
ganacsiyo waaweyn.
War weyn oo uu soo saaray Taliska Dhexe ee Maraykanka
Xigashada Sawirka, US Central Command via Getty Images
Qoraalka sawirka, Warkan ayaa soo baxay xilli Taliyaha CENTCOM, Brad Cooper, uu booqasho ku tegayay qaar ka mid ah dalalka gobolka, oo ay ku jirto Sacuudiga.
Taliska Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM) ayaa ku dhawaaqay
dadaallada lagu dhisayo “cutubkii ugu horreeyay ee caalami ah oo ka kooban
dalal badan, kana shaqeeya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee weerarka, kuna shaqeeya meelo kala duwan” ee
Bariga Dhexe.
Maraykanku wuxuu sheegay inuu bilaabay wadatashiyo uu la
yeelanayo dalalka iyo saaxiibbada gobolka, isla markaana uu si rasmi ah ugu
martiqaadayo inay ka qaybqaataan.
Warkan ayaa soo baxay xilli Taliyaha CENTCOM, Brad
Cooper, uu booqasho ku tegayay qaar ka mid ah dalalka gobolka, oo ay ku jirto
Sacuudiga.
CENTCOM ayaa sheegtay in cutubkan oo loo bixiyay Falcon
Strike Task Force uu ka koobnaan doono diyaarado aan duuliye lahayn oo hal
matoor leh, kuwaas oo awood u leh inay ka hawlgalaan hawada ka sarreysa
badda, dusha badda, iyo xitaa biyaha hoostooda.
CENTCOM waxay sheegtay in Maraykanka iyo saaxiibbadiisa
gobolka ay si wadajir ah u hawlgelin doonaan cutubkan. Waxa uu sidoo kale yahay
sii wadid iyo ballaarin lagu sameeyay qorshihii hore ee Maraykanka ee loo
yaqaan “Scorpion Strike”, kaas oo la sameeyay sagaal bilood ka hor, iyadoo
loo adeegsanayo diyaarado aan duuliye lahayn oo weerar ah.
Maraykanku wuxuu sheegay inuu diyaaradaha aan duuliyaha
lahayn ee ka tirsan Scorpion Strike Special Operations Group u
adeegsaday weerarro lagu qaaday dekedaha koonfurta Iran, waxaana isla
shaqaalihii cutubkaas hadda loo qorsheeyay inay hawlgeliyaan Falcon Strike
Group iyagoo kaashanaya dalalka gobolka.
Marinka muhiimka u ah ganacsiga ee Hormuz waxaa weli saaran xannibaado iyo ciriiri la xiriira isu-socodka maraakiibta, iyadoo khilaafka u dhexeeya Maraykanka iyo Iran ee ku saabsan gacan-ku-haynta marinka uu sii xoogeysanayo.
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, xogta shirkadda dabagalka maraakiibta ee Kepler waxay muujinaysaa in:
Khamiistii, tirada maraakiibta maray marinka ay wax yar ka badnayd 12-kii markab ee maray Arbacadii.
Sagaal markab ayaa Khamiistii ka gudbay marinka, marka loo eego shan markab oo Arbacadii gudbay.
Shantii markab waxay galeen Gacanka Faaris, halka afar kale ay ka soo baxeen Gacanka una gudbeen Gacanka Cumaan.
Inta badan maraakiibtaasi waxay raaceen waddooyinka maraakiibta ee Iran.
Si kooban, isu-socodka Marinka Hormuz wuu socdaa, laakiin weli waa xaddidan yahay, iyadoo xiisadda Maraykanka iyo Iran ay sii kordhayso.
Dhanka kale, kumannaan askarta Maraykanka ah oo in ka badan 250 maalmood ku sugan markabka diyaaradaha qaada ee USS Abraham Lincoln ayaa la sheegaya inay la tacaalayaan cunto yari, musqulaha oo kasii xumaanaya iyo daal faro badan, arrintan ayaa keentay in xildhibaanno Maraykan ah Pentagon-ka ka dalbadaan jawaabo ku aaddan, isla markaana ay maamulka Trump cadaadis ku saaraan joojinta dagaalka Iiraan.
Warbaahinta milatariga ayaa sheegtay in qaar ka mid ah askarta markabka ay isku dayeen inay badda isku tuuraan, iyadoo qoysaskuna ay walaac ka muujiyeen caafimaadka maskaxda ee askarta saaran markabka.
Tirada dadka ku dhintay dhulgariirka Japan oo korodhay
Roobab aan hore loo arag ayaa sababay daadad baahsan oo ka dhacay ismaamulka Chiba, oo ku dhow Tokyo ee bariga dalka Japan.
Lix qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen. Amarro daad-gureyn ah ayaa loo soo saaray in ka badan 400,000 oo qof, halka kumannaan qof ay ku xayirmeen garoonka diyaaradaha Narita ee Tokyo.
Qaybo ka mid ah Chiba waxaa hal saac gudaheed ka da’ay in ka badan 10 sentimitir oo roob ah—taas oo ku dhow celceliska roobka caadiga ah ee bisha oo dhan.
Korontaduna ayaa go’day, iyadoo kumannaan qoys ay koronto la’aan noqdeen.
25 dal oo qofka wata baasaboor Soomaaliga uu fiisaha ku qaadanayo garoonkooda
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Baasaboorada Siomaaliya
Sannadkii 2025, liiska kala sarreynta Baasaboorada adduunka isbedel
ayaa ku yimid. Dalalka qaar ayaa wali ahaa kuwo fadhiya kaalimihii ay horrey
ugu jireen sanadkii ka horeeyay, halka dalalka qaarna ay muujiyeen hoos u dhac
xagga liiska ah, halka qaar kalena ay sare u kaceen.
Bogga wax ka qora jaantuska arrimaha socdaalka iyo
baasaboorrada caalamka ee Henley Passport Index oo ay aqoonsan tahay hay'adda
maamusha duulimaadyada caalamak ee IATA, ayaa sannad walba soo saarta liis
muujinaya baasaboorrada adduunka iyo sida ay ugu kala horreeyaan fududaanta
safarrada.
Soomaaliya ayaa muujisay sare u kac xagga liiska ah marka la
barbar dhigo sanadkii 2024-kii oo ay ku jirtay kaalinta 106-aad ee liiska la
soo saaray.
Wixii ka dambeeyay markii uu horaantii bishii January 2023-kii soo baxay liiska kala sarreynta baasaboorrada
caalamka, waxay u muuqatay in ay sii
badanayaan tirada dalalka soo dhaweynaya baasaboorka Soomaaliya, sida ay
shaaciyeen hay’ado kala duwan oo u guul gala qiimeynta aqoonsiyada
dal-ku-gal-ka.
Hay’adaha Reach Immigration iyo Passport Index ayaa soo
saaray liis ay isku waafaqsan yihiin oo ah ku sheegeen dalalka u fasaxaya qofka
heysta baasaboorka Soomaaliya in uu kasoo dago garoonkooda.
Waddamadaas oo gaaraya ilaa 25 ayaa qofka aqoonsiga
Soomaaliya wata ka doonaya in uu visaha ama dal-ku-gal-ka ku qaato garoonka,
marka uu diyaaradda kasoo dago ka dib.
Dalalkan ayaa ka duwan kuwa ay Soomaalidu ku aadi karaan
visa la’aanta ama aan wax oggolaansho ah looga baahneyn marka ay gudaha u
galayaan.
Liiska waddamada uu qofka aqoonsiga Soomaaliya ku safraya ka
dagi karo garoonkooda diyaaradaha si uu uga dalbado visa waxaa uu u dhigan
yahay sidan:
Si guud baasaboor Soomaaliga ayaa ka mid ah kuwa ugu daciifsan caalamka, sida lagu muujiyay xogta sanadlaha ah ee ay soo saareen Passport Index iyo Henley oo ah shirkad kale oo qiimeysa sharciyada socdaalka.
Baasaboorrada dalalka Yemen, Pakistan, Suuriya, Ciraaq iyo Afghanistan oo keliya ayaa ka hooseeya baasaboorka Soomaaliya oo ku jira kaalinta 103-aad.
Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay xoojisay dadaalka ay ugu jirto ku biiritaanka waddamada xubnaha ka ah ururka Bariga Afrika ee magaciisa loo soo gaabiyo EAC, arrintaas oo haddii ay hirgasho suurtagal ka dhigi kara inuu xoogeysto baasaboorka Soomaaliya.
Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Sacuudiga (SPA), labada dhinac waxay ka wada hadleen iskaashiga dhinaca difaaca ee Sacuudiga iyo Mareykanka, xaaladda gobolka iyo dadaallada lagu yareynayo xiisadaha laguna xoojinayo amniga iyo xasilloonida gobolka.
Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli xaaladda amni ee Bariga Dhexe ay aad u kacsan tahay, iyadoo Sacuudigu uu wajahayo khataro amni oo ka dhashay colaadaha gobolka.
Sidoo kale, Sacuudiga ayaa dhawaan xoojiyay iskaashigiisa difaac ee dhinacyada kala duwan, oo ay ku jirto heshiis difaac oo uu la galay Turkiga iyo Pakistan
Falastiiniyiinta oo lagu amray inay ka guuraan guryahooda oo ku yaala Daanta Galbeed
Xigashada Sawirka, EPA
Qoraalka sawirka, Milatariga Israa’iil waxay sheegeen in ujeeddada hawlgalku ahayd in la ilaaliyo dadka deegaanka.
Qoysaska Falastiiniyiinta ah ayaa lagu war geliyay inay ka baxaan guryahooda oo ku yaalla tuulada Qusra ee Daanta Galbeed ee la haysto, xilli ciidamada Israa’iil ay hawlgal ku wadeen deegaanka si ay uga saaraan Israa’iiliyiinta deggan.
Qiyaastii 12 qoys oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu amray inay ka baxaan guryahooda. Israa'iiliyiinta halkaas deggan ayaa tan iyo Axaddii go’doomin ku hayay saddex guri, iyagoo ka jaray korontada iyo biyaha.
Duqa Qusra, Cabdel Casiim Waadi, ayaa BBC u sheegay in tuulada loo aqoonsaday aag ciidan oo xiran, isla markaana ciidamada Israa’iil ay qaar ka mid ah guryihii ay Falastiiniyiintu ka guureen u adeegsanayaan xeryo ciidan.
Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ujeeddadu tahay “in la ilaaliyo dadka deegaanka.”
Afhayeenka Israa’iil, David Mencer, ayaa BBC u sheegay in dowladda ay baaritaan sameyn doonto, dadka mas’uulka ahna la xiri doono lana maxkamadeyn doono.
Dhammaan Israa’iiliyiinta la dejiyay dhulka Falastiin ee la haysto waxaa sharciga caalamiga ah u arkaa kuwo sharci-darro ah.
Saddexda guri ee la go’doomiyay waxaa degganaa qoysaska Abu Ridi iyo Xasan. Dadka degganaa laba ka mid ah guryaha ayaa Khamiistii lagu amray inay ka baxaan, waxayna BBC u sheegeen inay hadda u guureen guriga saddexaad.
Israa'iil oo xaqiijisay dilka sarkaal sare oo booliska Gaza ka tirsanaa
Xigashada Sawirka, Google
Qoraalka sawirka, Xamaas
Israa'iil ayaa waxay xaqiijisay inay dishay sarkaal sare oo ka tirsanaa booliska magaalada Gaza.
Ciidanka Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay, in Jamal Abu Kamil uu ahaa taliye ka tirsan Xamaas oo ku lug lahaa weerarradii 7-dii Oktoobar dgacay.
Dhimashadiisa waxaa hore u shaacisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Gaza, oo sheegtay in gaarigiisa lala beegsaday weerar cirka ah.
Wasaaradda, oo ay maamusho Xamaas, waxay Israa’iil ku eedaysay inay isku dayayso inay Gaza ka abuurto fowdo iyo qalalaase hor leh.
IDF ayaa sheegtay inay dishay sarkaalkan oo ay ku tilmaamtay inuu yahay “argagixiso” inuu qorsheeyay oo fuliyay weerarro argagixiso.
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa ku dhawaaqay in Golaha Nabadda uu gaaray heshiis ku saabsan hub ka dhigista buuxda ee Xamaas iyo dhammaan kooxaha hubaysan ee ku sugan Marinka Qasa.
Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa u sheegay BBC-da in dhaqdhaqaaqu uu aqbalay qorshaha Golaha Nabadda ee dhigaya in Qasa gabi ahaanba hubka laga dhigo, isla markaana war rasmi ah dhawaan la soo saari doono.
Dhanka Israa'iil weli wax jawaab ama faallo rasmi ah kama soo bixin.
Trump ayaa sheegay in Israa'iil ay ka bixi doonto Marinka Qasa marka hub ka dhigistu si buuxda u dhammaato, isagoo heshiiska ku tilmaamay "tallaabo muhiim ah oo horseedaysa in ugu dambayn Qasa ay maamusho dowlad cusub oo Falastiini ah."
Shan arrimood oo sahlan oo aad ku yarayn karto baruurta caloosha
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Dufanka caloosha ayaa ah walaac ku badan dhalinyarada ka welwelsan muuqaalkooda iyo caafimaadkooda.
Dad badan ayaa gymka aada si ay u yareeyaan baruurta
caloosha, laakiin qaarkood dhab ahaantii dheg uma dhigaan waxa loo baahan yahay
in la sameeyo.
Dufanka caloosha ayaa ah walaac ku badan dhalinyarada ka
welwelsan muuqaalkooda iyo caafimaadkooda.
Dufanka ku uruuray calooshooda awgiis ma xiran karaan dhar
raaxo leh oo iyaga ku habboon.
Dhibaatadani kaliya maaha xirashada dharka aad jeceshahay.
Waxa la caddeeyey in dufanka calooshu uu khatar caafimaad keeni karo.
Xayrtaasi waxay sababi kartaa dhibaatooyin caafimaad oo
badan oo halis ah, oo ay ku jiraan dhiig karka, sonkorta dhiigga oo kacda, iyo
dhibaatooyinka kolestaroolka.
Cuduradani waxay ka yimaadaan baruurta ku taal aagga
caloosha.
Waxa kale oo ay kordhisaa halista nooca 2-aad ee sonkorowga
iyo cudurrada wadnaha.
Dufanka caloosha ayaa sidoo kale soo saara borotiin kale oo loo yaqaan angiotensin. Barootiinkani waxa uu keeni karaa in xididdada dhiigga ay yaraadaan iyo dhiig karka.
Si loo yareeyo dufanka caloosha, waxaa muhiim ah in diirada
la saaro qodobbada muhiimka ah qaarkood.
1. Wakhtiga u dhexeeya cashada iyo wakhtiga jiifka
Laguma talin in aad wax cunto laba ilaa saddex saacadood ka
hor hurdada. Kaloriyada cuntada la isticmaalo maalintii waxaa loo beddelaa
tamar hawl maalmeedka.
Si kastaba ha ahaatee, cuntooyinka la isticmaalo fiidkii uma
shaqeeyaan si la mid ah wakhtiyada kale.
Sidaa darteed waxay bilaabi doonaan in dufan lagu kaydiyo
jirka, waxayna u horseedi doonaan koror miisaan.
2. Qaado cunto dheeli tiran
Markaad isticmaasho cuntooyinka hodanka ku ah fiber-ka, si
degdeg ah uma gaajoon doontid.
Haddii cuntadaadu ka kooban tahay fiber, marinka cuntada ee
calooshaada ilaa xiidmahaaga waa is dhimi doonaa. Tani waxay kuu ogolaanaysaa
inaad dheregsanaato muddo dheer.
Ku dar borotiinka cuntadaada. Waxay kaa dhigaysaa inay
dhereg ku hayso waqti dheer, waxayna yaraynaysaa rabitaanka cuntada fudud.
Ku dar cuntooyinka hodanka ku ah borotiinka sida ukunta,
misirta, caano, farmaajo, caano fadhi, kalluunka, iyo digaaga, cuntadaada
maalinlaha ah.
3. Ka fogow cuntooyinka sida aadka ah loo warshadeeyey ee
Carb ku badan yahay
Xildhibaanada xisbiga Dimuqraadiga ee Maraykanka ayaa walaac weyn ka muujiyay xaaladda markabka diyaaradaha dagaalka qaada oo muddo dheer ku sugan Bariga Dhexe.
Waxay sheegeen in wararka ku saabsan yaraanta sahayda, tuubooyinka biyaha ee ciladaysan iyo dhibaatooyin kale oo ka jira markabka USS Abraham Lincoln ay yihiin wax aan la aqbali karin.
Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen daal xad-dhaaf ah iyo shaqo-gubasho, iyadoo la soo sheegay in qaar ka mid ah askarta adeegga ku jirta ay isku dayeen inay badda isku tuuraan.
Xoghayaha Difaaca, Pete Hegseth, ayaa sheegay in xaaladda markabka Abraham Lincoln si “gebi ahaanba khaldan” loo soo bandhigay.
Markabku wuxuu badda ku jiray tan iyo bishii Nofeembar ee sannadkii hore.
War deg deg ah, Puntland oo dowladda Federaalka ku eedeesay in ay colaad ka hurineyso Gaalkacyo
Puntland oo war qoraal ah saartay ayaa markale dowladda Soomaaliya ku eedeesay in ay qorsheeneyso hurin colaad, iyada oo lagu yiri qoraalka " Madaxweynihii Hore ee dowladda Federaalka ah, Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu weli ku howlan yahya abaabulka colaad ka dhan Puntland", waxaana intaas lagu daray Puntland waxa ay si dhaw ula socotaa abaabullada qorsheeysan ee uu Xasan Sheekh Maxamuud ka wado waxayna ka digaysaa qorshaha safarka Xasan Sheekh ku imaanayo Koofurta Gaalkacyo ee Galmud". Puntland ayaa safarka ujeedkiisa ku sheegtay "mid looga golleeyahay in fidno iyo colaad looga abuuro magaaladaas".
Dhanka kale Dowlad-goboleedka
Galmudug oo warka ka soo baxay Puntland lagu soo hadalqaaday ayaa dhankooda
ganafka ku dhuftay dhiillada colaadeed ee laga dardaarweriyey.
Wasiirka Madaxtooyada
Galmudug Maxamed Faarax Talyaani oo BBC-da la hadlay ayaa beeniyey warka
sheegaya in colaad laga abaabulayo magaalada Gaalkacyo, mar ka jawaabayey waxa uu yiri "waxaa rabaa inaa kuu caddeeyo in aysan sal iyo raad toona lahayn eedeymaha ay xambaarsan tahay, Galmudug waxa ay kamid tahay JDFS madaxweynaha guud ahaan dalka ayuu madax ka yahay, booqashadiisuna waxaa filayaa in aysan ahayn ceebeyn iyo hawlo kale la socdaan".
"Gaalkacyo ma jiraan wax dhiillo colaadeed ah oo ka jira" ayuu hadalkiisa sii raaciyey, isaga oo sheegay in uu hadda ku sugan yahay isla magaalada, inkasta oo aysan BBC-du si madax bannaan u xaqiijin karin arrimahaas.
Dhanka booqashada ayuu wasiirku ka hadlay isaga oo tilmaamay
in ay tahay mid aan wax shaqo ah ku lahayn waxa ay Puntland ku tilmaamtay. “Madaxweynaha
booqashadiisu waxa ay la mid tahay kuwo uu uu tago meelo kale oo dalka, Galmudugna
cid ay maanta marti uga tahay cidda inay maryigeliso madaxda qaranka oo ugu
horreeyo madaxweynuhu in aysan jirin baa rabaa inaa kuu caddeeyo, xudduudaheeda
iyo deegaannadeedana iyadaa ka Talisa”, ayuu yiri wasiir Talyaani.
Maaha warqaddii ugu horreysay ee kasoo baxday Puntland,
waxaana jiray in dhowrjeer oo hore ay ku eedeysay dowladda in ay qeyb ka qaadaneyso dagaallo ka dhacay meelo kamid ah maamulkaasi.
War deg deg ah, Dowladda Japan oo roobabka kasoo saartay heerka ugu sarreeya digniinaha dalkaas
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Dad
Roobabkii xoogga badnaa ee Khamiistii ayaa ku qasbay
Hay’adda Saadaasha Hawada Japan inay soo saarto Digniinta Degdegga ah ee
Heerka 5, taas oo ah heerka ugu sarreeya ee nidaamka digniinta dalka.
Ciidamada Is-difaaca Japan ayaa saaka loo diray inay gacan
ka geystaan daadgureynta dadka ku xayirmay saldhigyada tareennada.
Qiyaastii 1,800 qof ayaa sidoo kale habeenkii ku
hoyday dhismaha maamulka gobolka Chiba, kadib markii ay roobabka joojiyeen isu-socodka
iyo adeegyada gaadiidka.
War deg deg ah, Afar qof ayaa ku dhintay roobab waaweyn oo ka da’ay Japan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Roobab aan hore loo arag oo ka da’ay gobolka Chiba ee Japan
ayaa sababay dhimashada afar qof, halka kumannaan qof ay habeenkii ku xayirmeen
garoonka diyaaradaha Narita ee magaalada Tokyo.
Maamulka ayaa sheegay in gobolka Chiba oo ku dhow caasimadda
Tokyo uu tan iyo galabnimadii Khamiista ka da’ayeen roob ka badan 100
millimitir saacaddii.
Tani waxay ku dhowdahay saddex jeer celceliska roobabka
bisha Agoosto, waxayna noqotay roobkii ugu badnaa ee abid laga diiwaangeliyo
dalka Japan.