Kooxda Xamaas ayaa xaqiijisay inay ka go’an tahay fulinta
heshiiska xabbad joojinta ah ee ay la gashay Israa’iil, iyadoo muujisay sida ay
uga go’an tahay dhaqangelinta heshiiskaas iyo soo celinta dhammaan meydadka lahaystayaaha
Israa’iil ee weli ku sugan Qaza.
Waxay xukuumadda Netanyahu ku eedeysay inay "si buuxda
mas'uul ugu tahay" dib u dhigista geeddi-socodka hanaanka soo celinta
maxaabiista.
War qoraal ah oo la soo saaray gelinkii dambe ee shalay,
ayaa lagu sheegay in soo celinta meydadka la haystayaasha laga yaabo in ay
qaadato muddo,maadaama qaar ka mid ah meydadkan ay ku aasan yihiin godad dhulka
hoostiisa ah la burburiyay, halka qaar kalena ay weli ku hoos jiraan burburka
dhismayaal la duqeeyay oo la burburiyay.
Xamaas ayaa ku celisay eedeynta ah in ciidamada Israa’iil ay
mas’uul ka yihiin dhimashada la haystayaasha iyo in lagu aaso burburka
hoostiisa, waxayna ku nuuxnuuxsatay in soo saarista maydadka haray ay u baahan
tahay qalab lagu nadiifiyo haraadiga burburka o hadda aan la heli Karin, Israa’iilna
ay mamnuucday in ay qalabkaas la soo geliyo marinka.
Waxay intaa ku dartay in hadalada Netanyahu iyo hanjabaada
ah in dib loo dhigo furitaanka isgoyska Rafah iyo in la dhimo gelitaanka
gargaarka bini'aadantinimo "ay ka tarjumayso habka dawladiisa faashiistaha
ah ee lagu ciqaabayo dadkayaga Gaza iyo wax ka qabashada xaaladda bini'aadanimo
si loo gaaro guulo siyaasadeed”.
Dhanka kale, ilo ka tirsan Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa
Khamiistii sheegay in Ankara ay ka qayb qaadan doonto raadinta meydadka la
haystayaasha ee ku hoos jira burburka dhismayaasha Marinka Gaza iyada oo u
diraysa koox takhasus leh.
Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa: