You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
'Kawaanlihii Bosnia' ninkii xasuuqay muslimiinta Bosnia oo xabsi ku dhex geeriyooday
Ratko Mladić oo lagu helay dambi dagaal oo ka dhan ah Serbian-ka Bosnia ayaa ku dhintay xabsi ku yaal Hague isagoo 84 jir ah.
Waxaa lagu xukumay xabsi daa'in sannadkii 2017 sababo la xiriira xasuuq, dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha intii lagu jiray dagaalladii ka dhacay Yugoslavia-dii hore sannadihii 1992-95.
Ka dib dagaalkii Bosnia, wuxuu baxsad ahaa muddo 16 sano ah ilaa ugu dambeyntii laga helay miyiga Serbia sannadkii 2011, ayadoo lagu maxkamadeeyay magaaladaas ka tirsan Netherlands.
Xukunka ninkan loo yaqaan "Hiliblaha ama kawaanlaha Bosnia" ayaa racfaan ka qaatay maxkamadda Qaramada Midoobay sannadkii 2021. Waxaa la siinayay daryeel caafimaad oo loogu talagalay dadka naafada ah isbitaalka xabsiga ee Qaramada Midoobay, halkaas oo uu ku dhintay.
War-saxaafadeed ay ku xaqiijinayso geeridaas maalintii Khamiista, ayay Maxkamadda Qaramada Midoobay ku sheegtay in mas'uuliyiinta dalka Netherlands ay bilaabeen baaritaan.
Waxay intaas ku dartay in garsooraha ugu sarreeya maxkamadda uu "faray in baaritaan dhammaystiran lagu sameeyo duruufaha" ku hareeraysnaa geerida Mladić.
Bishii Maajo, maxkamaddu waxay diidday codsi ku saabsanaa in xabsiga laga sii daayo maadaama uu ku jiray marxaladda ugu dambaysa ee noloshiisa.
Garsooraha ayaa garowsaday in xaaladdiisu "xun tahay" laakiin wuxuu go'aamiyay in xabsiga lagu daaweynayo "daawayn dhammaystiran oo naxariis leh".
Qareenada Mladić ayaa xilligaas sheegay in uu hore u jiifay sariirta ama uu saarnaa kursiga curyaamiinta muddo dheer ka dibna uu la ildarnaa faalig looga shakisan yahay oo ku dhawaad ka dhigay inuu hadli waayo.
Mladić oo aan waligiis aqoonsan maxkamadda Qaramada Midoobay ayaa tan iyo sanadkii 2011-kii ku xirnaa xarunta lagu hayo dadka loo haysto dambiyada ee magaalada The Hague.
Wuxuu hoggaaminayay ciidamada Serbiyiinta Bosnia intii lagu jiray sagaashameeyadii, isagoo dagaal kula jiray ciidamada Croat-ka Bosnia iyo kuwa Bosniak-ka (Muslimiinta Bosnia).
Intii uu dagaalku socday, ciidamadiisu waxay geysteen falal loo yaqaanay "isirtir qowmiyadeed" (ethnic cleansing) gudaha Bosnia-Herzegovina, iyagoo isku dayaya inay xoog ku barakiciyaan dadka aan Seerbiyiinta ahayn. Waxay go'doomiyeen magaalada ugu weyn ee Sarajevo, halkaas oo ay ku dhinteen in ka badan 10,000 oo qof, waxayna xasuuqeen 8,000 oo rag iyo wiilal ah oo ku sugnaa Srebrenica.
Hasan Hasanović, oo ka badbaaday xasuuqii Srebrenica isla markaana halkaas ku waayay walaalkiis mataanaha ah iyo aabihiis, ayaa u sheegay barnaamijka Newshour ee BBC World Service in geerida Mladić "aysan keenin dareen ah in arrintu soo dhammaatay, sababtoo ah dadkii lagu xasuuqay Srebrenica dib uma soo noqon karaan".
"Geeridiisu waa uun arrin dabiici ah oo dhanka noolaha ah, mana soo afjareyso qorshihii siyaasadeed iyo kii milateri ee sababay dhaxalkaas xasuuqa ah. Hadda waxaan la noolnahay cawaaqibka ka dhashay waddan kala qaybsan iyo diidmada in la qirto xasuuqa" ayuu yiri Hasanović, oo hadda ka shaqeeya xarunta xusuusta ee Srebrenica.
Si kastaba ha ahaatee, hoggaamiyaha gooni-u-goosadka ah ee Seerbiyiinta Bosnia, Milorad Dodik, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in Mladić "ay ixtiraami jireen dadka Serbian-ka ah. Isagoo ah taliye, wuxuu u istaagay difaaca dadka Seerbiyaanka ah."
Magaalada Belgrade ee caasimadda Serbia, dadka deegaanka qaarkood ayaa iyaguna ammaanay.
"Runtii waxaan aaminsanahay inuu difaacay dadka Serbiyaanka ah, waayo ugu dambeyntii, taasi waxay ahayd waajibkiisa," ayaa laga soo xigtay nin lagu magacaabo Milan oo ay wareysatay Reuters.
Nin kale oo lagu magacaabo Vasilije ayaa yiri: "Waa wax laga xishoodo oo aad u weyn, runtii waa sidaas. Aniga ahaan, waxaan u arkaa inay tahay cadaalad-darro baahsan in xitaa loo gudbiyo maxkamadda The Hague".