War deg deg ah, Weerarro cusub oo Ruushku ku qaaday Ukraine oo dhaliyay khasaare xooggan

Xigashada Sawirka, Reuters
Mas’uuliyiinta Ukraine ayaa sheegay in ugu yaraan shan qof lagu dilay, in ka badan 10 kalena lagu dhaawacay weerarro cusub oo Ruushku ka fuliyay dalka.
Kadib weerarrada Ruushka, suuq ku yaalla magaalada Kyiv ayaa dab qabsaday.
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa ku eedeeyay Ruushka inuu bartilmaameedsanayo kaabayaasha rayidka. Wuxuu sheegay in weerarradu ay sababeen dab ka kacay meelo kala duwan oo Kyiv ah, oo uu ku jiro suuq buugaagta lagu iibiyo.
Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Moscow ayaa sheegay in habeenkii xalay ay dhaceen mid ka mid ah weerarradii ugu waaweynaa ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ay dhawaan ka fulisay gobolka Moscow. Weerarka ayaa lagu bartilmaameedsaday bakhaar ganacsi.
Mas’uuliyiinta Ruushka ayaa iyaguna sheegay in toddoba qof ay ku dhinteen weerarro ay Ukraine ka fulisay gudaha Ruushka.














