You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Siraha ku qarsoon Qasiiddada Burdaha, kuwaas oo muddo ka badan kun sano dhiirrigelin u ahaa abwaannada curiya gabayada lagu ammaano Nabi Muxammad NNKH
- Author, Omaymah Ashathily
- Role, BBC Carabi, Qaahira
- Published
- Waqtiga akhriska: 8 daqiiqo
Tani ma aha mala-awaal. Waxaa jira gabayo/erayo casri ah oo aan caadi ahayn, dhererkeeduna yahay saacad iyo bar, kuna salaysan 160 bayd oo gabay Carabi ah oo aftahanimo leh. Gabaygani kama hadlayo jacayl ama waddaniyad, balse waa "qoraalka ugu caansan ee lagu ammaano Nabiga Muxammad", waxaana curiyay qof loo yaqaan "Imaamka ammaanta", kaas oo weli si weyn uga dhex muuqda dhaqanka iyo xusuusta Carabta iyo Muslimiinta.
Laga soo bilaabo kulamada gabayada iyo heesaha ee Masar ilaa goobaha dikriga ee Koonfur Afrika iyo Indonesia, iyo laga soo bilaabo qoraalladii gacanta lagu qoray ee maktabadihii Cusmaaniyiinta ilaa duubista casriga ah ee dadka qaada gabayada, magaca Burdaha (Al-Burda) wuxuu si joogto ah uga dhex muuqday dhaqanka Islaamka, si aanay gabayo Carabi oo badan ugu suurtagelin.
Sidaas ayuu Dr. Saaber Xusni, oo ka tirsan Xarunta Caalamiga ah ee Fatwada ee Al-Azhar, ku bilaabay wareysi uu BBC-da siiyey, wuxuu ka hadlay gabay la qoray in ka badan toddobo qarni ka hor, kaas oo magaciisu asal ahaan la xiriiray dhacdo dhacday in ka badan kun sano ka hor, xilligii Nabiga Muxammad laftiisa. Haddaba waa maxay qisadaasi?
Qasiiddadii ugu horreysay
Taariikhdu waxa ay sheegtaaa in Kacab bin Zuhayr bin Abii Sulma uu ahaa gabayaagii ugu caansanaa xilligii Jaahiliyadda. Wuxuu ka soo jeeday qoys si weyn loogu yaqaanay hibada gabayga, rag iyo dumarba. Aabbihii waxaa lagu tilmaamay "gabaygii ugu aftahansanaa xilligii Jaahiliyadda." Gabayada Ka'b waxay saamayn weyn ku lahaayeen Xijaaz, taas oo la barbar dhigi karo saamaynta ay maanta leeyihiin warbaahintu.
Sida ay sheegayaan wararka taariikhiga ah, gabayaagani wuxuu gabayadiisa u adeegsan jiray inuu ku caayo Nabiga Muxammad, isla markaana dadka uga kiciyo Islaamka iyo Muslimiinta. Sidaas darteed, Nabigu wuxuu sheegay in dhiiggiisu bannaan yahay, taas oo macnaheedu ahaa in la dili karo, kaddib qabsashadii Maka.
Walaalkiis Bujayr ayaa warqad u qoray, isagoo kula dardaarmay inuu u tago Nabiga Muxammad oo uu raalli-gelin weydiisto. Wuxuu u sheegay in Nabigu aanu dilin qof kasta oo u yimaada isagoo toobad keenaya; haddii kale, inuu baxsado sida ay yeeleen qaar ka mid ah gabayaagii Maka ee gabayada u adeegsan jiray hurinta colaadda Muslimiinta.
Sidoo kale, taariikhyahannadu waxay sheegayaan in Kacab uu u yimid Nabiga Muxammad, gacantiisana gacanta ku dhigay, isagoo naftiisa qof saddexaad uga hadlayay si uu u ogaado sida Nabigu uga falcelinayo. Markii loo xaqiijiyay nabadgelyadiisa iyo la cafiyayo ayuu isku sheegay cidda uu yahay, kaddibna wuxuu hortiisa ka akhriyey gabay ka kooban 60 bayd, isaga oo cafis weydiisanaya, waxaana gabaygaas erayadiisa oo carabi ah waxa ay ka muuqdaan masawirka hoose
Qisada labaad ee Burdaha
Magaca Al-Burda ama Burdaha wuxuu mar kale ku soo noqday mid si caadi ah u la qabsado carrabka dadka caadiga ah iyo aqoonyahannada, sida shinbirtii Fiiniks oo dambas ka soo dhex kacda. Arrintani waxay dhacday lix qarni oo Hijri ah kaddib geeridii Ibn Zuhayr. Inta muddadaas ah, gabayaayaal badan oo Muslimiin ah ayaa tiriyey gabayo lagu ammaano Nabiga.
Hase yeeshee, gabayga labaad wuxuu ka dhashay xaalad aad uga duwan tii gabayaagii Xijaaziga ahaa ee ka baqayay in seef lagu dilo.
Abwaanka reer Masar, oo ku dhashay magaalada Busayr ee gobolka Banii Suwayf, koonfurta Qaahira, ayaa la sheegay in murugo ay naftiisa gashay kaddib markii jirkiisu ku dhacay curyaannimo, gaar ahaan lugaha, taas oo sariir ku xirtay kana qaaday awooddii dhaqdhaqaaqa.
Markaas ayuu Muxammad bin Saciid Al-Buusiiri tiriyey gabay ka kooban 160 bayd, oo uu ku ammaanayo Nabiga Muxammad, isagoo Alle uga baryaya darajada iyo sharafta Nabiga. Kadib wuu seexday, wuxuuna riyo ku arkay Nabiga, isagoo hortiisa ka akhriyaya gabayga oo u eg Burdihii Kacab bin Zuhayr.
Al-Buusiiri wuxuu sheegay in Nabigu riyada taabtay jirkiisa, markii uu soo toosayna uu cudurkii ka bogsaday. Sidaas awgeed gabayga waxaa loo bixiyay "Al-Bur'ah", oo macnaheedu yahay bogsiinta. Qaar ka mid ah riwaayadaha ayaa sheegaya in Nabigu riyada ugu deeqay maradiisa, sidaas darteedna gabayga loogu bixiyay Al-Burda, oo macnaheedu yahay Qasiiddo, taas oo ka dhigtay Qasiidadii labaad ee taariikhda Islaamka.
Gabaygaas erayada ugu caansan Soomaalida iyo caalamka Islaamkaba waxaa kamid ah:
Ciyaar suugaaneedkii hal-abuurka
Gabayaagu kuma ekaan inay ku daydaan gabayga Al-Buusiiri ee sida weyn loo jeclaaday, balse waxay la galeen waxa Dr. Saaber Xusni ku tilmaamay "tartan suugaaneed adag", kaas oo loo yaqaan Taxmiis iyo Tasbiic.
Dr. Xusni wuxuu BBC-da u sheegay in Taxmiisku yahay marka gabayaa uu qaato hal bayd oo ka mid ah Burdada, dabadeedna ku daro saddex sadar oo isaga u gaar ah, ka dibna uu raaciyo labada sadar ee gabaygii Al-Buusiiri. Sidaas ayay qaybtu ku noqonaysaa shan sadar, iyadoo la ilaalinayo miisaanka gabayga, isku xirnaanta macnaha iyo qaafiyadda suugaanta. Tasbiicuna sidaas oo kale ayuu u dhacaa.
Waxaa la sheegay in qarnigii sagaalaad ee Hijriga, Jamaal Al-Diin Al-Kirmaani uu ururiyay in ka badan 60 gabay oo lagu sameeyay qaabka Taxmiiska ee Burdada.
Waxaa ka mid ah tusaalooyinka ugu caansan ee maanta jira Taxmiiska Ibn Xujjah Al-Xamawi. Dhanka gabayada toddobada sadar ah ee Burdada, waxaa jira "Tafriij Al-Shiddah fi Tasbiic Al-Burda", oo loo nisbeeyo Qaaddi Naasir Al-Diin Al-Baydawi, iyo gabay uu tiriyey Muxammad bin Cali Niyazi Al-Masri.
Waxaa sidoo kale jira Taxmiis cajiib ah oo ay curisay gabadha suufiyadda ah Caa'isha Al-Baa'uuniya, oo asal ahaan ka soo jeedday Urdun, inkastoo ay ku dhalatay, ku kortay kuna geeriyootay Dimishiq. Waxaa suurtagal ah inuu yahay gabayga keliya ee ay haweeney curisay oo ay ku dhiirrigelisay Burdihii Al-Buusiiri, xilli suugaaneed uu inta badan raggu gacanta ku hayeen.
Al-Baaruudi, Shawqi iyo Al-Jacfaari oo raacay qaabka Al-Burda
Xilligii casriga hore, wasiirkii dagaalka ee Masar, Maxmuud Saami Al-Baaruudi, oo ka mid ahaa hormuudkii dugsiga dib-u-soo-nooleynta gabayga Carabiga, wuxuu go'aansaday inuu curiyo gabay cusub oo ku dayasho ah gabaygii Al-Buusiiri, isagoo ilaalinaya isla miisaanka, qaafiyadda iyo macnaha. Suugaanta waxaa arrintan lagu magacaabaa "Muqaabala".
Al-Baaruudi waxaa laga yaabaa inuu ahaa curiyihii gabaygii ugu dheeraa ee qaabka Burdaha ilaa xilligaas. Gabaygaas oo la yiraahdo "Kashf Al-Ghumma fi Madh Sayyid Al-Umma" wuxuu ka kooban yahay 447 bayd, wuxuuna kaga warramayaa taariikhda nolosha Nabiga, isagoo ka soo qaatay dhacdooyinkii ku xusnaa taariikh-nololeedkii Ibn Hishaam.
Waxaa jira sidoo kale gabay saddexaad oo lagu sameeyay qaabka Burdadii Al-Buusiiri, kaas oo weli ay fannaaniintu qaadaan, gaar ahaan bulshada suufiyada. Waxaa curiyay Sheekh Saalax Al-Jacfaari, oo ahaa Imaamkii Masjidka Al-Azhar, isla markaana aasaasay dariiqada Suufiyada Jacfaariyada.
Al-Jacfaari kuma koobnaan oo keliya ammaanta Nabiga Muxammad, balse wuxuu sidoo kale gabaygiisa ugu hibeeyay ammaanta ehelkiisa. Gabayga waxaa loo bixiyay "Al-Burda Al-Xasaniyya Al-Xusayniyya fi Madh Aali Khayr Al-Bariyya".
Shawqi wuxuu gabayga ku bilaabay gabay jacayl, sida uu sameeyay Kacab bin Zuhayr, balse wuxuu ka dhigay gabay ku dhammaanaya xarafka "miim" (م), sida gabaygii al-Buusiiri. Sidaas ayuu ku bilaabmay:
Gabar deero ah oo joogta dhulka, geedaha iyo astaanta dhexdooda.
Waxay ii bannaysay in dhiiggayga la daadiyo bilaha xurmada leh.
Ka hor inta uusan u gudbin 190 bayt oo uu ugu dambayn ku ammaanayo Nebiga, wuxuu gabaygiisii ugu caansanaa ku yiri:
- Waxaan istaagay albaabka Amiirka Rususha, kii...
- Qofkii haysta furaha albaabka Alle, wuu heli doonaa.
- Muxammad waa kan uu alle doortay, waana naxariistiisa.
- Rabitaanka Alle wuxuu ku wajahan yahay makhluuqaadka iyo naf kasta.
- Allow Axmedow, kan wanaagsanow, maqaam sare ayaan ku leeyahay magacaaga awgiis.
- Sidee bay Rasuulku u noqon waayey mid darajadiisa la sarreysiiyo?
Ummu Kulthuum waxay ka dooratay gabaygaas qaar ka mid ah baydadiisa, waxayna ku qaaday hees cinwaankeedu ahaa "Nahj al-Burda" iyadoo laxanka uu sameeyay muusikiistaha Riyaad al-Sunbaati. Heesta waxaa la qaaday munaasabadda xilliga Xajka intii lagu jiray 1940-meeyadii.
Burdihii Barghuuti
Sanado badan ma aysan qaadan ka hor inta Burdadii Al-Buusiiri aysan qalbiga taaban mid ka mid ah gabayaaga casriga ah ee ugu caansan, kaas oo ku adkaystay isticmaalka afka Carabiga ee aftahannimada leh. Gabayaaga Falastiin ee Tamiim Al-Barghuuti wuxuu tiriyey gabay leh isla miisaanka Burdada, isagoo raacay qaabkeeda iyo qaabkii Shawqi.
Al-Barghuuti wuxuu aaminsan yahay in "muqaabaladu tahay salaan uu qofka dambe u diro qofkii ka horreeyay." Hase yeeshee, wuxuu sheegay inay leedahay khatar, maadaama ay ku jirto ku tiirsanaan qoraal hore, sidaas darteed macnaha gabayga cusub aanu si buuxda u dhammaystirmin haddii akhristuhu aanu aqoon gabaygii hore.
Gabayaaga Falastiin ee ku dhashay Masar wuxuu doortay xarafka "Daal" inuu noqdo qaafiyadda gabaygiisa Burda, halkii ay Al-Buusiiri iyo Shawqi ka doorteen xarafka "Laam". Wuxuu sheegay inuu Daalka u doortay sababtoo ah macnaha gabaygiisu wuxuu ka duwan yahay kuwii ka horreeyay, wuxuuna doonayay in isbeddelkaas macnaha ahi uu ka muuqdo qaabka gabayga.
Isaga oo sanado kala duwan soo saaray tix kala duwan balse is dhammeystireysa.
Sawirka hoos ka muuqda ayaa ayaa qeyb kamid ah erayadii Gabaygiisii
Qasiiddada ugu dheer Burdaha ee la tiriyey
Qiyaastii toban sano kaddib, qoraaga reer Masar ee Khaalid Al-Shaybaani wuxuu soo bandhigay gabay loo arko inuu yahay gabaygii ugu dheeraa ee ilaa hadda lagu sameeyo qaabka Burdadii Al-Buusiiri. Wuxuu u bixiyay "Anwaar Al-Burda".
Al-Shaybaani wuxuu BBC-da u sheegay in fikradda uu kaga hortagayo Burdada Al-Buusiiri ay maskaxdiisa ku jirtay tan iyo carruurnimadiisii, gaar ahaan markii uu bilaabay curinta gabayada isagoo da' yar. Ujeeddadiisu waxay ahayd tartan iyo inuu magac ku yeesho suugaanta, balse sida uu sheegay, waqtigaas kuma guulaysan.
Markii uu afartankii sano dhaafay, sababihii ku dhiirrigelinayay ayaa is beddelay. Wuxuu sheegay inuu riyo ku arkay Nabiga Muxammad iyo qaar ka mid ah awliyada Alle. Markaas ayuu yiri: "Waxaan bilaabay inaan ogaado dhinaca ruuxiga ah ee Islaamka, kaas oo aan horay noloshayda uga jirin."
Wuxuu intaas ku daray in maalintii dhalashada Nabiga ee sannadkii 1442 Hijriyada, oo ku beegnayd 2020, uu riyo ku arkay Nabiga, laguna bishaaraynayo in gabaygiisu noqon doono mid cajiib ah. Wuxuu sheegay inuu ku farxay, riyadiina ay rumowday, kaddibna uu si buuxda ugu go'ay qorista gabayga.
Ku dhowaad lix sano oo uu qorayay kaddib, Al-Shaybaani wuxuu BBC-da u sheegay inuu ku dhow yahay dhamaystirka gabay dheer oo ka badan 500 bayd, kaas oo aan eray isku higgaad ah lagu celin qaafiyadda ama bilowga baydka.
Gabaygiisu wuxuu ka hadlay qaar ka mid ah fadliga Nabiga Muxammad, ehelkiisa iyo asxaabtiisa, kaddibna wuxuu soo koobay taariikhda nolosha Nabiga, ugu dambayntiina wuxuu ku soo gabagabeeyay ammaanta Alle iyo magacyadiisa quruxda badan. Al-Shaybaani wuxuu rajaynayay in gabaygu gaaro ku dhowaad 550 bayd.