App-kan hadda waa la xiray

Published
Waqtiga akhriska: 2 daqiiqo

Waxaa jira app cusub oo dhowaan lagu soo dari doono BBC News Somali

Waxaad weli ka heli kartaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo dunida bbc.com/somali

Fadlan wax badan ka akhri app-ka BBC World Service, kaas oo dhowaan lagu dari doono BBC News Somali.

Ku saabsan app-ka BBC World Service

App-ka BBC World Service waa hal meel oo aad ka heli karto wararka BBC ee lagu kalsoon yahay, kuna baxa luuqado kala duwan. Dooro luuqadda aad doorbidayso si aad u hesho warar ay soo xuleen oo soo saareen koox saxafiyiin BBC ah oo u gaar ah luuqad kasta, kuwaas oo ka soo warrama gobolka iyo dunida inteeda kale.

La soco warar lagu kalsoonaan karo oo wax kuu kala caddeynaya, kana digtoonow faafitaanka wararka khaldan iyo macluumaadka marin-habaabinta ah. Daawo tebinta tooska ah, dhegeyso codadka, kana daawo muuqaallada wararka, dhammaantoodba hal meel.

Warar caalami iyo kuwo goboleed oo dhexdhexaad ah, wararka ugu muhiimsan iyo falanqeyn

Cinwaannada wararka, warbixinno gaar ah iyo falanqeyn khubaro

Warar degdeg ah iyo tebinta tooska ah

La soco dhacdooyinka iyo arrimaha taagan.

Baaritaanno iyo sharaxaad

Warbixinno qoto dheer iyo maqaallo dhaadheer oo faahfaahinaya sheekooyinka ugu muhiimsan ee gobolka iyo caalamka, iyo sidoo kale sharaxaad wax ka qabanaysa macluumaadka marin-habaabinta ah isla markaana kuu fududeynaysa fahamka mowduucyada adag.

Muuqaal

Daawo dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee wararka, aragtiyo iyo falanqeyn.

Ogeysiisyada wararka ugu muhiimsan

Furo ogeysiisyada si aad isla markiiba qalabkaaga uga hesho farriimaha digniinta ah ee wararka ugu muhiimsan.

Ku saabsan BBC

British Broadcasting Corporation waa warbaahinta adeegga dadweynaha ee UK, waxayna baahisaa warar lagu kalsoon yahay, falanqeyn iyo madadaalo iyada oo adeegsanaysa telefishin, raadiye, aaladaha dijitaalka ah iyo baraha bulshada.

BBC waxay ka madax-bannaan tahay saameynta ganacsi iyo tan siyaasadeed, waxayna ku shaqeysaa axdi boqortooyo oo dammaanad qaadaya madax-bannaanidaas.

Qeybta wararka ee BBC waxay xafiisyo ku leedahay 64 magaalo oo ku kala yaalla 54 dal.

Waa maxay BBC World Service?

BBC World Service waxay dunida oo dhan gaarsiisaa warar iyo arrimaha taagan iyada oo adeegsanaysa 45 adeeg oo luuqado kala duwan ku baxa, oo Ingiriisigu ku jiro, kuwaas oo isugu jira muuqaal, cod iyo waxyaabo lagu daabaco internetka. Inta badan iyada oo loo marayo BBC World Service, BBC waxay toddobaad kasta gaartaa 503 milyan oo qof. Dhageystayaasha iyo daawadayaasha caalamka ayaa sidoo kale BBC kaalinta koowaad ka geliya warbaahinta caalamiga ah marka la eegayo kalsoonida, isku-hallaynta iyo madax-bannaanida.