TOOS, Dagaalka Yemen ayaa sii xoogeystay

Dagaal aad u weyn ayaa ka socda Koonfur Galbeed Yemen kaas oo u dhexeeya Xuutiyiinta iyo dowaldda Yemen. WFP ayaa maanta sheegtay in gaajada ka jirta Yemen ay sii kordheyso iyadoo tiro aan hore loo arag aysan awoodin in ay helaan cuntooyinka ay u baahan yihiin.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Dalalka xubnaha ka ah heshiiska Difaaca Makah ayaa kulan degdeg ah yeelanaya

    Heshiiska Makah

    Wasiirka arrimaha dibadda Pakistan, Ishaq Dar, ayaa ku dhawaaqay maanta kulan degdeg ah oo ay isugu imaanayaan “Guddiga istaraatiijiyada siyaasadeed iyo difaaca heshiiska Makah”.

    Kulanka ayaa la sheegay in diiradda lagu saarayo weerarada Xuutiyiintu ku qaadeen Sacuudiga.

    Mr. Dar ayaa u sheegay wariyayaasha in kulanka la qabanayo toddobaadka dambe.

    Dalalka Pakistan, Turkiga iyo Sacuudiga ayaa wada-galay bishii Agoosto “heshiis wadajir ah” oo loo yaqaan Heshiiska Makah, toddobaadyo ka hor intii aysan Xuutiyiintu Yemen weerarka ku soo qaadin Sacuudiga.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  2. Dalalka G7 ayaa fasaxay 100 milyan oo barmiil oo naafto ah

    Madaxda dalalka G7

    Kaddib kulan ay yeesheen hoggaamiyeyaasha dalalka G7, waxay go’aansadeen in ay fasaxaan 100 milyan oo barmiil oo ah shidaalka keydka.

    Kooxdu waxay sheegtay in ay “isku raaceen tallaabooyin isku xiran oo wax looga qabanayo sahayda tamarta ee degdegga ah si qoysaska iyo ganacsiyada looga ilaaliyo in ay la kulmaan koror lama filaan ah.”

    Sidoo kale waxay dalalka G7 “isla socodsiinayaan jadwalka dayactirka warshadahooda sifeeynta shidaalka si looga hortago in awoodda wax soo saarku isku mar ay istaagto”, ayaa lagu sheegay hadalka ka soo baxay dalalkaas.

    Kooxdu waxay sheegtay in ay sidoo kale dhiirrigelinayaan wada-shaqayn lala yeesho dalalka leh awood weyn oo ay shidaal ku sifeeyaan, “si kor loogu qaado wax-soo-saarka caalamiga ah ee shidaalka la sifeeyay, gaar ahaan naaftada.”

    Madaxda dalalkan waxay sidoo kale mar kale xaqiijiyeen in ay ka go’an tahay in laga fogaado xannibaadaha dhoofinta ee badeecooyinka tamarta ee u dhexeeya dalalka G7.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  3. WFP: Gaajada ka jirta Yemen ayaa gaartay heer aan hore loo arag

    Dagaalka Yemen

    Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada ee WFP ayaa maanta sheegtay in gaajada ka jirta Yemen ay sii kordheyso iyadoo tiro aan hore loo arag aysan awoodin in ay helaan cuntooyinka ay u baahan yihiin.

    Dagaalka hadda ka socda Yemen waa kii ugu darnaa ee u dhexeeya Xuutiyiint iyo Sacuudiga ilaa markii xabadjoojinta lagu heshiisyay sanadkii 2022-kii. Dagaaladii u dambeeyay waxaa ku barakacay kumanylaal.

    Matthew Hollingworth oo ah ku xigeenka madaxa fulinta barnaamijka cuntada adduunka ayaa sheegay in toddobaadyo gudahood tiro badan oo dad ah aysan heli doonin cuntooyinka ay u baahan yihiin. Inta badan dadkaas ayuu sheegay in ay joogaan dhulka ay dowladda maamusho.

    Matthew Hollingworth wuxuu kaloo sheegay in afartii qof ee ka tirsan hal qoys saddex ka mid ah ay cuntooyinka u gooyaan. Dadka ku nool dhulka ay dowladda maamusho ayaa lagu qiyaasay 10 milyan.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  4. Muuqaalka “Shahid daroon” iyo fariin hanjabaad oo ku socota Imaaraatka ayaa lagu qoray meel u dhow safaaradooda Tehran

    Droneska Iran

    Sida ay sheegeen warbaahinta Iran, sawirka diyaaradda aan duuliyaha lahayn "Shahed" ee Iran ayaa lagu arkay darbi u dhow dhismaha safaaradda Imaaraatka ee magaalada Tehran. Muuqaalka waxaa la raaciyay fariin af-ingiriis ku qoran oo oraneysa sidan, “Codkan wuxuu ka dhow yahay sida aad u maleyneysaan”. Waxaan la raaciyay qoraal kale oo ah “Habeen wanaagsan Emirates”.

    Weli ma cadda cidda ka dambeysay sawirkan darbiga lagu qoray, mas'uuliyiinta Iran kama hadal arrintan.

    Sawirka ayaa darbiga lagu qoray xilli ay bilihii u dambeeyay sii kordhayeen xiisadaha u dhexeeya Iran iyo Imaaraatka Carabta. Imaaraatka ayaa xiray safaaradooda Tehran 1-dii Maarso, waxayna u yeereen safiirkooda iyo shaqaalaha diblomaasiyadeed kaddib markii Iran ku weerartay gantaallo. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraatka ayaa weeraradaas ku tilmaantay "xad-gudub cad" oo lagu sameeyay madax-bannaanideeda.

    Xiisadaha ayaa sidoo kale toddobaadyadii u dambeeyay saameeyay dhinacyada dhaqaalaha iyo gaadiidka. Bishii Sebtembar, Bangiga Dhexe ee Imaaraatka wuxuu mamnuucay dhammaan laamaha Bangiga Qaranka Iran in ay la macaamilaan.

    Imaaraatka waxay kaloo joojiyeen dhammaan duullimaadyada dalkooda ka baxaya ee tagaya Iran iyo kuwa ka imaanaya Iran ilaa amar dambe.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  5. Dagaalka ka socda agagaarka magaalada Taciz ayaa sii xoogeysatay

    Dagaalka Yemen

    Dagaal aad u weyn ayaa ka socda Koonfur Galbeed Yemen kaas oo u dhexeeya Xuutiyiinta Iran taageerto iyo ciidamada Sacuudigu taageeraan ee dowladda caalamku aqoonsan yahay.

    Ku dhawaad 80 dadka dagaalka ku jiray ayaa la aaminsan yahay in ay shalay dhinteen. Hareeraha magaalada Taciz ayaa ah meelaha ugu daran ee dagaalka ka socda, wuxuuna ku fiday dagaalka dhulka buuraleyda ah ee ka sareeya Badda Cas.

    Hay’adda Qaramada Midoobay ee WFP ayaa ka digtay in ay gaajado kordheyso iyadoo dad aad u badan aysan awoodin in helaan cuntada ay u baahan yihiin.

    Qaramada Midoobay waxay sheegtay in bilihii la soo dhaafay ay dagaalka ka qaxeen 150 kun dad gaaraya.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  6. Qiimaha naaftada UK ayaa heerkii ugu sareeyay gaartay

    Sicirka shidaalka gaar ahaan naaftada

    Celceliska qiimaha naaftada ee UK ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay abid, sida ay sheegtay hay’adda gaadiidka ee RAC. Markii ugu horeysay halkii liitar oo naafto ah ayaa noqday £2.

    Qiimo kororkan ayaa soo baxay kaddib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in uu ka dalbanayo dalalka Yurub in ay fasaxaan keydka naaftada maadama uu isaga joojinayo naaftada uu dhoofiyo.

    Tallabadan ayaa hoos u dhigtay qiimaha naaftada gudaha Mareykanka balse khubaradu waxay ka digeen in ay cadaadis saareyso dalal kale maadama uu sii socdo dagalka Iran.

    Wasiirka gaadiidka UK Keir Mather ayaa sheegay in keydka UK uu xooggan yahay isla markaana wadanku leeyahay ilo sahay oo kala duwan.

    Kalluumaysatada ayaa sheegaya in ay suuragal tahay in ganacsigooda joogsado haddii dowladda aysan ka caawin kharashaadka shidaalka.

    Malaayiin qof oo ku nool UK ma kaxeeyaan baabuur naafto ku shaqeysa. Qaar badan xitaa gaari ma kaxeeyaan.

    Laakiin qiimaha kordhay qof kasta ayuu saameynayaa. Naaftada waxaa si weyn loogu isticmaalo beeraha, iyo gaar ahaan, gaadiidka xamuulka oo inta badan cuntada lagu geeyo dalka oo dhan.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  7. Dowladda Faransiiska ayaa isku dayaysa in ay soo afjarto dibadbaxyada.

    Dibadbaxyda Faransiiska

    Wasiirka Tacliinta Sare ee Faransiiska ayaa ku dhawaaqay in uu sii wadi doono wadahadallada uu la leeyahay wakiillada ardayda si loo soo afjaro dibadbaxyada dalka oo dhan ka socda ee ku saabsan xaaladaha dugsiyada.

    Philippe Baptiste ayaa ku dhawaaqay in uu maanta oo jimce ah la kulmi doono dadka dibadbaxa dhigaya si ay uga wada hadlaan dalabaadkooda ah in dhaqaalo badan loo weeciyo dhanka tacliinta. Wuxuu sidoo kale cambaareeyay rabshadaha dhacay intii dibadbaxyadu socdeen.

    Dugsiyo ka badan 400 oo ku yaal dalka oo dhan ayaa maanta xiran kaddib dibadbaxydaas, sidoo kale 40 jaamacadood ayey arrintan saameyn ku yeelatay.

    Booliska ayaa khamiistii xiray 2,000 oo qof mar ay ardaydu xireen iridaha laga galo iskuul.

    Ardayda ayaa ka cabanayay fasalo buux dhaafay iyo xarumo waxbarasho oo burbursan. Ugu yaraan labo iskuul ayaa dab la qabadsiiyay intii ay socdeen dibadbaxyda.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  8. Ciidamada Yemen ayaa sheegay in ay duqeeyeen fariismaha Xuutiyiinta ee Taciz

    Dagaalka Yemen

    Afhayeen u hadlay milateriga Yemen ayaa sheegay in diyaaradaha dagaaalka ee dalka ay fuliyeen maanta 20 weerar oo cirka ah. Afhayeenku wuxuu sheegay in ay duqeeyeen fariismo ciidan, gawaari dagaal iyo qalab milatari oo Xuutiyiintu leeyihiin kuwaas oo yaalay magaalada Taciz.

    Weeraradan ayaa dhacay xilli uu dagaalka u dhexeeya Sacuudiga iyo kooxda Xuutiyiinta ee Iran taageerto ay gaareen heerarkii ugu darnaa tan iyo markii la hirgeliyay heshiis xabbad-joojin ah oo ay Qaramada Midoobay taageertay sanadkii 2022-kii. Hehsiiska xabad-joojinta ayaa hakiyay weerarada labada dhinac.

    Hadii Xuutiyiintu ay qabsadaan xukunka magaalada Taciz ee koonfurta Yemen, waxay kordhinayaan saameyntooda Badda Cas iyagoo kaddibna si fudud ku gaaraya dekadda magaalada Cadan oo ah halka ay dowladda Yemen deggan tahay.

    Dagaalkan hadda socda ayaa keenay in kumanyaal ay qaxaan. Sidoo kale dagaalka wuxuuna beddeli karaa xaaladda gacanta ku haynta gobollo kala duwan oo Yemen ka tirsan, taas oo saameyn ku yeelan doonta waddooyinka maraakiibta ee Badda Cas iyo marinka Baab al-Mandab.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  9. Maxay Pakistan iyo Qadar ka yiraahdeen weerarka la sheegay in gu qaaday Madiina?

    Weerarka ayaa la sheegay in lagu qaaday xarun qeybisa korontada
    Qoraalka sawirka, Weerarka ayaa la sheegay in lagu qaaday xarun qeybisa korontada

    Isbahaysiga milatari ee taageera dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa Xuutiyiinta ku eedeeyay inay 29-kii Sebtembar 2026 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weerareen xarun qaybisa korontada oo ku taalla magaalada Madiina.

    Sida ay ku warantay qeybta Carabiga ee BBC, afhayeenka isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudigu, Major General Turki al-Maliki, ayaa sheegay in xarunta korontada la weeraray 5:11 subaxnimo. Isbahaysigu wuxuu sheegay in baaritaan iyo qiimeyn lagu sameeyay burburka diyaaraddii aan duuliyaha lahayn ay ku ogaadeen in weerarka Xuutiyiintu ka dambeeyeen.

    War-saxaafadeedka ayaa sheegay in weerarku uu curyaamiyay xarun koronto, balse uusan saameyn ku yeelan gudbinta korontada. Isbahaysiga Sacuudigu wuxuu sidoo kale sheegay in xarunta la beegsaday ay qayb ka ahayd nidaamka korontada siiya Masjidka Nabiga ee Madiina.

    Pakistan ayaa si adag u cambaareysay weerarka. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan waxay sheegtay in weerarka lagu qaaday kaabayaasha korontada ee rayidka ah ee korontada u qeybiya Masjidka Nabiga uu yahay daandaansi culus, isla markaana uu walaac iyo murugo weyn ku abuurayo malaayiin Muslimiin ah oo dunida ku nool.

    Pakistan waxay sidoo kale sheegtay in xurmada labada Masjidka ee barakeysan iyo badbaadada dadka cibaadaysanaya iyo xujeyda ay tahay in mar walba la dhowro.

    Qatar ayaa iyaduna cambaareysay weerarka, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar sheegtay in weerarku yahay mid halis ku ah xurmada goobaha barakeysan ee Islaamka, isla markaana uu si cad u hurinayo dareenka Muslimiinta.

    Qatar waxay sidoo kale sheegtay in weerarka uu muujinayo ixtiraam-darro weyn oo loo hayo nolosha dadka rayidka ah, isla markaana uu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida Sacuudiga iyo sharciga caalamiga ah.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar waxay ku baaqday in falalka noocan ah ee masuuliyad-darrada ah si degdeg ah loo joojiyo.

  10. Xiisadda Itoobiya iyo Eritrea oo cirka isku shareertay xili dhawaan uu Maraykanka Eritrea ka qaaday Cunaqabateyntii saarnyed

    Trump iyo Afwerki
    Qoraalka sawirka, Trump iyo Afwerki

    Dawladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay xidhayso safaaraddeeda ku taalla caasimadda Eritrea ee Asmara, iyadoo sidoo kale amar ku siisay 10 diblomaasi oo Eritrean ah inay dalka uga baxaan muddo 48 saacadood gudahood ah.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa sheegtay in tallaabadan ay timid kaddib waxa ay ku tilmaantay falal "gardarro iyo dhibaateyn" ah oo Eritrea ay si toos ah iyo si dadban ugu kacday.

    Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in toban diblomaasi lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen hawlo khatar ku ah amniga qaranka Itoobiya.

    Dhanka kale, maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in cunaqabatayntii lagu soo rogay Ciidamada Difaaca Eritrea iyo qaar ka mid ah hay'adaha dalkaas la qaaday. Go'aankan ayuu Mareykanku ku dhawaaqay dabayaaqadii Septembar.

    Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli dagaalka Bariga Dhexe uu sii xoogeysanayo, isla markaana indhaha caalamku ay kusii jeedaan dhinaca Badda Cas.

    Eritrea waxay leedahay xeeb dheer oo ku taalla Badda Cas, xeebteeduna waxay ka soo horjeeddaa Sacuudiga.

    Sida ay sheegeen falanqeeyayaal, xeebta dheer ee dalka iyo halka uu ku yaallo oo ah mid ka mid ah marinnada ugu waaweyn ee maraakiibta ganacsiga ee dunida, Badda Cas, taas ayaana kordhisay muhiimadda istiraatiijiyadeed ee Eritrea.

    Falanqeeyayaashu waxay sidoo kale, sheegayaan in tallaabadani ay Mareykanka u furi karto waddo cusub oo uu xiriirka Eritrea kusii wanaajinayo.

    Maxaa cunaqabatayn loogu soo rogay Eritrea?

    Cunaqabataynta Mareykanka uu saaray Eritrea waxay la xiriirtay ku lug lahaanshaha Eritrea ee dagaalkii laba sano socday ee ka dhacay gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya, kaas oo bilowday 2020-kii.

    Dowladda Mareykanka, xilligii maamulka madaxweynihii hore Joe Biden, ayaa sannadkii 2021 go'aan ka gaartay dagaalka Eritrea iyo Itoobiya. Xilligaas, ciidamada Eritrea waxay taageereen dowladda Itoobiya, waxayna dagaal la galeen ciidamada maamulka gobolka Tigray.

    Mareykanka ayaa markaas cunaqabatayn ku soo rogay ciidamada Eritrea iyo saraakiil dowladeed oo dhowr ah, oo uu ku jiray xisbiga talada haya.

  11. Ciidanka Yemen oo sheegay inay ka hortageen diyaarado aan duuliye lahayn oo Xuutiyiintu ku weerareen Cadan

    Ciidanka Yemen oo sheegay inay ka hortageen diyaarado aan duuliye lahayn oo qaraxyo xambaarsanaa, kuwaas oo kooxda Xuutiyiintu ku weerareen hawada sare ee magaalada Cadan.

    Afhayeen u hadlay ciidamada qalabka sida ee Yemen ayaa sheegay, in difaaca cirka ee dalka uu qabtay oo uu soo riday diyaarado aan duuliye lahayn oo walxaha qarxa xambaarsanaa, kuwaas oo Xuutiyiintu ku soo direen hawada magaalada Cadan, caasimadda Yemen, ka hor inta aysan beegsan goobaha ay rayidku deggan yihiin.

    Ciidanka Yemen ayaa sheegay in ciidamadoodu ay weli ku jiraan heegan buuxa, isla markaana ay si buuxda ugu diyaar garoobeen inay ka hortagaan khatar kasta oo loo geysto shacabka iyo kaabeyaasha muhiimka ah.

  12. Tartanka hubka: 10-ka dal ee hubka ugu badan soo dejista Afrika ee ka hooseysa Saxaraha

    Hub
    Qoraalka sawirka, Hub

    Inkasta oo dalalka Afrika ee hubka dibadda kala yimaado ay hoos u dhaceen qiyaastii -41%, sida lagu sheegay warbixinta Machadka Cilmibaarista Nabadda Caalamiga Stockholm ee loo soo gaabiyo SIPRI hadana dalalka Afrika ee ka hooseeya Saxaraha way kordhiyeen.

    Waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa 10-ka dal ee ka hooseeya Saxaraha Afrika ee hubka ugu badan soo dajista kuna jira liiska SIPRI.

    Dalal ay ka mid yihiin Nigeria, Senegal iyo Mali ayaa ka mid ah dalalka hub badan dibadda kala yimid taas oo saamiga gobolka gaarsiisay 13%, sida ay sheegtay SIPRI.

    10-kan waddan waxaa lagu saleeyay jawaabaha uu bixiyay khabiirka Dr. Mathew George, oo ah agaasimaha Barnaamijka Hubka ee SIPRI.

    Nigeria;Nigeria waxaa loo arkaa dalka ugu horeeya gobolka ee hub soo iibsashada. Qiyaastii 16 boqolkiiba hubka gobolka la keenay waxaa la yimid Nigeria. Hubka ay la soo degtay Nigeria noocyada ugu badan waa diyaaradaha dagaalka, helikobtaro, gawaarida gaashaaman, maraakiib iyo drones.

    Nigeria waxay hubka ka soo iibsatay meelo kala duwan oo hal dal kama aysan keensan. Waxaana ka mid ah dalalka ay hubka ka soo iibsatay Turkey, Kuuriyada Koonfureeda, Shiinaha, Netherlands, France, Italy, Brazil, Mareykanka, Ruushka, Koonfur Afrika, Pakistan, Canada, Sacuudiga, Austria iyo Malaysia. Waxay la timid lix meelood meel hubka ay keensadeen dalalka Afrika ee ka hooseysa Saxaraha.

    Senegal: Senegal waxay sameysay horumar muuqda oo dhinaca awoodda militariga ah, iyadoo maalgelisay 298.46 milyan. Dalabkeeda hubka waxaa lagu qiyaasay 8.8% hubka ay soo iibsatay.

    Waxay noqotay waddanka labaad ee ugu weyn gobolka dhinaca soo dejinta hubka, iyadoo iibsatay maraakiib ciidan iyo kuwa gantaallada. Waxaa loogu talagalay ilaalinta xeebaha iyo kormeerka shidaalka iyo gaaska badda hoosteeda, iyo sidoo kale diyaarado loogu talagalay ilaalinta hawada dalka.

  13. Ilhaan Cumar oo ka hadashay dagaalka Itoobiya ee sii xogeysaneysa iyo duqeyntii dhacday

    Ilhaan
    Qoraalka sawirka, Ilhaan

    Bayaankayga aan la wadaagay Xildhibaanada Kongareeska Jim McGovern iyo John Garamendi:

    Xildhibaanadda Ilhaan Cumar ayaa ka hadashay rabshadaha sii xoogeysanayay ee ka socda dalka Itoobiya.

    Qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay ku sheegtay inay ka walaacsan tahay colaadda sii xoogeysaneysa ee ka socota waqooyiga Itoobiya.

    “Waxaan si weyn uga walaacsannahay rabshadaha sii kordhaya ee Itoobiya, oo ay ku jirto duqeyntii ciidamada Itoobiya toddobaadkii hore ay ku qaadeen kolonyo gargaar u waday gobolka Tigray”, ayay tiri.

    “Heshiiskii Pretoria ee 2022-kii, kaas oo soo afjaray dagaalladii ka socday waqooyiga Itoobiya, wuxuu dhammaan dhinacyada ku waajibiyey inay joojiyaan colaadda, ilaaliyaan dadka rayidka ah, oggolaadaan in gargaarka bani’aadantinimo uu gaaro dadka ay dhibaatadu saameysay, isla markaana ay sameeyaan hannaan dhammaystiran oo caddaalad ku-meelgaar ah si loola xisaabtamo dadka mas’uulka ka ah xadgudubyada iyo ku tumashada xuquuqda aadanaha. Nasiib darro, heshiiskan si buuxda looma dhowrin, shuruudihii lagu heshiiyeyna lama fulin”, ayay tiri.

    Colaaddan sii kordheysa waxay khatar ku tahay dalka oo dhan iyo guud ahaan gobolka, kaas oo weli la daalaa dhacaya saamayntii dagaalkii hore ee waqooyiga Itoobiya iyo colaadda ba’an ee Suudaan. Dadka rayidka ah ee caadiga ah ayaa ah kuwa ugu badan ee dhibaatadu soo gaareyso, ayay ku tiri qoraalkeeda.

    “Waxaan dhammaan dhinacyada Itoobiya ugu baaqeynaa inay si degdeg ah ugu laabtaan wada-hadallada nabadda, isla markaana ay gutaan waajibaadkooda ku xusan Heshiiska Pretoria. Dalalka deriska la ah Itoobiya iyo beesha caalamkuna waa inay ka shaqeeyaan dejinta xiisadaha iyo fududeynta nabadda”, ayay intaas raacisay.

    Waxaan sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ugu baaqeynaa inay la shaqeyso dhammaan dhinacyada si loo soo afjaro rabshadaha, isla markaana lala xisaabtamo dadka mas’uulka ka ah. Shacabka Itoobiya waxay mudan yihiin nabad iyo caddaalad, ayay tiri Ilhaan.

  14. Xuutiyiinta oo lagu eedeeyay in ay weerareen xarun qaybisa korontada oo Madiina ku taalla

    Madina

    Isbahaysiga Milatari ee uu Sacuudigu Hoggaamiyo oo Xuutiyiinta ku eedeeyay weerar drone ah oo lagu qaaday saldhig koronto oo Madiina ku Yaalla

    Isbahaysiga milatari ee taageera dawladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa Xuutiyiinta ku eedeeyay in ay drone ku weerareen xarun qaybisa korontada oo ku taalla Madiina, Sacuudi Carabiya.

    Afhayeenka isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo, Major General Turki Al-Maliki ayaa sheegay in weerarku dhacay 5:11 subaxnimo, 29-kii Sebtembar 2026.

    Bayaan uu ku daabacay baraha bulshada, gaar ahaan X, Al-Maliki wuxuu sheegay in baadhitaan ay sameeyeen hay’adaha ay khusayso iyo caddaymo laga helay goobta ay muujinayaan in maleeshiyaadka Xuutiyiinta ay ku lug lahaayeen qorshaynta iyo fulinta weerarka.

    Isbahaysigu wuxuu sheegay in natiijadan lagu gaadhay kaddib markii la baadhay dhacdada iyo burburka drone-tii loo adeegsaday weerarka.

  15. Qaani: Dalalka gobolku ha joojiyaan dagaalka, Sacuudiguna lacagta ha ku bixiyo Gaza halkii uu ku bixin lahaa dagaalka Yemen

    Esmail Qaani

    Taliyaha Ciidanka Qudus ee Ilaalada Kacaanka Iiraan, Esmail Qaani ayaa khudbad uu dhowaan jeediyay ugu baaqay dalalka gobolka in ay joojiyaan dagaallada, isla markaana waxa uu ugu yeedhay “tamarta dunida Islaamka” in loo weeciyo caawinta Gaza iyo ka hortagga Israa'iil.

    Muuqaal la sii daayay ayaa muujinaya xilli sheegayay in Sacuudi Carabiya ay toddobaadyadii u dambeeyay ku bixisay $10 bilyan sidii ay uga hortagi lahayd Xuutiyiinta. Qaani ayaa su’aal ka keenay sababta lacagtaas aan loogu adeegsan taageerada iyo gargaarka Gaza.

    Qaani ayaa sidoo kale ku baaqay in la soo afjaro dagaallada gobolka iyo in dalalka Muslimiinta ah ee ku yaalla Gacanka Faaris ay mideeyaan mowqifyadooda.

    Khudbadda ayaa u muuqata in laga jeediyay munaasabad lagu xusayay sannad-guurada dilkii Hassan Nasrallah, hoggaankii hore ee Xisbullah.

  16. War deg deg ah, Markab shidaal oo lagu weeraray Marinka Hormuz

    Ururka Hawlaha Ganacsiga Badda ee UK ayaa sheegay in sida uu ka helay xog dhinac saddexaad ah, markab shidaal qaada lagu dhuftay wax aan la aqoonsan oo lagu soo riday xilli uu marayay Marinka Hormuz, kaddibna uu dab qabsaday.

    UKMTO ayaa xaqiijisay in dhammaan shaqaalaha markabka ay nabad qabaan.

    Si kastaba ha ahaatee, waqtigii warbixinta la soo saaray lama xaqiijin heerka uu gaadhsiisan yahay khasaaraha markabka iyo in dhacdadani ay keeni karto waxyeello deegaan.

  17. Cabbaas Araghchi: Si amniga Gacanka Faaris loo soo celiyo, Mareykanku waa in uu joojiyaa faragelintiisa

    Abbas Araghchi

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Cabbaas Araghchi ayaa sheegay in Mareykanku ay tahay in uu joojiyo waxa uu ku tilmaamay “falal sharci-darro ah” si dib loogu soo celiyo amniga Gacanka Faaris.

    Araghchi ayaa hadalkan sheegay intii uu khadka taleefanka kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Japan, Toshimitsu Motegi. Wuxuu sheegay in amni-darrada ka sii jirta Marinka Hormuz iyo Gacanka Faaris ay “ ka dhalatay tallaabooyinka gardarrada iyo faragelinta ah ee Maraykanka.”

    Wasiirka Iiraan ayaa carrabka ku adkeeyay in sida keliya ee amniga dib loogu soo celin karo ay tahay in la joojiyo waxa uu ugu yeedhay “falalka sharci-darrada ah” ee Mareykanka.

    Araghchi ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay leeyihiin dhexdhexaadiyeyaasha sidii loo horumarin lahaa dadaallada diblomaasiyadeed.

  18. Sacuudi Carabiya oo Dawladda Yemen siisay $60 Milyan oo Gargaar ah si ay ula Dagaallanto Xuutiyiinta

    Sacuudi Carabiya ayaa dawladda Yemen siisay iin ka badan milyan oo Doollar si ay ula dagaallanto Xuutiyiinta.

    Danjiraha Sacuudi Carabiya u fadhiya Yemen, Mohammed Al-Jaber, ayaa sheegay in kaalmadan loogu talagalay “taageeridda socodka lacagta dawladda, siyaasadaha maaliyadeed iyo awoodda wax-iibsiga ee shacabka Yemen.”

    Danjiraha Sacuudiga ee Yemen ayaa sidoo kale Khamiistii qoraal uu ku daabacay barta X ku sheegay in dalkiisu uu dawladda Yemen siiyay qayb cusub oo ka mid ah kaalmadan dhaqaale.

    Al-Jaber wuxuu sheegay in lacagta lagu bixiyay amar ka yimid hoggaanka Sacuudiga, iyadoo laga jawaabayo codsi ay soo jeedisay dawladda Yemen.

    Dhawaan, iska horimaadyada u dhexeeya Xuutiyiinta iyo isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ee Yemen ayaa sii xoogaystay.

    Xuutiyiintu waxay gacanta ku hayaan deegaannada Yemen ugu dadka badan iyo qayb weyn oo ka mid ah waqooyiga dalka.

  19. Putin oo muujiyay rajada ah in Marinka Hormuz dib loo furo, isla markaana cunaqabateynta lagu soo rogay Iiraan laga qaado

    Putin

    Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Khamiistii muujiyay rajada ah in Marinka Hormuz uu u sii furnaan doono maraakiibta ganacsiga, isla markaana cunaqabateynta lagu soo rogay Iiraan ugu dambayn laga qaadi doono.

    Sida ay sheegtay Reuters, Putin wuxuu koox khubaro Ruush ah u sheegay in dalabkii dalkiisu ku doonayay in uu Iiraan ka qaabilo uranium-ka la hodmay uu weli jiro, haddii macdantaasi laga saaro dhulka Iiraan.

    Khudbaddiisa uu ka jeediyay kulanka, Madaxweynaha Ruushku wuxuu sidoo kale sheegay in Moscow ay taageersan tahay in dhammaan arrimaha lagu xalliyo si nabad ah.

  20. Muwaadin British-Iraani ah ayaa loo xiray dhacdadii amni ee saldhigga Farford

    Booliiska la dagaallanka argagixisada ee Britain ayaa Khamiista xiray muwaadin haysta dhalashooyinka Britain iyo Iran, iyagoo uga shakisan “diyaarinta falal argagixiso.”

    Xarigga ayaa ka dhacay isagoo qayb ka ah baaritaan ku saabsan dhacdadii amni ee ka dhacday saldhigga Farford ee Britain.

    Shalay, Ra’iisul Wasaaraha Britain, Andy Burnham, ayaa sheegay in dowladdiisu aaminsan tahay in Iran ay “door” ku lahayd dhacdadii amni ee saldhigga Farford.

    Hase yeeshee, Iran ayaa si adag u cambaaraysay wax xiriir ah oo loo sameeyo dhacdada iyo Tehran, waxayna warbaahinta Britain ku eedaysay “Iran-nacayb.”

    Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Abbas Araqchi, ayaa sidoo kale ka falceliyay hadalladii Ra’iisul Wasaaraha Britain Andy Burnham ee ku saabsanaa ku lug lahaanshaha Iran ee dhacdada Farford. Isagoo qoraal uu soo dhigay bartiisa X ku yiri:

    “Ra’iisul Wasaare Burnham wuxuu sheegay in dowladda Britain ay xaqiijin karto inay aaminsan tahay in Iran ay door ku lahayd dhacdadii ka dhacday Saldhigga Ciidanka Cirka ee Royal Air Force ee Farford.”

    Araqchi ayaa qoraalkiisa intaa sii raaciyay:

    “Waxaan sidoo kale xaqiijin karaa in marka laga eego dhinaca Iran, sii daynta dadka lagu sheegay inay yihiin argagixiso xiriir la leh dowlado shisheeye ay wax badan ka sheegayso arrintan. Dembiilaha waxaad ka raadinaysaan meel qaldan.”